SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Munaasabada Aaska Marxuum Maxamed Xasan Mataan Oo Maalmaha Soo Socda Ka Dhaci Doonta Magaalada Borama

    Posted by Sawnews.tk on March 24, 2010

    London (Sawnews/CNN) – Alaha u naxariistee waxaa shaley galab Hospital ku yaala magaalada London ku geeriyoodey Marxuum Maxamed Xasan Mataan oo ka mid ahaa qurbo jooga reer Awdal ee degan dalkan Britain, geeridan deg dega ah oo naxdin ku abuutrey dhamaanba jaaliyahada Reer Awdal ee degan dalka dibadiisa ayaa ah mid aad murugadeeda ka dareemi karto qiimaha shakhsiyadeed ee uu bulshada dhexdeeda ku lahaa Maxruum Maxamed Xasan Mataan, waxa uu ahaa ruug cadaadi dhinaca siyaasada Somaliland ka dhex muuqdey muddo 20 sano ah, waxana uu ahaa shakhsi aan la gaban fikirkiisa, ra,yigiisa iyo mabaadiida uu aaminsan yahay, dadkii ay asxaabta ahaayeen iyo kuwii kale ee ka ag-dhawaa ee ay sheeko wadaaga ahaayeen marxuumka waxa ay is weydiinayaan cidii buuxin kari lahayd kaalinta uu marxuumku baneeyey, ma muuqato saansaanta cid karti u leh in ay buuxiso kaalintii uu baneeyey marxuum Maxamed Xasan Mataan, odhaahdaasi waa mid si waafiya u wada aaminsan yihiin intii aqoonta gaara u laheyd   Marxuum Mataan oo ahaa aqoonyahan iyo siyaasi isu filan.

    Marxuumka oo maalimihii u dambeeyey xanuun dhanka wadnaha ah u jiifey Hospitalka weyn ee lagu magacaabo Harefield Hospital ayaa shaley galab xijaabtey (Ku nafsin daa,iqatul mawt) Hadaba wararka rasmiga ee ka soo baxaya qoyska uu ka baxey marxuumku ayaa sheegaya in la go,aamiyey in maydka marxuum loo qaado dalkii hooyo isla mar ahaan taana lagu aaso magaalada Borama halkaas oo ay ku sugan yihiin waalidiintii marxuumka dhaley, qoyska marxuumka iyo qaraabadiisa intii ugu badneyd, Jinaasada marxuumka ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb gali doonaan dadweyne aad u tiro badan oo ka iman doona dhamaan gobolada dalka iyo kuwa aan jaarka nahay sida Djabouti iyo Ethiopia, waxaa kale oo ka soo qeyb gali doona xubno sar sare oo ka socda xukuumada JSL.

    Dhicana kale Xarunta Gobolka Awdal ee Borama waxaa ka socda qaban qaabada iyo u diyaar garowga jinaasada Marxuumka, waxaana maanta galinka dambe lagu rajo weyn yahay in maamulka Gobolka Awdal magacaabo gudi qaban qaabiya maareynta iyo maamulka hab maamuuska uu u dhici doono aaskan qaran ee lagu sii sogootin doono siyaasigii weynaa, halgamaagii aan gaban jirin, ruug cadaagii isu kalsoonaa Marxuum Maxamed Xasan Mataan.

    Marxuum Maxamed Xasan mataan waxaan ilaahey uuga baryeyna in uu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxeyna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.

    Wixii warar ee ka soo kordha Jinaasada Marxuumka kala soco shabakadan camuudnews.

    Abdirasaaq Hammaal

    Senior Camuudnews Editor

    United Kingdom Office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: