SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madasha Akhriska Ee Maskax Maal Oo Caawa Lagu Soo Bandhigay Xus-maanseed Oo uu Soo Diyaariyay Abwaan Maxamed Osman (Budin)

    Posted by Sawnews.tk on March 5, 2010

    Borama(Sawnews)Madasha akhriska ee maskax maal  ayaa  waxaa caawa lagu soo bandhigay bandhigii 17aad waxaana soo bandhigay Abwaan Maxamed Osmaan Budin oo soo bandhigay Xus-maanseed .

    Waxaana caawa madasha buuxdhaafiyay dhalinyaro aad u tiro badan ku waas oo iskugu jirayArday jaamacadeed ,kuwa Dugsiyada sare iyo Dugsiyada hoose iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ee Bulshada ,waxaana abwaanka la soo qaban qaabshay Sukldaan Guray oo ka qaatay kaalin muuqata ahana dhalinta jecel in hal abuurka suugaaneed kor loo soo qaado .

    Bandhigan Xus-maanseedkan oo  guud ahaan mid aad u abaabulan ,oo si aadana usoo jiitay dadwaynihii halkaasi joogay ,Xus-maanseedkanai waxa uu ahaa mid kor loogu qaadaayay hal abuurka dhalinyarada ee suugaantu ku jirto, ee iska soo saari la sobobo garasho la’aan aawadeed , ayaa noqday mid ay ka faa’idaystaan dhabadana ku rida qaabka dhismaha suugaaneed ee Soomalida ,

     

    Abwaanku waxa uu halkaasi ku soo bandhigay qaybo badan oo kamida suugaantiisa , iyo sharaxaad guud oo ku wajahan xidhiidhka ka dhexeeya Hal-abuurka iyo Maansada ,

    Amaba doorka ay ku leedahay suugaantu hanaanka Bulshada Soomaaliyeed oo ah mid lama dhaafaan ah ,

    Abwaanku qaybaha uu halkaasi ku soo bandhigay waxay ku wajahnaayeen Siyaasada,jacaylka,Horumarka Bulshada iyo Maaweelada .

    Waxaana ka mid ahaa GabaygaGaraadka Boqoolay oo gundhigiiisu ahaa horumar la’aanta iyo Siyaasada gaasiran ee qaarada Afrika ,dhiiri galena u ahaa inay dhalinyaradu nolol cusub iyo isbadal dhaqaale hiigsadaan ,

    Bari Dhexe Higtiisu Ma Oosho: oo gundhigiisu ahaa siyaasada cakiran ee ka taagan bariga dhexe iyo doorka reer galbeedku ka ciyaaraan dunida carabta ,

    Salalaahu Calayka : oo ahay maanso uu abwaanku umariyay xuska dhalashada Rasuulkeena suuban(SCW)

    Gufaaco Jacayl : oo ahaa Gbay ku salaysan Xidhiidhka u dhexeeya Bulshada Dhalinyarada ah iyo dookha amaba Jacaylka

    Gbayadan oo dhamaystirana waxaad kala socon doontaan sawnews maalmaha fuuda inagu soo hayo

     

    Wariye:-

    Omar Albashiir

    Sawnews

    Borama Office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: