SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Hore Looma Arag Loomana Maqal:Nin Walaalkii Geeridiisa Ciyaar iyo Tumasho ugu Baroor Diiqa

    Posted by Sawnews.tk on March 15, 2010

    Maantan Ismaaciil boqorkii oo degta ku sitay ma Muqdisho ha looga heeso ayuu amray? waa yaab kale. Ismaciil Cumar Gheelle maanta waxuu durmaan iyo ciyaar ka doonayaa walaalkii oo geeri iyo gaajo iskugu biirtay. Waddankii somaliyeed oo baahan buu kolba dhinac uga wareegayaa, wuu qoslayaa sacabkuu tumanayaa. Tumashadii iyo ciyaartiina wuxu maanta la tegey Mudhisho. Wuxuu ku yidhi todobaad boqorkaygan u ciyaara. Shalayna wuxuu  ku tumanayay Saylac. Xaaladda Mugdisho oo addunkoo dhammi ka war qabo ayaa maanta xaflad wayn loogu diyaariyay si boqorkiisa loogu heeso.Toddobaadkii hore 40 ka badan baa ku dhimatay dagaaladda Muqdisho. Waddanka somalidu walaal buu u yahay Jabuti. Dadka garaadka leh ee reer Jabuuti way ogyihiin abaalka somaliyi Jabuuti u gashay maalintii ay baahnayd. Maanta oo ay Somaliyi 20 sano gaajo iyo geeri ku jirto in tumasho loola tago waa xishood darro iyo damiir la’aan.  Dhaqankeenna waa ka xaaraan inaad walaakaa oo geeri u fadhiya xattaa dhar qurxoon ula gasho gurigiisa. Markaan tegeynno tacsi waa naqaan qaabkaan walaakeen u tususaynno inaan la geeriyaysannahay. Taa haddaad ka baydho waxad muujisay inaad walaalkaa ku diganayso ama aad ku baga bagaysanayso. Haddaba waxa dadku isweydiinayaa sua’aalahan:

    -Ismaciil ma dheregiisii calooshiisa oo keliya ka indha tiray nolosha waddankiisa iyo tan walaalkii.?

    -Ammaantii looga waday radyowga jabuti, telefehanka, kooxaha uu kiraystay iyo dadkda reer jabuuti ee uu qasbayaa miyay ku filnaan weday?

    -Miyaannu laba socon xaaladda walaalkiiba? Mise maba danaynayo?

    -Xeerka Somalida ee baroor diiqda la yidhaa xagguu ka maray?

    Isamaciil tumasho iyo ammaan goormuu ka dhergi. Magaalada jabuuti labadeeda dhinac laba kooxood baa isaga iyo naagtiisa u kala heesa. Ismaciil lacagta badan ee loogu tumayo dadkiisa ayaa u baahan. Jabuuti waxa nolosha dadka warbixinno caalami ah waxay isku raaceen inay ka mid tahay meelaha addunka ugu nolol xun. Dadka dhiigoodii dawladda ayaa cabtay, dhididkoodiina way ku maydhatay lafahoogiina way shidatay.  Mar labaad bal aan Ismaciil ugu celiyo warbixinta diiwaan gashan ee drajooyinka (classes) nolosha dadkiisa. Adduun waa wareeg ee walaalkaa ha ku digan Ismaciilow.

     

    Qaybta Kowaad: waa kuwo ku nolol nolosha aan France ku noolnahay. Waxy haystaan wax walba. Baabuurtooda, xafiisyadooda iyo guryahoogaba qaboojiyaha lama bakhtiiyo. Caruurtoodii waddanada debedda ayay wax ku bartaan inta la joogtaana si fiican bay seexdaan una noolyihiin. Kontontada dadku u baahanyahay ma kaydiyaan ee habeenkii xafiisyada qaboojiyaha oo shidan bay ka soo rawaxaan. Waxay doonayaan inay aroorta xafiiska oo aad u qabow soo noqdaan. Waxa yaab leh inaan lacag koronto lacag qaadin dadkan sidan ugu raaxaysanaya korontada yar ee jirta. Madaxda oo dhan konronto ma bixiyaan.  Ogow, waa kuwii lacagta haystay kuwani aan lacagta laga rabin. Dadweynihii,95%, korontadaa Ismaaciil iyo dadkiisa bilaashka u ah, dadweynaha Jabuti 95% ma hasytaan. Waa kuwaa caruurta bootarka dhididka iyo kulayka kaga ilaalinaya. Telefanka ay waddanka debeddiisa kula hadlaan dawladda ayaa bixisa. Si walba waxay qaybtani ku nooshahay dhiiga iyo dhididka dadka.

     

    Qaybta labaad: waxay helaan kornoto wareegta oo saacado ah. Qaarkood way xadaan korontada waayo mushaarkooda kama bixin karaan. Qaarna dhibbay ku bixiyaan oo ma gashadaan qaboojiye (air condition) ee marawado ayay sudhaan. Saqda dexe kuwii oo hurda ay tagtaa korontadu. Waxad arki dadkii ee marka keliya aad mooddo in siidhi loo afuufay oo guryahoogii horjooga. Way jiifi kari waayeen kulaylka awgii. Debedduna wax badand ma dhaanto ee hawa kulul bay dhex joogaan. Cagagha iyo gacmahaba intaa way dhaqaajinayaan oo waxay  eryayaan kaneeco. Dadkan aroorta shaqo iyo wax soo saar baa laga rabaa. Waxba soo saari maayaan. Qaybtan waxa ka mid ah nin aan wada shaqaynno oo markaan gurigiisa ka qadeeyay fadhiyi kari waayay ayay tidhi gabadhu.

    Qaybta saddexaad: haba yaraatee ma haystaan koronta waayo ma iibsan karaan.  Habeenkii xagaagga bannaanka ayay jiifaan. Waa madow, qoyaan iyo bullaacado socda (open drainage). Caruurtooda intay qaawiyaan bay mariyaan bootar (powder) dhididka ka nuugga kaneecana way cunaysaa. Haddaad xaafadahooga marto, waad cabsoon waayo wax cadcad oo wada sarajooga ayaad arki. Waa caruurtii oo bootar la mariyay, kuwa yaryarina waabay ooyayaan. Waxad arki hooyadii oo guri yar oo aad u kuluu ka oo dab ku shidday oo wax ku karinaysa. Hooyada halkaa fadhida ee wax karinaysa yaa qiyaasi kara kulaylka iyo dhibta haysa. Caruurta banaanka taaganna looma waayin koronto ay ku seexdaan ee tumasho iyo ciyaar baa lagu illoobay.

    Haberjeclay Muuse Waa Kaa,  ayaan Maqli Jirnay,

    Maanta waxa joogta;  Somalay Ismaciil Waa kaa ee arka

    Hussein Egeh

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: