SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • War Garaad Dhaamo Ayaa Jira by: Hussein A. Egeh

    Posted by Sawnews.tk on March 2, 2010

    Marka hore waxaan salaan u dirayaa bahda Boramanews. Waxanan u sheegayaa inaanan aniga oo ah Xussein A. Egeh aanan wax cabasho ama faallo ah baba yaraatee u dirin Hadhwanaagnews. Hana ahaatee waxan akhristayaasha u sheegayaa maqaalka ah  ‘Samaroon Aqoontii Lagu Ogaa Ilaahay Samir iyo Iimaan ha ka siiyo’ aniga oo ah Xussein Aden Egeh ayaa soo qoray una diray Boramanews. Waxan la yaabay qoraallo aan ku arkay Bakipress iyo Saylicipress oo igu sheegaya nin Jibriil Abokor ah oo reer Gabilay. Taasi waa wax lagu qoslu oo markaan arkay danba kama gelin. War garaad dhaamo ayaa jira. Qofkii garaad lihi wuu arkaa inaanu Jibriil Abokor ihi ka hadlayn dano Samaroon.

    Labadan shabakadood ee ah Bakipress iyo Saylici press oo isku af ah ayaa bilaabay inay yidhaadaan Xussein waa reer Gabilay. Horeba maqaallado badan oo aan lahaa way soo saari jireen waanay arkeen ee maxay hore  Jibril Abokor iigu sheegi waayeen? Jawaabtu waxa weeyi manta waxan hadlay ninkii Saylici ee  lahaa shabakadahooga. Markaan Dahir Rayale wax ka qoro anigoon iyaga u dirin ayay inta gacanta fidiyaan ka soo qaadan jireen shabakadaha kale. Waxa keli ah oo ay furanyihiin oo ay raadinayaan wax Dahir ka hadlaya oo keliya. Dan kama laha waxa dan Samaroon ka hadlaya ama qof run sheegaya. Taasina maaha calaamadaha saxaafadda dhabta ah ee dadka hoggaamisa. Saxaafadda fiicane waxay dhiirisidaa runta, cilmiga, taarikhda iyo fikradaha dadka maskaxdooda korinaya. Waxan labadn shabakadood u sheegayaa inay sika daweeyaan cudurka ku jira oo ah virus gaar ah oo dabool ka samaysta daawaada. Daawadiinu waa runta oo aad ka hadashaan.

    Qof kasta oo qoraaladayda akhriyaana wuu arkaa inaan ahay nin dano Samaroon ka hadla. Mana garanayo sabab uu nin Jibriil Abokor ihi si joogto ah u guubaabiyo dadka Samaroon. Anigu mowqifkayga waan cadyahay waanan sheegay inaanan rumaysnayn beenahan dhowaanha danbe la abuuray ee ka mid yihiin, dawladda  Somaliland, Gobolada doorashada loo samaystay, Xisbiyada qabaailka Isaaq siyaasad-ku-sheegga ku soo gabaday. Arrimahaa oo dhammi marka laysku geeyo waxa laga arrki karaa inuu Hussein yahay nin aqoonyahan ah oo Samaroon ah. Durmaanka ay tumayaan Saylicipress iyo Bakipress ee kolba dhinac ka soo wareegayaan waa inay runta Xussein sheegayo ka leexiyaan akhristayaasha. Waxan u sheegayaa labadan shabakadood inay dhamaatay waqtigii dadka afka la qaban jiray ama la jaha wareerin jiray.

    Warqaddan markaan akhriyay waxan xusuustay sheeko bari hore na dhex martay aniga iyo nin Misri ah. Waxan la soconnay tareen ka yimid magaalada Alexandria oo u socda Qaahira. Ninkii muddo dheer baan wada sheekaysannay oo danaha carabta iyo arrimaha adduunkaba ka hadalnay. Ninkaas oo ahaa dhakhtar  xaaladaha dunidan aad ula socday waxan ku wada hadlaynay afka ingiriiska (English). Hadalkayagii intiisii danbe sidan buu ku soo dhamaaday

    Dhakhtarkii:  Somalidu waa dad carab ah oo Jaamicadda carabtana ku jira ee maxaad af-carabi ugu hadli wayday ee aad ingiriisi iigula hadlaysaa? 

    Aniga: Anigu Carab ma ihi Somaliduna Carab maaha, laakiin diin iyo daqan baa innaga dhexeeya.

    Dhakhtarkii: Intuu aad u qayliyay oo soo jeediyay dakii hareeraha naga fadhiyay ayuu yidhi, “Ninkan carabnimo ayaan ku sharfayaa isna wuu diidan yahay”.

    Aniga: Sidiisii oo kale intaan codka kor u dhigay baan hareeraha eegay waxanan ku Jawaabay   “ Ninkaygan sidaa u eeg ee sidaana u hadlayaa carab ma noqon karaa?”

    Dadkii isku kaaya dhagaysanayay way wada qosleen oo waxay arkeen inaan ka gar joogo. Waxay yidhaahdeen ninkan sidan u hadlaya ee madow waa nin Afrikaan ah ee iska illow oo carabi way badantahay ee carab raadso. Haddaba kuwan beenta sheegay waxan ku leeyahay waad mahadsantahay ammaantaadii, hase yeeshee  Hussein oo ah ninkaad aragtay siduu u hadlayo iyo danahuu hadlayo, ma noqon karaa Jibriil Abokor ?. Jawaabtu way caddahaya oo waa maya. Aqliga ma gasho

     Hussein A Egeh

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: