SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ninka Ugu Xoolo badan ee Ugu Faan Jecel Geeska Africa Wuxuu Xukumaa Waddanka Ugu yar iyo Dadka ugu Baahi Badan By:Hussein A Egeh

    Posted by Sawnews.tk on March 4, 2010

    Waxan dhowaan soo maray magaalda Jabuuti. Madaxayga way ka bixi laadahay foolxumadaan soo arkay. Jidadka magaalado waxay noqdeen godad aad ku dhacayso haddaanad lugtaada halkaad dhigayso hubin. Hareeraha waxa ka fadhiya dad kartuunno guryo ka dhigtay. Halkaa ayaa musqulo iyo maydhashaba u ah. Hawadu aad bay cakirantahay oo haddand sanka qabsan maba neefsan karitid. Habeenkii waxa kugu habsanaya kaneeco fara badan iyo baranbaro musqulaha ka soo baxda.

                Waxan raacay haweenay haysata caruur goon ah. Woxoogaa xag ah oo laga siiyo ninkeedii dhintay ayay u doonatay xafiis dad aad u badani hor tuban yihiin. Diifta iyo baahida dumarkaa ka muuqata wax la koobi karo may ahayn. Waa dad itaalkoodu liito oo qaarkood sarajoogii intay kari waayeen bay dhulka fadhiyaan madaxana gacanta saareen.  Murugo ayaa wajigooda saran waayo guryihii madhnaa iyo caruurtii ay ka yimaadeen oo aanay hubin inay wax u gayn doonaan. Albaabka xafiiska waxa jooga askari naaxsan. Dadkan baahan buu u caga juglaynayaa isagoo hadalkiisa kibir iyo qaylo u badanyahay. Midkood ayaa baryaysa oo ku tidhi “Walaalow shalay waan soo lugeeyay oo sii lugeeyay maantana sidii oo kale ma karo …..”  Intaanay hadalkii dhmmayn intuu laabta qabtay dib u tuuray!

    Xafiiska dadkan laga horjoogo intaa dad la wado ayaa gelaya oo kuwii qoslaya oo danahoogii loo dhammeeyay ka soo baxaya. Kuwan gelaya waxa wada dumar ama rag aad mooddo inay adduun kale ku nool yihiin oo aad uga duwan kuwan albaabka taagan. Duamrka dadka dadka daadahaynaa waa kuwo aad u quruxoon oo dharka iyo dahabka ka lusha aad yaabto. Waxa ka uraya cadarro aad u udgoon markay agtaada marayaan. Nimankuna waa rag aad u giijisan oo muuqooda iyo dharkooduba dhisan yahay. Waxay wataan baabuur feedho waawayn oo ballaadhooka yaahto. Dadkan xaqooda doonaya ee masaakiinta ah waa la sii jiidhayaa oo waa la soo jiidhayaa. Waayo iyagu cid xafiiskan gelisa ma haystaan, xafiiskuna maba oga inay meesha joogaan iyo in kale.

    Anoo wareeray waxan raacay Taxi. Ninkii waday taxiga ayaan sua’aalo ka weydiiyay waxyaabahaan arkay sidan baanan u wada hadalnay:

    –         Aniga; waxan moodayay inaan maqlay in Ismaciil Cumar waddan horumar u sameeyay

    –         Taksiile: Ayaad warkaa ka maqashay?

    –         Aniga: BBC London ayaan u malaynayaa

    –         Taksiile: BBC da iyo dadka heesa iyo kuwa gabyaba Ismacil iyo afadiisa aya u shaqeeyaan. Iyagaa borobogaad loo sameeyaa. Isagu wuxuu leeyahy koox dhan uu heeso iyo ammaano u samaysa. Xaaskiisa ina Cabdillahi xaadna, ilaa awowgeed baa la ammaanaa oo iyana koox gaar ah bay leedahay.

    –         Aniga: Taasi waa Aabbo Siyaadii Afweyne lagu halleeyay. Ma dariiqaas bay marayaan?

    –         Taksiile: Tii Siyaad Barre meel soke ayay noqonaysaa marka kuwan la arko. Afweyne lama sheegin beero waawayn oo uu Afrikada kale ka iibsaday iyo xoolo badan oo uu bannaanada dhigtay. Isagu madaxnimada uun buu jeclaa sida la sheego. Reerkayagani fran walba debedday dhigteen. Inta soo hadhana iyagaa loogu heesaa  oo borobogaad siyaasadeedna loogu sameeyaa. Jidadkii magaaladana waadigaa arkaya oo lama mari karo nadaafad xumo iyo jajab.

    –         Aniga: waxan tegay xafiiskan xaquuda dumarka laga siiyo oo dadka horjooga aan ka yaabay.

    –         Taksiile: Ha sheegin mid keli ah. Xafiis waliba waa sidaa oo qofka jooga ayaa iska leh oo siduu rabo u maamusha. Dadka dhibtaa qaba aad aragtay cidi ma oga. Isaguna dhinac buu magaalda koox heesta ku haystaa iyaduna dhinaca kale ayay koox kale ku haysataa.

    –         Aniga: Beerahan waawayn ee ay waddanada kale ka iibsadeen, ayay diyaarsadeen inay hadhow ku noolaadaan. Immikana ha loo heeso. Hadduu rajo ka qabo waddankan debeddaba beero kama iibsadeen.

    –         Taksiile: waad ka war qabtaa inaanu Malaayiin doolar dhowaan Boqor ku caleemo saarayno. Geedka hoostiisaa lagu caleemo saari jiray ee maxaa lacagta loo daadinayaa. Waa borbogaad, faan iyo tumasho lacag lagu luminayo.

    –         Aniga: waa runtaa. Arrintaa jiho loo qaado waa la garan waayay. Lacagtaa dadkaan saaka arkay ee guryahoogii madhnaayeen baa u baahnaa. Nin dhergay ma oga ka gaajoonaya.

    Hussein A Egeh

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: