SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ninka Ugu Xoolo badan ee Ugu Faan Jecel Geeska Africa Wuxuu Xukumaa Waddanka Ugu yar iyo Dadka ugu Baahi Badan(Qaybtii 2aad)

    Posted by Sawnews.tk on March 7, 2010

    Ninkan aan wada hadlaynaa wuxuu ahaa nin war badan ka haya xaaladda waddankiisa iyo waddanadan jaarka ah. Xiisu gaar ah buu u lahaa arrimaha bulshada iyo siyaasadda. Hadalkiina sidan baan u sii wadnay: -Taksiile: Ma ogtahay inuu baankan Jabuti guddoomiyihiisu yahay nin la dhashay naagta Ismaciil cumar oo uu lacagtana isagu gacanta ugu hayo? – Aniga: Maya! Maya! Arrintaa ma maqal. Ma sidaasaa waa yaab?

    ”. – Taksiile: Haa. Waa Jamac Cabdillahi Xayd iyaduna ina Cabdillahi Xayd. – Aniga: micnihii dawladi ma jirto ee waxad dhex joogtaan dukaan qoys leeyahay oo siday rabaan u maamushaan iyagu. – Taksiile: Ma ogtahay inaan haddaan waddanka debeddisa la hadalayo, aan u baxo Layacaddo oo ah xadka Somalida? Qof halkaa jooga ayaan mobilkiisa lacag ku shuban ka dibna waan hadli. Haddii kale waa lacag badan gudaha waddnkan. – Aniga: Maxaad ka hadlaysaa? Waa yaab kale eh – Taksiile: Waddankaa burburay baa dhinac walba naga fiican. Xag nadaafadeed, dhaqaale iyo nololba. DVD gurigayga yaalla waxan u dirsaday Wajaale. Xattaa qaadka aan cunno xagga somalida ayaa naga jaban. Waddankan rag baa monoboli lagu siiyay wax walba oo dadka cunaha qabtay. – Aniga: Ma ninkan iska dhigaya inuu dalkiisii dhisay oo uu Somali heshiisiinayo ayaa sidan dadkiisii u nool yihiin? – Taksiile: Khuraafaad iyo khiyaamo weeyi Somaali baan heshiisiinayaa. Ninkii tiisaba daryeelaa tu kalena ku dara. Dadkan na qabsaday waa dad Ethiopia ka yimid oo khiyaamo badan maaha Ciisahayagii daacadda ahaa. – Aniga: dad badan baa immika la yaabban sida xishood darrada ah ee uu u fara gelinayo waddanka burbursan ee uu uga dhex bixi laayahay. Waxgaradka Somalidu way arkaan inuu ninkani waddankii xagga danbe ka soo gelayo. – Taksiile: Haa. Haa. Baahidooda ayuu arkaa. Rayaale iyo naagtiisana kuwayagan baa casharro siiya oo jeebka ku rittay. – Aniga: Waan ka war qabnaa in xaaskii Rayaale la dejay Fransiiska oo lacag halkan u taallo baasboorro diplomat ah oo waddankan ahna way ku socdaan. – Taksiile: waxay iyagu isku haystaan in BBC lacag la siiyo iyo been looga heesaa meel marayso. Kama warqabaan cadhada dadka haysa iyo nolol xumada waddanka taalla. – Aniga: Caqli xumada way iska leeyihiin madaxda Africa. Wuxuu moodayaa inuu beeraha waddannada kale ku raaxaysan doono. Miyuu hubsado halkay ku dambeeyeen kuwii waddanadooda cadhada dadku ka eriday. Waxa ka mid ahaa kuwan hareerihiisa Mengistu, Siyaad Barre , Bukaso, Iidi Amin iyo kuwo badan oo kale. – Taksiile: Nimankan dadweynuhu way arkaan inay qaawan yihiin. Iyagu se isma arkayaan. Qaawanaan bay socdaan – Aniga: Waa runtaa. Waxa indhaha ka dabolay kuwan hareera fadhiya ee heesaha u soo diyaarinaya, beentana u sheegaya.

     Hussein Egeh

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: