SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo la Kulmay Wafti Ruush ah +Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on March 23, 2010

    Sample ImageJamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefdigii ka socday dalka Ruushka.

    Wefdigaasi oo isugu jiray, saraakiil ka tirsan shirkadaha waaweyn ee dalka Ruushka iyo niman maal qabeeno ah, waxa ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland, booqasho dhawr maalmood ah, iyadoo ujeedada socdaalkooduna uu ahaa in ay soo indho indheeyaan,  Mashaariicda u baahan maalgashiga dalalka shisheeyaha.

    Madaxweynuhu, waxa uu wefdigaasi ugu mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, si ay indhahooda ugu soo arkaan Nabad gelyada iyo  Xasiloonida ka jirta dalka ,. Isagoo isla markaana carababaabay inay Somaliland gacmo furan ku soo dhawaynayso cid allaale cidii danaynaysa in ay maal gashi ku samayso dalka, maadaama aanu leenahay dal dihin oo leh khayraad badan oo ku jira Bad iyo Berriba.

    Madaxweynuhu, waxa kale oo uu soo qaaday , Mashaariicdii ay hore uga fuliyeen Somaliland dalkii la odhan jiray Soviet Union , kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Dekeda iyo Madaarka Magaalada Berbera. Wefdigaasi ka socda Dalka Ruushka, intii ay joogeen dalka , waxa ay la kulmeen, Wasiiro dhawr ah iyo saraakiil ka tirsan kuwii ku soo tababartay dalkii la odhan jiray Soviet Union oo yaqaana Afka Ruushka, waxana wefdigu ay si weyn ugu mahad naqeen dadweynaha reer Somaliland, Xukuumad iyo Shacbiba, sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyay Somaliland intii ay joogeen, iyagoo ballan qaaday in aanu noqon doonin safarkani kii ugu danbeeyay ee ay ku yimaadaan Somaliland, iyagoo marar kale ku soo noqon doona dalka”.
    Sample Image

    Sample Image

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: