SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Muwaadiniin Soomaaliyeed oo siyaabo kale Duwan loogu dilay Magaalada Cape Town ee Dalka South Africa

    Posted by Sawnews.tk on March 5, 2010

    Cape town(Sawnews)Waxaa sii badanaya Dilalka  arxan darada a ah iyo Dhibaatooyinka kale  ee loo geesanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Dalka K/Afrika ,Dhacdooyinkii  ugu danbeeyay ayaana 2maalin lasoo dhaafay siyabo kala duwan loogu dilay gudaha dalka South Africa  labo Muwaadin oo Soomaaliyeed .
     
    kooxo burcad South Afrikan ah  ayaa  habeen hore Nolosha  kugubay Muwaadin Sooomaaliyeed oo lagu magacaabo Xasan Maxamuud xili uu kusugnaa goobtiisa ganacsi oo kutaala Deegaanka Strand oo katirsan Magalada Cape Town ee gobolka Westren cape,Sida wararku sheegayay marxuunka lagubay ayaa habeenka lagubay habeenkii kahoreeyay waxa uu kabadbaaday dab kale oo lala damacsanaa in lagu gubo isagoona  kuguuleestay in uu dabkaasi iska baqtiiyo sida y xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii ka agdhawa aiyo eheladiisa.
      
    Sidoo kale Maalinimadii Daraad ayaa ayaa waxa iyana Dil loo geestay Xaafid Axmad oo ahaa Muwaadin  Soomaaliyeed xili uu isna kusugnaa goob ganacsi oo  kutuula Tuulada  Philipi oo katirsan isla Magalada Cape Town xili ay weerar kusoo qaadeen kooxo Burcad South African ah halkaasian kudilay Marxuun Xaafid Axmad .
     
    Ciidamada Booliiska ayaana sida caadad aalaaba soo gaara goobaha ay dhibatadu kadhacdo waxa ayna sheegaan in ay sameenayaan baaritaano aan guul kudhamaan amna jiraan ilaa hada war cad oo kusaabsan raga burcadka ah ee laayay Soomaalida.
      
     
    lama oga sababaha dhabta ah ee kadanbeesa dilalka Naxriisdarad ah iyo ugaarsiga lagu hayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kunool Dalka South Africa, waxaana dilalkan si kulul u canbaareeyay qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee kudhaqadan dalkan K/Afrika ganacsade Cumar Cabdulaahi Gacal oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee south africa   ayaana Dowlada Soomaaliya ugu baaqeyn in ay  soo fara galiso Dhibaatooyinka lagu hayo Muwaadiniinta kalana hadasho Dowlada South Afrika sidii wax looga qaban lahaa Xasuuqa joogtada ee lagu hayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool Dalka South Africa.
     
    Dhinaca kale ganacsatda waxgaradka aqoonyahanada ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka South Africa in ay kafiirsadaan goobaha halista ah ee lacagta ay karaadinayan balse ay kuwanayaan  naftooda ,waxa uuna inta araaciyay in maal aduun lahelo lakain nafta ay tahay shey qaali ah mana haboona in anftaada aad qatar ugaliso lacag aad u yar waa sida uu hadalka u dhiagayaane
    Dilalkan ugu danbeeyay ee 48kii Saac ee lasoo dhaafay kadhacay magalada Cape Town    ayaa kadhigeysa inta la ogyahya dadka sanadkan Cusub lagu dilay dalkan South Africa in kabadan shan ruux oo qaarkood nolosha lagu gubay halka qaar kalana lagu dilay rasaas.

    Dadkan ladilay ayaana badankooda waxa lagu dilay tuulooyin katirsan magalada Cape Town ee gobolka Westren  ,magalada Cape Town ayaana waxa ay kalinta koowaad kaga jirtaa magaalooyinka sida daran loogu dilo ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo sanadkii hore tira koob lasameeyay lagu ogaaday magalada Cape Town in ay aheed magaaladii ugu badneed ee lagu dilay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ladilay sanadii 2009kii halka ay kaalinta labaad iyana gashay Magalada Port Elazapeth oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano P E .
     
    Dilalkan Muwaadininta Soomaaliyeed loogu geestay Dalka South Africa ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada South AFrika isku diyaarinayso marti galinta Koobka aduunka ay kaharsantahay inkayar 100 maalin ,lamana oga sida ay dowlada South Africa usugi doonto amaanka kumanaanka kun ee usoo daawasha tagaya koobka aduunka. anigoo ah weriya warkaan qorana  kuna nool wadankaan in doowlada shiikh shariif   soo fara geliso arimahaan silacsan
      

    Cabi Risaaq Mire Niiniilexariifka@live.com

     

    Sawnews.tk

     South Africa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: