SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Samaroon Aqoontii Lagu Ogaa Ilaahay Samir iyo Iimaan ha ka Siiyo. Maanta waxa hoggaaminaya Diin iyo Dacow. Waa Saylici iyo Rayale

    Posted by Sawnews.tk on February 25, 2010

    Danta Garo Dameer Malab Sidow Daayac Baad Tahaye’

    Odhaahdani waxay hal hays u ahayd abwaankii weynaa ee Xasan Sheekh Mumin, Alla ha u naxariistee. Wuxuu la hadlayay waxgaradka samaroon oo ah dad aqoon dheeraad ah leh, laakiin aan arkayn danta dadkooda. Wuxuu abwaanku arkay, indheergaradka Samaroon oo  ka duwan sida Somalida kale u socoto oo ah inay dantooda ka horreysiiyaan tan guud. Abwaanka oo ahaa nin aragti dheer iyo wadaninimoba lagu ogaa wuxuu arkay waxgaradka dadkiisii oo ah kuwa aad uga muuqda shaqaalaha Wasaaradaha iyo wakaaladaha dawladiihii jiray. Waxay ahaayeen dad tilmaaman oo aqoontoodu waxtar gaar ah leedahay, lagana danbeeyo. Sidaa awgeed abwaanku wuxuu ku guubaabinayay inay waddankana u sheeqeeyaan dadkoodana ogaadaan.

     Maantadan aan joogno waxay leeyihiin dad aad u fara badan oo adduunka meel walba jooga. Dadkaasi magaalooyinka Yurub, Maraykan, Canada, Carab iyo meelo badan oo kaleba way ka tilmaamanyihiin. Waxa kaloo intaa u dheer waxay leeyhiin aqoonyahan badan oo heerar caalami ka hadli kara. Dadkani waa dadkii lugaha u joojay nidaamka lagu heshiiyay ee maanta waddanka Somaliland dejiyay. Waa la wada ogaa shirkii taariikhiga ahaa ee Borama heshiiska ku dhammeeyay. Waa dadkii Jaamicadda ka bilaabay Borama tii oo waddanku xabado iyo hub la wada sito. Haddaba, maanta somaliyi dawlad ma laha, gobol walbana waxay u xaydanyahay inay ilaashado dalkeeda iyo dadkeeda sharafiisa. Xilka wayni arritaa wuxuu saaranyahay dadkaa uu Xasan, Alla ha naxariistee, la hadlayay. Kuwa iyaga facooda ah ayaa maanta qoomiyad walba hoggaminaya. Hase yeeshee, kuwii Samaroon, intooda badan, ma muuqdaan talada dadka iyo siyaasadda. Malaha waxay sugayaan, dawlad ay daacadnimo ugu shaqeeyaan. Taasi ma soo dhowa ee hurdow toos. Siyaasaddu waa waxa laysku dilo ama laysku nooleyyo dadyowga  kalena ogaalkaa bay isku ilaaliyaan. Waxan ku dhaliilayaa xagga aragtida iyo ka hadalka waxa dadk lagu hayo maanta. Kama hadlayo xagga horumarinta waayo horumarinta waxa ka horraysa in dhulkaad horumarinayso la degenaan doono.

    Dadkii iyo danahii Samaroon maanta weerar joogto ayaa dhinac walba lagaga hayaa. Waxa ka mid ah arrintan aan weli hore loo arag oo ah boqor ay laba dawladood caleemo saaraan. Boqorrada waxa caleemo saari jiray beelaha dhaqanka ee maxaa laba dawladood iyo wafdiyadooda soo geliyay meesha? Waxa la isku bahaysanayaa in taariikh cusub la sameeyo. Saylac.com ( February 24) ka arag taariikhda la rabo in la badalo.

    Marka horeba waa nasiib darro in dadkii aqoonta lagu ogaa ay horkacaan laba nin aan aqoon lahayn oo indhahoogu hungurigooda ku dhex yaallaan. Waaana kuwa maanta kala qaybsaday ee siyaasad beenaad ku kala jeediyay. Nimanka horkacaya waxay qaadan karaan laba magac oo kala ah Diin iyo Dacowi.  Diinku waa Saylici oo ah nin aan aqoon adduun, tu siyaasadeed iyo waayoaragnimo, midna lahayn. Waa wastaad dhego la’ oo u haysta inay beelaha dhexe horeeyeen. Ma oga in nimanka uu la xulafoobay “Kulmiye” ay yihiin kuwa sunta dadkiisa qooshaya. Dhulkii reerkiisu weligiiba degenaa shan meelood in ka badan baa laga dhigay dhul aan cidina lahayn oo laga dooran doonin cidna. Intaa waxa dheer, Zeila oo dhulkii, adeerkii, Xaaji Diide taariikhdiisu taallay waxa laga iibinayaa Ismacil cumar Gheelle. Saylici, marna kama hadal, waxa ku fillaaday in loo ogolaado inuu ag fadhiisto Siiraanyo. Kolba wixii loo qorana wuu akhriyaa kii oon garanayn iskana hubin ujeedada. Muuse Biixi iyo Siiraanyoba waa nimankii maalintii dadkiisa la qalay ka yidhi BBC London “ dawladdaa waxan ka masuula”.Arrimaha sidan u foolxun la iskuma dayo inaad siyaasad kaga faaidaysato. Hadday rag dad iyo dawladnimo garanaya yahiin ama dadka la jooga xeerinaya yahiin waxay odhan lahaayeen “ dugaagga waxan falay ha la soo qabto”. Waa dad cudur qabiil ku nool, waxanay ka mid ahaayeen nimamkii ololaha galay ee guddiga Kulmiye u badan guubaabinayay arrinta CeelBardaale. Ilaa maalintuu waddanka ku soo laabtay ilaa maantana, in Biixi dhulka Samaroon faraha kalama bixin. Muddo yar oo ina Cigaal la shaqeeyay beerihi Baha Samaroon ee Gabilay wuxuu ku sameeyay waa la ogaa. Isaga iyo kuwo badan oo kale qosol been ah bay tusaan Diinka qufulan ee agtooda fadhiya. Inta samaroon sheeganaysa ninka sidaa aha daba socotaana waa Diiman kale waxan leeyahay indhiinna fura oo caafimaad raadsada waa indhabeesheene. Waxad ku indhabeesheen sidaad ina Rayale oo isna Dacow ula ficiltamayseen.

     Daahir waa Docow hareerahiisa uun ka fiirinaya wax uu cuno. Dacow xeeladiisu waa khiyaamo, dhuumasho iyo kii oo meel weecsan waxa ku cuna. Waa nin garaadd gaaban, beenaale ah oo isku deyeya siduu kelidii iyo ubadkiisa meel ugu heli lahaa. Waa la wada ogaa libaaxii ina Cigaal inuu geed iskaga xidhay Ismaciil Cumar Gheelle oo geed sare iyo geed hooseba u fuulay siduu dhulka samaroon u soo fara gashan lahaa. Markay colloobeenna Mohamed Xaji Ibrahim Cigal wuxuu ku yidhi, “ Walaal ha noqonina kaneecadii maroodiga ku tidhi, waan kaa dul  kacayaaye is xaji”. Wuxuu u sheegay inay dalka Somaliyeed weligiiba ka weynaa kana badnaa dawladda yar ee Jabuti oo doonaysay inay burburka somlaaliyeed ka faaidaysato.  Dahir markii u bil keli ah madax noqday Jabuuti buu degdeg ugu baxay. Waa la yaabay xagguu ninkani ku ordayo. Haddaan aragnaa inuu yahay nin aan meel dheer wax ka arkayn ee baasboorro caruurtiisu ku dhooftaa kala wayntahay wax walba. Wuxuu bilaabay markiiba Dahir Dacow inuu dhulkii Samaroon ku soo dhoweeyo Ismaciil cumar Gheelle oo ah mas ka soo tallaabay Ethiopia. Dantii dadkaas oo dhan, Daahir wuxuu ka doortay danta noloshiisa. Ma garan karayo ninkani in nolosha caruurtiisa iyo ta dadkiisu isku xidhanyihiin. Dacow wuxuu dhiigii dadkiisa sida xoolaha loo gowracay  ka door biday in isaga la doorto.  “Nin Soori Kaa Qaaday waa Nin Seefi Kaa Qaadday” Nin dadkiisa dhiigoodii ka doortay doorashiidiisa oo dhulkiisiina rakhiis ku gaday waa nin innaga dhintay. Diin iyo Dacow iyo Kulmiye iyo Udub midna meel idiinma wado ee hurdow toos.

    Maantana haddaan meel isku dan noqon wayno,  jiritaankeenii cabsi wayn baa ku jirta. Dad iyagu is eryanayaa ma arkaan waraabaha cunaya. Bilaash iyo been baad isku eryataan ee runta ka hadla intaan waagu xaggiina danbe ka beryin. Waxan hadalkan ku soo af jarayaa eraygan oo hore loo yidhi.

    “Dameerkuba mar buu Kooraha   kabax ka siiyaaye    

    Tolkayow ka kaca waa tan oo       la idin kooreeye”

    Hussein A. Egeh

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: