SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warkii ugu danbeeyay ee Caleemo saarka Ugaaska

    Posted by Sawnews.tk on February 28, 2010

     Saylac(Sawnews) Waxaa galabta  abaaro 4:15 lagu soo dhaweeyay Ugaaska  barxad wayn oo ku dhaw tuulada TOQOSHI  , waxaana saladiinta soo dhawaysay , madax u ahaa Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar , kuna sheegay  in ay gaadhayaan  80 xubnood oo ka kala socda Gobolada Awdal iyo Salal,

    Waxaana Ugaaska intii aanu soo gaadhin tuulada Toqosi loogu soo xiiray deegaanka loo yaqaano Ugaas lagu Boqor oo iyada tuuladaasi kaga beegan dhinaca galbeedka,

    Ugaasku waxaa uu soo gaadhay magaalada Saylac abaaro 5:15 , halkaasi oo ay sugnaayeen dadwayne aad u tiro badani, oo iskugu jira dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin Dawladaba ah ,

    Masuuliyiinta dawlada ee halkaasi ku sugan waxaa ka mida wasiir Ciro wasirka Hidaha iyo Dhaqanka wasiirku xigeenka wasaarada warfaafinta, G/waxbarashada ee Gobolka Awdal ,

    Ilaayo hada waxaa soo qulqulaaya masuuliyiinta ka socda xaga dawlada Djibouti ,

    Waxana  caawa magaalada Saylac ay la ciirciirayso dadwayne , taasi oo buuxdhaaftay , oo ay qaadi laayihiiin guryihii, waxaana lagu arkayaa dadwayne  dhisanaaya guryo yar yar meelaha banaanka ah ,

    Waxaana magaalada kor u kacay sicirkii  lagu iibinaayay cuntada , waxaana caawa ay  maraysaa  halkii saac waa dhinaca Internetka eh 8 $ ,waxaana taasi weheliya Conectiona oo aad u diciif ah  oo waxa adkaaday sidii wardheeraada looga heli lahaa hawada awgeed ,

    Waxaan dadwaynaha ku xidhan shabakada wararka ee Sawnews u sheegaynaa in ay halkaasi ku suganyihiin wariyayaashii ,oo  aad saacad saacad ula socon doontaan warka ku sahabsan Caleema saarka Ugaaska , waxanan ku dadaalaynaa in aad si joogto ah warka ku heshaan ,oo aan iniga haqab tirno .

    Waxii wara ee intaa ku soo kordha kala soco Sawnews  Saylac Office

     Wariye :-

    Yuusuf Cabdi Cali (Indho-Qurux)

    Sawnews

    Saylac Office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: