SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shirkada Telcom oo Borama ka hirgalisay FM Radio

    Posted by Sawnews.tk on March 15, 2010

    Borama(Sawnews)-Maanta ayaa Markii ugu horeysay magaalada Borama mawjada FM-ta laga dhagaysanayay iyadoo maqalkeeduna faseex yahay Bbc-da afka Somaliga ku hadasha. FM-ta oo laga dhagaysto Bbc-da ayaa muddo dadwaynaha reer Awdal ay ka dhursugayeen sidii loo furi lahaa mawjadaasi oo dhagaysigeedu aad u fuduyahay, arrintanina waxay keentay in dad badan ay rajo galisay inay ka mid noqdaan magaalooyinka laga dhagaysto FM-ta oo muddo badan ay ka dhursugayeen, FM-ta ayaa waxaa si dhib yar looga dhagaysan karaa Gawaadhiga, Mobiles-ka iyo Radio-yada iyadoo awal ay dhib ahaan jirtay in si sahal ah loo helo SW1 iyo SW2-ba iyadoo mar marka qaarkood maqalkoodu daciif ahaa balse maanta mar hadii la helay FM-ta in wakhti walba iyo goob walba lagu dhagaysan doono lagagana kaaftoobi doono meelihii makhaayadaha ee dadku hortooda ku soo buuqi jireen iyaga oo doonaya inay wararka Bbc-da ay halkaasi ka dhagaystaan. Arrintani waxay keenaysaa in gobolka Awdal uu ka mid noqdo gobolada Somaliland iyo Somaliyaba maadaama ay hore gobolada qaarkood uga shaqayn jirtay. FM-ta waxaa ka fuliyay magaalada Borama oo isku xilqaamay keenista iyo ka dhagaysiga FM-ta Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telcom ee Somaliland laanteeda Borama. Wariye:- Abokor Hassan Affi

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: