SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • TAARIIKH NOLOLEEDKA MARXUUM MAXAMED XASAN MATAAN

    Posted by Sawnews.tk on March 24, 2010

    TAARIIKH NOLOLEEDKA MARXUUM MAXAMED XASAN MATAAN
    Tariikhda: 23-03-2010
    MARXUUMKU: Wuxuu Curad u ahaa Aabihi Xasan Mataan Axmed, Isagoo la dhashay 9 Wiil iyo 9 Sagaal Gabdhood.
    Dhalashada: 26th October, 1959
    Goobta Dhalashada: Magaaladda Lafaciise- Degmadda Aw. Bare
    Magaca Hooyadda: Xaliimo Aw. Elmi Aare & Faadumo C/laahi Suldan
    Taariikhda Waxbarashada:
    1968- 1976: Waxa uu ka baxay Dugsiya Hoose Dhexe ee
    Wajaale
    1976-1977:  Waxa uu ka baxay Dugsiga Tababarka MaamulKa
    iyo Maareynta (CTC), Hargeisa, Somalia.
    1978: Waxa uu bilaabay Shaqada Hanti Dhawrka Qaranka
    Muqdisho, Somalia.
    1983: Waxa uu Qaatay Bilada Abaal Marinta “Shaqo
    Wanaag” Ee Heer Qaran Hargeisa, Somalia.
    1986: Waxa uu iskii uga Tagay Shaqadii Hanti Dhawrka.
    1987-1988: Waxa uu Joogay Sa’udi Arabia.
    1989-1990: Waxa uu Ganacsade ka noqday Muqdisho.
    February, 1991:   Wuxuu ka Mid ahaa Marxuumku
    Aqoonyahanadii tirada yarayd ee Sida Tooska ah U yimiday Degaamadii ay Ka soo Jeedeen Markii ay Soomaaliya Burburtay.
    March- 1991:   Wuxuu ka mid ahaa, Si firfircoona uga qayb
    qaatay Bilowgii Nabadeynta iyo Dib- U heshiisiinta Somaliland, isagoo isla,
    April 27- 18 May 1991: Wuxuu ka qayb qaatay Ergooyinkii u
    Matalayay Gobolka Awdal Shirweynihii
    Beelaha Somaliland ee ku Qabsoomay
    Burco, Laguna Go’aamiyey la soo
    Noqoshadii Madaxbanaanida JSL.
    Ka dib Shirweynahaasi, Marxuumku wuxuu Horseeday, Yab-yabkii Ganacsiga ee Gobolka, isagoo Noqdey Shakhsigii Ugu Horeeyey ee Abuura Kaalin Shidaal Boorama.
    12 April 1992- 16 April 1992: Marxuumku wuxuu qayb ka ahaa
    Dadkii Abaabulay Shirkii Lagu Mideynayay Afkaartii kala Duwaneyd, ee ay kala qabeen Dadweynaha Reer Awdal Gudo iyo Dibadba, isla markaasna lagu Go’aamiyey Sidii Kaalin Gurmad Nabad Gelyo Looga Qaadan Lahaa Dagaaladii Sokeeye ee  Berbera ka dhacay.
    24 January -1993- 25- May 1993:  Marxuumku wuxuu ka mid
    ahaa Aqoonyahankii iyo Waxgaradkii Suurto, Galiyey, Shiweynihii Beelaha Somaliland ee ku Qabsoomay Boorama, Isla Markaasina ku Dadaalay sidii ay shirkaasi uga soo Bixi lahaayeen Natiijooyin iyo Himmilo Shacbi.
    Wuxuu Qayb ka ahaa Marxuumku:
    Xoojintii Midnimadda iyo Wadajirka Shacbiga Somaliland, ka dib Markii ay aloosameen iska Hor-imaadyadii iyo Dagaaladii Sokeeye ee ka Qarxay Hargeisa.
    1994-1996: Wuxuu ka mid ahaa Aas-aasayaashii Hayaddaha
    Maxaliga ah Ee ka qayb qaatay Dib- U dhiskii Deegaanadda Gobolka Awdal.
    1996-1997: Wuxuu ka Qeyb Galay Abaabulkii Shirweynihii
    Sadexaad ee Beelaha Somaliland kuna Qabsoomay Hargeisa.
    1997-2001: Wuxuu ka mid ahaa Aqoonyahanku wax  Garadkii
    qaybta Laxaadka leh ku lahaa Hawlihii lagu horumarinayay Umadda,
    Tusaale: Abaabulkii iyo Aas-Aasidii Jaamacada Camuud 1998.
    2001: Wuxuu ka Qeyb Galay Hawlihii Lagu Xaqiijinayay
    laguna Meel marinayay Doonista Shacbiga, ahaydna Aftidii Dastuurka.
    2002: Wuxuu ka Qayb ahaa Aqoonyahankii iyo Wax
    Garadkii ka Qayb qaatay Arimihii lagu Horumarinayay Dimuqraadiyadda iyo Is-Xukunka Dadweynaha.
    2003-2009: Marxuumku wuxuu Hormuud ka ahaa Isku Xidhka
    iyo Isfahamsiinta Bulshada, Mararka ay Yimaadaan Khilaafaadka iyo Iska Hor imaadyada Daneed (Conflict of Interest), Dhexmarana Masuuliyiinta  ku shuqlan Mihnadaha Siyaasadeed , isagoo inta badan sanooyinkan  danbe Deganaa London, wuxuu ahaa Nin Mar waliba Xaalaadka Dalkani si Joogto ah ula socday ugana shaqayn jiray, iskuna taxalujin jiray sidii loo Gaadhi lahaa Horumar Dhaqaale, Siyaasad, Nabad Gelyo iyo Bulshaba.
    Marxuumku wuxuu ka mid ahaa inta farakutiriska ah ee  Markasta oo ay Dalkani Xaalad adagi soo Wajahdo ka Werweri jiray kana Soo Gurmanayay Dibada, Isagoo ay Hogaaminaysay Dareenkiisa wadani nimo, Is-Xilqaan iyo Aaminsanaantiisa inuu Qarankani Taabo Gal Noqdo.
    Waxaa Lagu Xasuusan Doonaa oo Taariikhduna Xusi Doontaa, Kaalintii Firfircoonida, Geesinimada, Waxgarad Nimada iyo Hal Abuurka Lahayd ee uu ku lahaa Nabadeynta iyo Unkida Qaranimadda Somaliland, Horumarinta Geedi Socodka, Dimuqraadiyadda, Xoojinta Wadajirka, Wada Noolaanshaha iyo Iskaashiga Shacbiga reer Somaliland Gudo iyo Dibadba.
    Waxaan Marnaba La Iloobi Karin, Hab-dhaqankiisii iyo Kartidiisii  uu kaga Duwanaa Da’diisa.
    Waxaa lagu Xasuusan Doonaa Oon Marnaba Maskaxda Shacbiga Reer Somaliland ka baxayn, Horseednimadiisii Dhinacyadda kala Duwan Lahayd ee Ku Fadhiday  Samafalnimadda, kartida iyo Aqoonta Dadnimo (Bini aada.
    Marxuumku wuxuu Bulshada uga Muuqday Meelkastoo uu joogaba Sida Dayaxa
    Marxuumka Allaha u Naxariistee wuxuu 23/03/2010. saacaddu markay ahayd 6:00  Fiidnimo ee Saacada Geeska Afrikada Bari , ku Geeriyooday Cusbitaal ku yaala  Magaaladda London,  Wuxuuna ifka kaga tagay 10 Caruur ah iyo Hooyadood,  oo kala ah 4 Wiil iyo 6 Lix Gabdhood.
    Ilaahay Waxaan uga Baryaynaa ugana Rajaynaynaa Inuu Jannadii Fardowsa ka Waraabiyo, Ehaladiisii, Qoyskiisii, Ubadkiisii, Asxaabtiisii iyo Dhamaan Umadda Reer Somaliland Samir iyo Iimaan Ilaahay ka siiyo.
    AAMIIN, AAMIIN, AAmiin aamiin aamiin

    ABDIRISAAQ SH CILMI MIXILE

    Hargaysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: