SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shirkad Cusub Oo Isgaadhsiineed oo Maanta Laga Furay Boorama(SOMTEL)

    Posted by Sawnews.tk on March 7, 2010

                                                                      

     Borama(Sawnews) Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay oo manta lagu qabtay Hotel Rays oo lagu furaayay shirkad cusub oo isgaadhsiineed oo ku soo biirtay shirkadaha  , ayaa waxaa ka soo qayb galay xafladaasi , masuuliyuiin sarsare ,oo ka kala socday min heer Gobol ilaa Heer Degmo oo ay ka midyihiin Gudoomiyaha Jaamacada Camuud  , Gudoomiyaha jaamcada Eelo American University ,Duqa Mgaalada Boorama ,Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Awdal,Maamulaha Shirkada dahabshiil Laanta Boorama,Shuyuukh, Ganacsato ,Dhalinyaro Haween ,iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada

    Xafladan waxaa soo agaasimay maamulaha guud ee Shirkada dahabsiil Ee labada Gobol ,
    Ismaaciil Cabdi (Riiraash) manaasibadan lagu furayay shirkadan cusub ee lagu magacaabo SOMTEL oo ka jirta dhamaanba Gobolada intooda kale ,ayaa manta la furay                                                             

     

     

      

     

    Waxaana halkaasi ugu horayn ka hadlay Maamulaha cusub ee shirkada SOMTEL Yuusuf Muuse Ducaale waxana uu sheegay in ay shirkadani ayna ahayn mid ku cusub dalkee ay horay uga jirtay  Gobolada Bariga sida Togdheer ,Saaxil Sanaag , hadase ay gaadhay Gobolada intood kale bari iyo galbeddba ,min Lawya-cado ilaa Laascaanood ,Maareeyaha shirkadani waxa u sheegay in adeegyada ay ugu talo gashay ay ka midyihiin 

    Mobile GSM, Mobile Banking oo isna ay sheegeen in ay soo bandhigayso shirkadani.
    Grouping  aya iyagna loo samaynayaa adeeg gaar ah oo kharashka la jaaj garaynayaa uu noqonayaa mid aad u yar. Sidoo kale adeegyada waxaa ka mid inaad ka arki karto wararkii aduunka oo aad ka akhrisan karto mobilkaaga.Sidoo kale waxa ay shirkadu soo bandhigaysaa in qaraabada dibadu ay kaala soo xidhiidhi karto si bilaa lacaga. 

     

    Waxaa kale  isna halkaasi ka hadlay  Pro: Saleebaan Axmed Guuleed waxa uuna umahadnaqay ka soo qayb galayaasha munaasabadan iyo shirkada Dahabshiil oo uu yidhi  waa midhihii Shirkadaa Dahabshiil , waxa uuna yidhi Dahabshiil  waqtigii jaamacada aan dhidibada u taagnay ilaa iminka inay na siiso lacag go’an oo ah 2000$ waxa uuna umahadnaqay Maareeyaha Shirkada Dahabshiil Maxamed Siciid(Dahabshiil) sidoo kale waxa uu yidhi Shaqo la’aanta waxaa ka daran mashaqaystayaasha, waxa uuna yidhi shirkada dahabshiil waxa ay ka mid tahay shirkadaha ka qaybqaatay dhismaha wadanka. 

     

    Waxaa isna halkaasi ka hadaly Sheekhul baladka Sheekh C/laahi Sh.cali Jawhar  waxana  uu amaan usoo jeediyay iyo  mahad naq sida loo soo agaasimay Xafladan furitaanka waxana  uu sheegay in ay shirkadani tahay Dahabshiil oo sii farcamatay, waxayna Dahabshiil  tahay muraayad dadkana waxa aan usheegnaa in lagu daydo  ayay mudan yihiin ,waxana uu intaasi ku daray in ay  Dadka  ushaqeeya Dawlada inay kaga daydaan dhaqanka wanaagsan  ee  waqti illaalinta iyo Balwad la’aanta,
    waxaana fiicnaan lahayd dadka khibrada u leh inay ka hadlaan, waxa uuna sheegay in ay  Caalamku Horumar gaadhay, ayana  soo socoto ushaada oo kula hadasha.waxana uu shirkadaha ku booriya  in tartan xalaala la galo oo lana dhawro bulsahada danyarta ah. 

     

     

    Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Duqa magaalada Boorama   iyo badhasaab ku xigeenka Gobolka waxa ayna sheegeen wixii dhaliil ah inay qaadanayaan shirkadan cusubna dhaqaajinteeeda ay iyagu ugu horeyn bilaabi doonaan adeegeeda. 

     

    Waxaa iyaduna halkaasi ka hadashay  Gabadh kamida Qurba jooga  oo lagu magacaabo Basra Jirde Shire kana  tirsan Ururka wadaniga ah ee TIIGSI Group waxa ayna sheegtay hadal aad loogu baahnaa oo dadkii ka horeeyay ay ka gagabanayeen  waxa ayna sheegtay intaan leenahay dahabshiil wax ay sheegtay in lagu celceliyay dahabshiil wado ha inoo samayso waxa ha inoo qabato waxa ay tidhi  waxaan odhan lahaa inagu aynu wax qabsano markaan inagau wax qabsano aynu nidhaahno waxaas ayaa inaga dhiman ,laakiin iminka wax ha naloo qabto iniga oo wax qabsan karo waa laga fiican yahay.sidoo kale waxa ay sheegtay in magaalada qashin farabadan meelka kasta daadsan yahay cidii wax ka qaban lahayd oo dawlada hoosana waa ay ka seexatay waxa ay tidhi waxaa muhiinm ah inaan inagu nadaafada guryaheena sidaan uga shaqayno aynu bilicda magaaladana aynu ka shaqayno. 

     

    waxaa isna halkaasi ka hadlay Maxamed Cali France oo ku hadlayay afka ganacsatada Suldaan Saleebaan Cali,dhamaantood waxa ay sheegeen inay taageersan yihiin Shirkadan iyo hawlaheeda. Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Maareeyaha Shirkada Dahabshiil Awdal/Salal/ Mudane X/Ismail Cabdi Riiraash waxa uuna sheegay ka shirkad ahaan inay soo dhawaynayaan Da dadka macmiilayda iyo kuwa jecel inay ka mid noqdaan , waxa uuna sheegay inay taageraan shacabku shirkadan cusub lana furi doono sheerer dadyawga degen goboladan.waxa uuna sheegay inay ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga.sidoo kale waxa Xaajigu sheeay inuu wixii fariin ah gaadhsiin doono madaxa shirkada Maxamed Siciid Dahabshiil 

     

     

     

     

     

     

    Dadkii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa  Gudoomiyaha Jaamacada Eeelo pro: Maxamed Xuseen Cigeh.Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Yuusuf ,Suldaan Saleebaan , 

    Isku soo wada duuboo shirkadani waxay kaga duwanthaay kuwii hore adeegyo cusub oo ay wado waa sida hadalka loo dhigee amaba ay ka dhawaajiyeen maamulayaashu , 

    Wariye :-

    Omer Albashiir

    Sawnews

    Borama Office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: