SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dhalinyara Soomaaliyeed oo isku Dishay Magalada Brits ee Dalka South Africa.

    Posted by Sawnews.tk on March 13, 2010

    Cape town(Sawnews)Wararka ka imaanaya   Magalada Brits ee Gobolka North West ayaa sheegaya in maalintii  khamiista ahayd  uu halkaasi  kadhacay fal Dil aad u fool xun kaas oo u dhaxeeyay dhalinyarada Soomaaliyeed .
     
    falkan dilka ah ayaana waxaa loo geesatay  Nin dhalinyara ah oo lagu Magacaabo Cabdulahi Jaamac (Qamooje) waxaana dilka marxuun Cabdulahi jaamac kadanbeeyay   ninkale oo Soomaali ah ,Macada sababta  dhabta ah ee keenay in ay isdilaan dhalinyaradaani Soomaaliyeed balse wararka aanu ka  helaayno ayaa sheegaya in labada nin uu dhax maray Muran iyo is qab qabsi ku saleesnaa Jaad,  taas oo ugu danbeentii sababatay in Toorey wadnaha looga dhufto marxuunka geeriyooday.

    Waxaa goobta uu falku kadahacay soo gaaray Ciidamada Booliiska waxa ayna sheegeen in ay sameenayaan baaritaano ku aadan falkaasi dilka ah ,Wararka laga helaayo halka uu falku kadhacay ayaa sheegaya in uu baxsaday ninkii kadanbeeyay falka dilka ah balse Booliisku ay ku raad joogaan.
     
     
    Falkani dilka ah ee  kadhacay magalada Brits waxa si kulul u canbaareeyay wax laga xumaadana kutilmaamy qaar katirsan Bulshada   Soomaaliyeed ee kudhaqan gudaha dalka South Africa .
     
    Ma ahan markii ugu horeesay oo fal dil ah Soomaalidu isugu geesato Dalka South Africa waxaana dad badan xasuustan sanadkii hore fal gacan kahadal dhaliyay una dhaxeeyay ganacsato Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen ilaa afar ruux oo Soomaali ah  iyadoo tira kalana ay ku dhaawacmeen .
     
    falalkan Soomaalidu isku disho ayaana intooda badan waxa uu salka ku hayaa is qabqabsi xagaga ganacsiga taas oo markii danbe keenta in ay isdilaan ,waxaana la sheegay in gudaha South Africa Soomaalida isku dishay kor u dhaafayaan ilaa 8 ruux oo Soomaali ah taas oo dhacay xiliya kala duwan
     
    Ciidamada Booliska South Africa ayaa dhoor mar oo sii horeesay Soomaalida ku eedeeyay in ay iyaga kadanbeeyayan dilalaka loo geesto taas ay Soomaalidu si kulul u beeniyeen ,balse dilalakan Soomaalida dhaxdeeda ah ayaana Soomalaida kunool South AFrica kunoqonaayo waji gabax iyagoo markoodii hore ay ladaaladhacayay  dilal iyo Dhibaatooyin kale ay kala kulmaan dadka  South Africanka .

    Wariye:-

    C/Risaaq Mire Niiniile

     

    Sawnews

    South AFrica

    xariifka@live.com

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: