SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Beesha Bahabar-celi Oo Ku Dhawaaqday Inay Beeshoodu Taageero Buuxda U Hayso Xisbiga Kulmiye

    Posted by Sawnews.tk on March 17, 2010

    Boorama(Sawnews)Duqayda iyo waxgaradka Beesha Bahabarceli[samaroon] ee ku dhaqan Degmooyinka Boorama iyo Saylac iyo deegaanada hoos yimaada ayaa ku dhawaaqay inay beeshoodu taagro buuxda u hayso xisbiga Kulmiye wax arintaa iska badalayna aanay jirin.
    Xubno ka mid ah Odayada waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beesha Bahabarceli oo deegaano kala duwan kala soo xidhiidhay Shabakada Sawnews ayaa waxa ay sidoo kale beeniyeen warar sheegayay in xubno Beesha ka tirsani ay taageero u muujiyeen xisbiga UDUB iyaga oo sheegay inay arintaasi ku kooban tahay laba shakhsi oo aan ra’yigooda gaarka ah beesha ku matalin,xisbiga UDUB iyo Beesha Bahabarcelina ay waayo hore kala xidhiidh furteen.

    Maxamed Ibraahin Qawrax[farabadane] oo ka mid ah Odayada Beesha Bahabarceli ee deegaanka Gar-gooray ayaa Sawnews  u sheegay in beesha BAHABAR CELI ay si buuxda u taageersantahay xisbiga kulmiye oo ay horeba u taageersanayeen waxaana hadalkiisa ka mid ahaa”dhawaaqa yar ee aad xariirad ka maqasheen waanu dabagalnay waxa uu ahaa wax ku kooban laba shakhsi, umadna kuma matalikaraan,beesha Bahabarcelina taageeradeda waa la ogyahay oo waa xisbiga kulmiye waxaanan kalsooni buuxda siin doonaa musharixiinta kulmiye ee doorashada soo socota md Axmed Siilaanyo iyo Eng Saylici”.Maxamed Ibraahin Qawrax waxa go,aankan ku weheliyay gudidada odayada beesha ee deegaanka Gar-gooray oo kala ah Muxumed Madar Wooble[garbaje],Suge Xirsi Diiriye,Cabdi Warsame Xoosh,Cabaade Cige Faarax iyo Xasan Muxumed Ismaaciil.

    Xubno kale oo iyaguna nagala  soo xidhiidhay deegaanada Boon,Xariirad,Ceelbaxay,Fiqi Aadan iyo Sh Awaare ayaa iyaguna sidoo kale ku dhawaaqay in beeshu si buuxda u taageersantahay xisbiga kulmiye wax arinytaa iska badalayna aanay jirin shakhsiyaad iyo beeshuna ay kala miisaan weyn yihiin.
    ABiib Rooble Xoosh oo ka mid ah duqayda beesha ee deegaanka Boon ayaa isaga oo ku hadlayay magaca duqayda Bahabarceli ee  deegaanka Boon  waxa uu yidhi”arinta yar ee soo baxday waa war fakaday oo ay laba nin aqal hoostii ku qoreen,waxaanan umada u cadaynaynaahaba yaraatee inaanu jirin wax taageero ah oo ay beeshu u muujisay xisbiga UDUB ,anagu horayso iyo dambaysaba waxa aanu nahay xisbiga Kulmiye waxaa hore loo yidhi  meel haddii lagu maydho waa lagu qalajistaa,markaa wax ay UDUB  noo hayso iyo wax aanu u haynaa midna ma jiro.

    Cali C/laahi Suldaan oo isna ka mid ah duqayda Boon ee nala soo xidhiidhay waxaa hadalkiisa ka mid ahaa”Bulsho iyo laba shakhsi way kala miisaan badan yihin,waxa la yidhi hangaraarac lug uma dhutiyo laba qofna kalsooni beesha ma leexin karaan,waxanan bayaankayagan ku muujinaynaa inaanu kulmiye nahay horena aanu kulmiye u ahayn”.xubnaha duqayda Bahabarceli ee deegaanka Boon nagala soo xidhidhay waxa kale oo ka mid ahaa Saleebaan X.Muxumed Ibraahin,Rooble Nuur Kadiye iyo C/raxman Dixood Malow.
    Rooble Nuur Kadiye oo isna nala soo xidhiidhay ayaa sheegay in beesha Bahabarceli ee deegaanka Ceel baxay ay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi”waxa aanu ka xunahay shakhsiyaadka ka been abuurtay masiirka beesha Bahabar celi oo hore cid balan ula gashay balankaas oo ah xisbiga kulmiyena way fulin doontaa, cida run sheegaysa iyo ka beenta sheegayaana way kala cadaan doontaa,nin soori kaa qaadayna hore ayaa loo yidhi waa nin seefi kaa qaaday”
    Intaa kuma koobna ee xubno kale oo fikirkan aaminsan kana cadhooday dhawaaqa xubnaa labada ah ee ay sheegeen ayaa nagala soo xidhiidhay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin xariirad,Fiqi Aadan,Sh Awaare iyo meelo kale.
    Deegaanka Xariirad odayada Bahabarceli ee nagala soo xidhiidhay waxa ka mid ah Maxamed Muuse Kaahin,Cabdi Muumin Muuse,Saleebaan Garaad ROOBLE, Ibraahin Rooble Cabdale iyo Aadan Cumar Dharaar.
    Deegaanka  Sh Awaare waxaa isna nagala soo xidhiidhay Caydiid Kaamil Khayre[furjano],Cismaan Muuse Xoosh,Coofle Jaamac Xoosh,Diiriye Muuse Deheeye.
    Deegaanka Fiqi Aadan waxa isna nagala soo xidhiidhay Cabdi Muxumed Qayaad,Cabdi Muumin Kaahin,Saleebaan Xuseen Cumar[afartaba qaad],Ibraahin Isaaq Axmed iyo Maxamed Cumar Fariid iyo xubno kale.

    Sawnews Desk

    Borama Office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: