SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warbixin Ku Saabsan Shirka Mineapolis by: Ramadaan Xaamud

    Posted by Sawnews.tk on March 21, 2010

    Sida aad la socotaan waxa dhawaan dad badan soo gaadhay warar is khilaafsanoo ka imanaaya gobolka Minnesota ee Maraykanka warar kaaso ku saabsan shir la filaayo in uu ka dhicidoono Minneapolis. Kadib markii gaar ahaan odayasha Minnesota laga sheegay warar kala duwan oo odhanaaya shirka way tagayaan iyo matagayaan waxaan jeclaaystay inaan xog waraysto odayaasha iyo dhinac kalaba. Waxa ii cadaatay in odayadu ay ka midaysanyhiin in ayna shirka ayna ka qaybgalin. Waxa kale oo ay aad uga xunyihiin in Pro. Ahmed Samater oo ay u hayeen xushmad badan in uu taladii waa yeelnimo ee ay siiyeen in uu ka dhaga adaygay kuna gacan saydhay si xushmad daro ah. Shirkii ugu dambeeyey ay yasheen odayada iyo Ahmed Samatar wuxuu ku dhamaaday is afgaran waa, iyo khilaaf. Waxana nasiib daro ah in dhalinyaro xabaarsan dana gaara in ay afdoobeen Pro. Ahmed Samatar si ay dantoodu u fusho. Waxa kale oo nasib daro ah in sida la sheegay in ay dhalinyaradu ay yihiin kuwa xaqiiqda jirta an danaynayn.

    In kastoo Pro. Ahmed Samatar si cad u u sheegay in ay ujeedada shirku ay tahay in kor loogu qaado tayada iyo qaabka maamulka odayaal dhaqmeedka ay ka mid yihiin salaadiinta iyo cuqaasha; waxa ay odayaashu ay ka biyadeedeen sida shirka loo afdoobay oo keentay ama keenikarta sida ay aaminsanyihiin odayaashu qodobadan soo socota :

    In uu shirku khilaaf iyo shiki uu kala dhex dhegay dadkii walaalka ku ahaa dan ta guud.

    In ay dici karto in uu shirku beelaha degan Somaaliland ee ku wallaloobay qaranimadooda uu kala dhex dhigi karo shiki an loo baahnay, sabatoo ah waxa mooqata in dad xamaysan oo siyaasadaysan in ay aad u danaynaya in uu shirku qabsoomo si ay shiki beelaha Somaliland ugu kala abooran .

    Waxa hobaal ah in shirkaasi ay markii hore dadku moodayeen in u isku soo dhawayn karo ummadeena , waxa se naib daro ah in u noqday mid kala fogeyn kara ummada walaalaha ah.

    Taladadaan la ruugin waa lagu rafaadaa. Talada odaayaasha reer Mineapolis ee la diiday cadha allah ay leedahay dadkeenana waxay ku abuurayasaa shiki iyo kala fogaasho.

    Sida la sheegay arinta la isku afgaran waayey waxay ahayd shirka dib u dhiga inta aan ka hubinayno in uu shirku caafimaad iyo faaiido uu u keenaayo umada ku walaalooday qaranimadooda. Odayadu waxa ay wali ka yaabanyihiin waxa ay ku degegayaan dadka qaarkood oo ay ka helayaan khilaafka. Markii la is mariwaayey waxay odayadii ku soo afjareen mar hadaan la is maqalyn oo an waxba la iska dhegeysanayn in ay ka joogaan shirkaas. Waxa kale oo nasib daro caam ahaan in si xun loogu kala qaybsanyahay.

     

     Ramaada Xaamud
    email ramadaan555@hotmail.com 

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: