SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Khasnajiga Xisbiga UDUB Oo Aan ku Booqanay Xafiiskiisa

    Posted by Sawnews.tk on March 6, 2010

    Borama(Sawnews)Shabakada wararka ee sawnews waxay buuqatay xafiiska khasnajiga xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal Cabdi Suldaan Kaadiye , halkaasi oo aanu waraysi kula yeelanay waraysigan oo dhinacyo badan taabanaaya , waxa uu khasnajigu nooga waramay Xisbiga UDUB iyo inta uu Xilka hayay Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin wax yaabihii ugu waawaynaa ee uu qabtay ,

    Su’aasha ugu horaysa ee aan waydiinay khasnajiga waxa ay ahayd waxaad ka war bixisaa inta uu Xisbigu tala hayo wax yaabaha la taaban karo ee uu qabtay amaba dalka uu ku soo kordhiyaay ?

    Waxan uu ku jawaabay Khasnajigu sida tan (waxaana ku guulaysanay doorashii Madaxwaynaha ,oo dadwaynuhu si toosa u soo doorteen ,waxaan kaloon ku guulaysanay doorashii Barlamaanka ,waxaan kaloon ku guulaysanay Maamul gaadhsiintii Gobolada Dalka oo ay markii hore naga maqnaayeen Sool iyo Sanaag ,arintaa labada gobolka waxay ka mid ahaayeen balan qaadyadii uu madaxwaynuhu uu balanqaaday wakhtigii doorasha .

    Waxaa kale oo aan is hortaagnay Ururkii Qaran ee sharci darada ahaa ee uu Xisbiga Kulmiye ka danbeeyay ,waxaa kale oo aan qabanay Cadawgii Somaliland ku soo duulay ee qaraxyo maaganaa oo aan qabanay 3 Goor waxyaabaha qarxa , inkastooy mar naga guulaysteen oo qarxiyeen madaxtooyada ,Xarunta ganacsiga ee Dalka Ethiopia ku lahayd Somaliland iyo Xafiiskii qaramida midoobay ee UNDP , sadexda goor ee aan qabanay ayaa ka sii Qatar badnaa hadii ay fulinlahaayeena wadankaba lama arkeen ,

    Waxaa kaloon ka hortagnay kacdoonkii uu hormuudka ka ahaa Shirgudoonka Baarlamaanka oo uu Kulmiye adeegsanayay dalkana lagu burburinayay , oo loo adeegsanayay dadwaynuhu inay dawlada ka hortagaan, ayaan si xasiloon ku joojinay ,qaabkaas oo dagaal qabyaaladeed umada loo kala dhex dhigayay ,waxaan kale oo aan qabanay Badbaadintii iyo soo qabashadii Hay’adii Jarmalka ee la afduubay ,oo aan ku guulaysanay in aan soo qabano kuwii wax afduubay iyo kuwii la afduubayba inaan soo furanay iyagoona badqaba waxaan kaloon ku guulaysanay xidhiidhka aan aduunyada la leenahay iyo ka dawladaha jaarka aan nahay ,

    Waxaa kale oo aan waydiinay waxyaabihii ugu waawaynaa ee Gobolka Awdal ka dhacay waxmaad nooga sheegi kartaa ?

    Waxana uu ku jawaabay sida tan : waxaa ka dhacay labo dhibaato oo waawayn midi waxa ay ahayd mid dabeeciya midna waxa ay ahayd mid Bili’aadam gaystay , waxaa uu Baraf fadhiistay Waqooyiga Gobolka Awdal , waxaa ku nafwayaay Boqolaal Xoola ah ,

    Waxaana ku indho belay 2 caruur ah ,wixii loo qaban karayayna waa loo qabtay haday Dawlada tahay , hadii ay dadwaynaha tahay iyo hadii ay Hay’adaha caalamiga tahayba .waxaa kale oo Koonfurta Gobolka ka dhacay inta Dila iyo Kala-bayd dhexdooda ayaa laga leexsaday dad masaafura oo 11 qof ah , 4 qof oo kamida oo Ganacsade yaal , Aqoonyahan ,Engineero iskugu jira waa la laayay, waxaana dilkaasi fuliyay Budcad Beeleed , haybtooda lagaranaayo qasaarahaa dhacayna waxa uu ahaa mid naxdin leh .

    Su’aal Dadka Kulmiye ka soo gala ee xisbiga UDUB ku soo biiraa maxay ku doortaan xisbigiina?

    Waxana uu ku jawaabay masuulku Hadii aad dhagaysan lahayd idaacada Horyaal ee uu Kulmiye leeyahay waxaad si sahlan ku soo gali lahayd UDUB ,waxay kicisaa Dadka reer Somaliland oo ay dagaal galisaa , waxay dhiiri galisaa qabiilka waxayna samaysaa aflagaado badan oo shakhsiya ,waxayna dimuqraadiyada u taqqaanaa in lays caayo,

    Marka laga soo bilaabo shirwaynihii 2aad ee Kulimiye , waxa ay taageerayaasha kulmiye dareemeen inaanu xisbiga kulmiye madaxdiisu cadaalad aanay ahayn , ka dib markii shirweaynaha lagala guuray Hargaysa ee Burco oo daanta shihse ah lala tagay,waxa u cadaatay in uu xisbiga madaxdiisa sar sare ay qabyaalad ku shaqaynayaan ,taasina waxa ay keentay in ay Boqolaal dad ahi ay bilkasta Kulmiye ka yiaadaan oo ay Xisbiga Bahwaynta ku soo biiraan , ka dib markii ay qiimeeyeen shirwaynihii 2aad ee xisbigooda sida uu u dhacay .

    Isla markaana ay arkeen Shirwaynihii Bahwaynta Xisbiga UDUB ee lagu qabtay Hotel Mansoor ee Hargaysa oo ay ka hadlayaan Gudoomiyaasha Gobolada iyo kuwa Degmooyinka ee Bahwaynta Xisbiga UDUB .

    Su’aal Xisbiga UDUB muxuu kaga duwanyahay Xisbiga Kulmiye ?

    Waxaan kaga duwanahay xeerka 25 qodob ka kooban ee xisbiga UDUB leeyahay oo aan wada aaminsanahay waxaan kaloon kaga duwanahay xaga anshaxa Bili’aadanimada ,waxaan kaloon kaga duwanahay xaga xoriyada hadalka ,doodaha iyo fikaradaha qofku jeedinayo oo aan iska dhagaysano waxaan kaloon kaga duwanahay soo ururinta afkaarta oo aan marka danbe meel iskugu keeno iyo anagoo ukala danbayna xilalka aan ahayno ,sida loo kala sareeyo , aflagaado la’aan aanan xisbiyada aflagaadayn iyo habdhaqanka dadwaynaha oo aan udabacsnahay ,xisbiga UDUBna qabyaalad malaha ,

    Su’aal Doorashada Ugaaska Sideed u aragtaa ee waliba lagu caleemo saaray Deegaan kamida Deegaanada Somaliland?

    Waxaa uu ku jawaabay inlagu daydo ayaa mudan waanan ku faraxsnahay mana kala lihin dadka ee waan wada leenahay ,Ugaasyada Samaroonka iyo Ciisahaba waxaa lagu caleemo saari jiray abidkeed Dagmnada Saylac, waana calaamad fiican ,

    Su’aal waxaan ku waydiinayaa hada mid shaqsi ahaaneed waxaad noo sheegtaa maalintii kuugu farxadbadnayd iyo maalintii kuugu naxdin badnayd ?

    Waxay iigu naxdiin badnayd markii diyaarad aan saarnaa uu afduubay sxbkay Cawil Cadami Burhaan ,oo uu naga dajiyay Ethiopia oo ay Somalia Colahaayeen ,

    Waxaa igu farxad badnayd markii aan gabadh aan ilmo adeernahay aan isguursanay oo anoo dibada ku maqan la ii sheegay inay gabadhi ii dhalatay

    Sawnews Desk

    Borama Office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: