SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ciyaartooy Reer Boorama ah Oo Dalbaday in Xilka Laga Qaado Isuduwha Ciyaaraha Gobolka‏

    Posted by Sawnews.tk on February 27, 2010

     Boorama ,(Sawnews) – Kooxo ka tirsan ciyaaraha kala duwan ,iyo tabarayaasha qaybaha ciyaaraha ee G/awdal ayaa ayaa masuulyiinta ciyaaraha G/awdal ka dalbaday in xilka laga qaado isuduwaha Ciyaaraha Gobolka kaddib markii sida ay sheegeen uu wax horumar ah gaadhsiin waayey maamulka ciyaaraha iyo ciyaartoyda Gobolka Awdal .
    Qoraal ay ku saxeexanyihiin ku dhawaad ku dhawaad soddomeeyo ka amid ah ciyaartoyda G/awdal iyo tababarayaashooda ayaa waxay ku sheegeen oo kale in masuulka Ciyaaraha Gobolka oo xilka wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyaradaba hayey ku dhawaad dhawr iyo toban sannadood ,anu waxba ka qaban sidii Ciyaartoyda Gobolka awdal u heli lahaayeen garoommo ,xafiisyo ,agabka ciyaaraha ,iyo maamul wanaagsan isla markaana anu ilaa maanta kala garanayn  cidda ku wannaagsan ciyaaraha ee gobolka iyo cidda an lahayn xirfad Ciyaartoy oo dalka iyo dadka reer Soomaalilandba usoo jiidi , iyadoo imikana auu gobolka ka abuuray khilaaf soo kala dhex gala ciyaartoyda gobolka kaddib markii uu si ka baxsan caddaladda iyo sharcviga uu xilkii uga qaaday tababaraha ciyaaraha ee xilka Gobolka .,iyadoo uu masuulka ciyaaruhu cid kastoo ka hor timaadda dibudhacaasi uu soo dhexgeliyo arrimo siyaasadeed ,kuna tilamaamo mucaaradnimo .
    Haddaba annagoo ka mid ah dhallinyarada iyo ciyaartoyda sida tabaruca ah naf iyo maalba ugu huraynay horumarinta ciyaaraha Gobolka Awdal ,waxan Xukuumadda sare ,Golayaasha qarnka iyo masuulyiinta wasaaradda ciyaaraha ka codsanaynaa inay tallaabo ka qaadaan masuulka ciyaaraha Gobolka Awdal .
    Xubnaha ku saxeexan qoraalka :

    1. Maxamad yasiin ismaciil nirig
    2..C/kariin Nuur C/wale
    3 . Mahdi Cabdi Idiris suulee
    4. Xasan Siciid Guuleed
    5. Xasan Sh’ali Cilmi
    6 . Abwaan Maxamed Osman Budin
    7. C/raxmaan Yuusuf Xuseen( Diiko )
    8. C/qaadir Nuur Daahir
    9. C/kariim Xuseen Caateeye
    10.. C/qaadir Nuur Daahir (girme)
    11. C/qaadir Wadaadyare
    12. Xasan Maxamed Colhaye (afgeed)
    13. Cabdi Idiris Axmed
    14… Jaamac Daahir Xaamud iyo Labaataneeyo kale

    Sawnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: