SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Masuuliyiin Ka Tirsan Hay’ada Sama Falka Ee AYODA Oo Lagu Rasaaseeyay Duleedka Magaalada Borama

    Posted by Sawnews.tk on February 27, 2010

    Borama(sawnews)Fal toogasha ah oo saaka ka dhacay Abaaro 10:30 meel u dhaw  garoonka diyaaradaha ee magaalada Borama ahna jidka isku xidha Borama iyo Quljeed, falkan oo loo gaystay madax sare oo  Ururka AYODA ah ,oo gudanaayay hawlahooda shaqo ,kuwaasi oo kasoo laabatay dugsi ku yaal deegaanka loo yaqaano Shabeelay , oo dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Borama ,halkaasi oo ay ugu qaybiyeen Buug, iyo Bacaha Roobka iyo qalab kale ,ka dib markii ay ka soo laabten , maamulkan oo Baabuurka ay  wateen oo noociisu aha   Land cruiser  ,sida aanu warka ku helnay waxa xiligaas falku dhacay la socday Baabuurka  5 xubnooda waxayna kala ahaayeen Gudoomiyha Ururka AYODA  Saleebaan  Xassan  , Madaxa waaxda wax barashada Idiris Faarax Muuse iyo Kaaliyaha xisaabiyaha  Cilmi Maxmed Cilmi .iyo labo xubnood oo la socday oo ah dadka deegaanka ah .

    Kadib Askarigan oo halkaasi maamulka ula joogsaday Qori ,uuna amray askarigaasi in Baabuurku joogsado ,kadibna baabuurka la joojiyay , waxa uu u soo jeediyaay  in ay soo dagaan , markii gaadhiga ay ka soo degeen,waxay ku yidhaahdeen maxaad nagu haysataa halkani koontaroolna maaha,garoonkana uma dhawa ,markaas ,askarigii waxa uu ku jawaabay aniga amar ayaa la isiiyay oo la igu yidhi toogo gaadhiga wadadaasi soo mara,kadib waxaa la sheegay inay ka codsadeen in uu ugeeyo maamulka isaga ka sareeya ee amarka soo siiyay  ,waana uu diiday ninkii askariga ahaa,.ninka askariga ahi waxa uu ku hadlaayay telefoon intii uu hayay,mana garanayno ayay yidhaahdeen cida uu la hadlaayay sida ay noosheegen dad goob jog ahi ,.Intaa kadib waxaa u yimiday askari kamid ah ciidanka garoonka diyaaradaha ,wuxuuna askarigii ku yidhi sii daa inamada waa hay’ad samofal ah oo waan garanaynaa waanu diiday askarigii isaga oo ka dhego adaygay, kadib wuxuu ku furay rasaas labo xabbo ah,iyada oo ay dhulka taagan yihiin,qaarna gaadhiga ku jiraan,waxaana  weheliyay labo qof oo ay ka soo qaadnay  deegaanka shabeelay oo iyaguna gaadhiga saarnaa,sidaas ayuu rasaastii ku dhaawacmay Cilmi Maxamed Cilmi oo ka tirsan hawlwadeenada AYODA oo labo fidhidh madaxa ka gaadheen ,,xabadkalena waxay ku dhacday gaadhiga mishiinkiisa

     

    Kadib askarigii waxa uu u cararray dhinaca garoonka isaga oo tetefoon ku hadlaaya,kadib waxaa yimiday ciidanka booliska iyo Mr.Qalinle oo ah ninka ciidamada birmadka haysta oo ah ninka askarigani siiyay amarka uu wax ku toogtay.

    Askarigan falka gaystay oo ku labisnaa dirayska milateriga , laguna magacaabo   MaxamedAw Daahir Faarax , waxana uu hada askarigii  ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee degmada Boorama,iyada oo la baadhaayo dhacdadani,iyo sabobta askarigani jidgooyada ugu sameeyay dariiqaasi maalinta cad. Iyada oo aana wax amar diida ah lagu samaynin ,

    Sikastiba ha ahaatee markii meeshii layskugu yimid  saldhiga  Booliska,madaxda Ururka AYODA,taliyiha ciidanka birmadka haystay iyo qaybta saraakiisha baadhista  waxaana uu sheegay taliyaha birmadku in  uu gaadhigu dhexmaray garoonka waa sida uu sheegaayay taliyuhiye , isla markaana waxaa cadaatay markii boolisku baadhis ku sameeyeen  in baabuurku uuna u dhawayn garoonkaasi  ee uu socday wadadda gaadiidku maro ee caadiga ah.

    Taliyaha oo la waydiiyay haybta ninka falka geystay waxa uu  ku sheegay  hayb aanan ahayn haybtiisa, ,marna waxa uu ku sheegay in uu yahay ninkani nin waalan. ,isla markaana waxa uu maamulka garoonka diyaarada uu sheegay in uu jiro ganaax lagu soo rogay baabuurta dhexmarta garoonka oo laga qaado  , taasina waxa ay sobobtay in lag ganaaxaasi lacageed oo ay baabuurta ku doonanayaan meelo ka baxsan garoonka.

    Isku soo wada duuboo falkan maanta ka dhacay duleedka magaalada Boorama , ee dhaawaca loo gaystay hawlwadeenadaasii iyo waliba gaadhigii ay wateen ayaa ah dhacdo cusub oo soo korodhay.

    Sikastaba ha ahaatee askarigan oo aan u lahayn wax khibrad ah amaba aan garanayninba sharciga askarinimo  in Hay’ad wadani ah fal noocaasi ah loo gaysto waxana tani meeshi kasaraysaa khibrad daro haysata ciidanaka Milatariga.

    Ilaayo hadana ma jrto wax tafiisiil ah oo laga soo saaray arinkaasi baadhitaankiina waa waxa gacanta ku haya ciidanka booliska.

    .

    Sawnews Desk Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: