SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wefdigii Cuslaa ee Ka Socday Dawlada Somaliland oo kulamo ku yeeshay Addis ababa + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on March 21, 2010

    Addis ababa (CNN) – Warsaxaafadeed uu soo saaray Ayaanle Salaad Diiriye oo ah Ku xigeenka Safiirka Somaliland ee Addis ababa, ayaa waxa uu ku yidhi “Waftigii uu hogaaminayay, Wasiirka Arrimaha Dibada JSL, Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale , waxa Magaalada Addis Ababa quraac sharafeed u Sameeyay Mr. John Marshal, ku xigeenka Safiirka safaarradda Ingriiska ee Addis Ababa, Ethiopia ahna kusimaha Safiirka Safaarradda Ingriiska ee Ethiopia.

    Waxa kulankaa lagu gorfeeyay xidhiidhka dhaw ee ka dhaxeeya labada Dal Somaliland iyo Ingriiska iyada oo nuxurka wadahadalku ku salaysnaa iskaashiga labada dal ee dhinacyadda  Nabadgelyadda, Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Horumarka, waxa kale oo la gorfeeyay xaaladda guud ee Gobolka ( sub region) . 

    Kulankaas labada dhinac waxa laysla qaatay Somaliland iyo Ingriiska sii xoojinta xidhiidhka labada dal inuu halkaa ka sii socdo iyadoo kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyo jawi saaxiibtinimo. kulankaasi waxa uu qaatay laba saacadood, Kulankaasi dhinaca Safaaradda Ingriiska waxa ku weheliayay John Marshal,Safiirku xigeenka ahna sii hayaha Safaarradda, Shan Sarkaal oo ka mid ah safaaradda laamaheeda kale duwan sidaa ku xigeenka labaad, milartary attachka iyo immigrationka. 

    Sidoo kale waxa waftiga qado sharaf u sameeyay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Dr. Tekeda Alemu, kaasi oo ay ka wada hadleen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal sida nabadgelyadda, Ganacsiga , Amaanka iyo Guud ahaan xaaladda guud ee gobolka waxa labada dhinac isla qaateen doorka ay somaliland ka ciyaarto Gobolka khaasatan dhinacyadda Amaanka Gedisocodka dimuquraadiyadda iyo dawlad wanaaga. Iyadda oo loo baahan yahay in bulshadda caalamku si gaara u qiimeeyan kaalinta somailanad kaga jirto gobolka lana helo qaabkii Somaliland waxloogala qaban lahaa horumarka, waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa. Kulankaasi oo qaatay laba saacadod iyo badh Kulankaasi wasiiru dawlaha arrimaha dibedda waxa ku weheliyay laba nin oo kale ahaa 1. Safiirka African unionka u fadhiya ethiopia iyo Abdeta dhinaca Somaliland waxa waftigu uu ka koobnaa kulamada oo dhan Wasiirka Arrimaha

    dibedda Abdillahi Mohamed Duale, Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Abdillahi Ismail Ali, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Ali Ibrahim Mohamed, Baashe Farah Mohomed, Ku xigeenka labad ee Baarlamaanka Somaliland iyo Said, oo ah ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Somaliland iyo Mr. Ayaanle salad Deria, Safiir Ku xigeenka Safaaradda JSL Addis Ababa, Ethiopia ahna ku simaha Safiirka Safaaradda JSL Addis Ababa.

    sidoo kale waxa waftigaas xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Maraykanka u jooga Ethiopia John Yates kulan kaasi oo lagaga wada hadlay xidhiidhka qotoda dheer ee u dhaxeeya dawladda somailand iyo dawladda Maraykanka iyo u gogol xaadhka weftiga somaliland ee washiton, Kulankaas Safiirka Maraykanka waxa ku weheliyay Sarkaal safaaradda u qaabilsan Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

    Waftigu waxay xalay ka dhoofeen Bole International Airport iyaga oo u sii jeeday Washinton DC”.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: