SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shirkad Weeyi Halhaysee TELCOM Waan Hanbalyaynay(Abwaan Budin)

    Posted by Sawnews.tk on March 18, 2010

    Borama(Sawnews)Maansadan waxaa curiyay Maxamed Cismaan Budin ,waxa uu Abwaanku ugu mahadnaqayaa shirkada TELCOM ee  ka hirgalisay magaalada Borama FM-ta waxana uu shirkadaha kale u sheegayaan inay wax qabad buuxa la yimaadaan sidaa oo  kale ,oo ay dadkana u faa’ideeyaan ,

    Dantu waa ma huraanoo

    Waa horumar aduunka

    Waxaa loo higsanaayiyoo

    Waxa hawl galay maanta

    Maskax weeyi habaysanoo

    Hami baa la is dhaafshayoo

    Cilmi baa la haleelayoo

    Uu hayaamay aduunku oo

    Afakaale hortiisiyo

    Dayaxaa lagu hoobtayoo

    Bada waa la hujuumayoo

    Warshadaa la hamaartayoo

    Ninba waa hiyigiisiyo

    Siduu hawl u qorsheeya oo

    Wax halkii fadhiyaaba

    Ho heey waa inagiiye

    Dadka haybta u jeelanee

    Kala halaabay dhabtiiyoow

    Waydinkii hagranaayee

    Dhagihiinu hamuumta

    Warba aanay helayne

    Mar hayday hana qaadayoo

    FM noogu hurayso

    Magaceedu ha raagee

    Hawl wadeenada maanta

    Iyadaa u hal haysa oo

    Shirkad weeyi horseedee

    Telecom waan hanbalyeeynay

    Warku waa ma huraanoo

    Dhulka hoosada wayn le

    Wax dushiisa hadraaya

    Hirar mega sameeyaaa

    Iyagoon ka habsaamin

    Ninba hoyga uu seexdo

    Ugu geeya halkiisee

    Mar haday hana qaadayoo

    FM noogu hurayso

    Magaceedu ha raagee

    Hawl wadeenada maanta

    Iyadaa u hal haysa oo

    Shirkad weeyi horseedee

    Telecom waan hanbalyeeynay

    Noole hawl kama maarmoo

    Nin hayaama aduunka

    Hamigiisa ma daayee

    Hilin raaca aqoonta

    Halkay maanta marayso

    Taladaa u horseeda oo

    Haday hawsha dhankeeda

    Ninkastaa huladiisa

    Heedhe aanu daryeelinoo

    Hal hal loo kala daato

    Ninba haybad mayeeshoo

    Horaa looga maahmaahayoo

    Far qudhaatayba haanta

    Kaligeed ma hogaysee

    Hugunkaa wax dhaqaaja oo

    Hadii aan la israacin

    Hadaf weyn lama gaadhee

    Aboorkaaba habaaska

    Marka uu isku hawlo

    Dudumooyin habeeyee

    Hadii aanay israacin

    Mid qudhaatay hogiisa

    Halna muu ka qodeene

    Wax guul u horseeday

    Hadaf weeyi midaysane

    Inta haayad shaqaysiyo

    Shariikaadkan hugmaayee

    Isgaadhsiinta ku hawlan iyo

    Telesomtaa hagranaysiyo

    Kuwan heensaha qaadiyee

    Dahabshiil u horaysoow

    Runtii hawlo wanaagsan baad

    U haysaan bulshadiinee

    Balse heedhe adeegu

    Telefoonka haloodiyo

    Hal hal doolar ka wayne

    Sida hiilka teleecom ee

    FM tii hana qaaday

    Huladiina daboola oo

    Dadku way hagradeene

    U horseeda kal kaal oo

    Hababkiina daryeelka

    Inta aanan la hiifin

    Haraw qaada talaabo oo

    Halka aanu filayno

    Hadaydaan  ku hagaagin

    Mar kalaan hadli dooniye

    Hal abuurka tixdaydiyo

    Heedhe maaha ciyaare

    Hadaydaan na adeecin

    Bulshadiina u hiilin

    Maansadaan u hilaabay

    Hogoogtaan ka dul qaadiyoo

    Halis bay dhili dooniyee

    La yimaada horoowmar 

    Abwaan Maxamed Cismaan Budin

    budin1@hotmail.co.uk

    Borama

    Sawnews Office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: