SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ugaaskii oo Saaka Lagu Caleemo Saaray Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Salal

    Posted by Sawnews.tk on March 1, 2010

    Saylac(Sawnews)Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo saaka lagu qabtay Hool wayna oo laagu talagalay   caleemo saarka Ugaaska Beesha Ciise oo ka dhacday magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salal ,

    Xafladan oo ay kasoo qaybgaleen Dadwayne aad u tiro badan oo lagu qiyaasay 3000 oo Qof , Dadwaynahani oo iskugu jira masuuliyiin ka kala socday Sedexda Wadan ee jaarka ah oo kala ah Djibouti, Ethiopia iyo Somalinad  iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka ah ,

    Masuuliyiinta ka socday wadanka Jaboouti waxaa hor kacaayay Raysal wasaaraha dalka Dilayta Maxamed Dilayta , wasiirka arimaha gudaha Yaasin Cilmi Buux , wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xaamud , , wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta ,Duqa magaalada Djibouti ,Cali Maraykan , iyo raxan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka , Masuuliyiinta dhinaca Ethiopia waxaa horkacaayay G/ku xigeenka Kililka 5 aad ee soomalidudagto iyo xubno badan oo ka socday baarlamaanka kilalka ,

    Masuuliyiinta xaga Somaliland ka socday  waxaa ka mid ahaa wasiirka arimaha gudaha C/raxmaan Ciro , wasiirka Hidaha iyo dhaqanka , wasiir ku xigeenka wasarada warfaafinta , Badhe Saabka Gobolka Awdal , Duqa magaalada Boorama , Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Awdal ,

    Salaadinta iyo Cuqaasha labada Gobol waa Awdal iyo Salale ee  soo dhawaynaysay Ugaaska Beesha ciishe oo uu horkacaayay Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar ,waxaa iyaguna ka qayb galay raxan Dhakhaatiir ah oo uu horkacaayay Dr: Buuxane ,

    Caleemo saarkan Ugaaska oo bilaamantay abaaro 8:00 subaxnimo ayaa waxay socotay caleemo saarku mudo ku dhawaad 5 daqiiqo ah , markay intasi dhamaatay waxaa la guda galay qaybtii kale ee xaflada oo socotay ilaayo 11:20 ,

    Isku soo wada duuboo xafladan oo ahayd mid mudaba laga soo shaqeeyay ayaa ku dhamaatay si quruxbadan ,

    Waxaan akhristayaasha Shabakada aan u sheegaynaa inaan soo wadno hadaldii masuuliyiinta halkaasi ka hadashay dhamaantood

    Hadaba hamoogaan in aad wixii kolba soo kordha aad kala socoto shabakadan oo halkaasi heegan iniigu ah , waaana jooga dhamaanba hawl wadeenada shabakada,

    Fari kama qodbana la soco…………..

     Sawnews  Desk

    Saylac

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: