SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Qaabka Xulashada Komishanka Dooroshooyinka Ee Gobolka Awdal Oo Saluug Laga Muujiyay

    Posted by Sawnews.tk on February 23, 2010

    Borama(Sawnews)Waxaa Duhurnimadii Axadii Hotel Rays ku qabtay shir Jaraa’id Gudiga Dooroshooyinka ee Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa hadal loogu talo galay saxaafada oo uu jeediyay Gudoomiyaha Komishanka Doorashada Galbeedka Somaliland C/raxmaan Maxamed Ismaaciil (C/raxmaan Dixood) ayaa waxaa uu ku sheegay in hawlaha Komishanka ee la xidhiidha Xulashada Xubnaha Komishanka ee Gobolada iyo Degmooyinka ay u socdaan si habsami ah ilaa iyo hadana aanay jirin wax Carqalad ah oo ka hor timi qorsho haweedkooda

    Ka dib isla waqtigaas intii aanay  ka soo ambabixin Gudiga Komishanku Magaalada Boorama  ayaa waxaa soo Ifbaxay dareemo ku wajahan Qaabka Xulashada Komishanka Dooroshooyinka gaar ahaan Xubnaha Gobolka Awdal oo daqiiqadihii ugu danbeeyay isbadalo lagu sameeyay si kastaba ha ahaatee dareemada kala duwan ee ka soo baxaya Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Boorama ayaa ka Muujiyay Saluug Xulashada Komishanka Dooroshooyinka taasoo la xidhiidha Qaabka Xulashada oo Dadka qaar ay sheegayaan in Xubnaha Komishanku soo xulay ay waayo aragnimadu ku yar tahay, halka qaar kale ay tibaaxayaan in lagu saleeyay Qabiil isla markaana aan la tix galinin Beelaha laga tirada badan yahay, waxa kaloo Dadka qaar ay sheegayaan hawsha Xubnaha Komishankani ay qaban doonan iyo baaxada ay leedahay ay ahayd in culayska la saaro Dadkii iyagu horey uga soo shaqeeyay sadexdii doorasho ee hore oo hada meesha aan ka muuqan, kuwaas oo qaarkood Eedaymo aan macno lahayn ay u jeediyeen Xisbiyada Macaaradku balse ay ahayd inay ka fiirsadaan Komishanku taasoo  ay Dadwaynuhu ku tilmaameen marka ay Dooroshooyinku yimaadaan in uu xaalku noqon doono ka daroo dibi dhal.

    Waxaana ay  kuwa  kalina ku darayaan in ay Commissionkani kuwii hore ka liitaan , ayna waayo aragnimo ulahayn Qaabka xulida xubnaha hawl wadeenada ee commissionka u qaabilsan Gobolka iyo degmadaba, waxana eedaynta ugu badan dusha laga saaray xubnahaa commissionka ee wax soo  xulay , waxaana ka jira Jamhuuriyada Somaliland in marka wax la xulaayo inta badan lagu xulo hab-beeleed taasina inta badan waxay burisaa dimuqraadiyan yare e curdinka ah , oo aanan lagu sheegi Karin dimuqraadiyad dhaba ,waxaana dhacda inta badan in shakhsiga la dooranaayo amaba la rabo in boos loo dhiibo in qabiil lagu saleeyo oo aan loo tixgalin hadba inta uu tacliin leeyahay amaba aqoon dheeraada u lahayn shaqadan loo igmanaayo , waxaana dhacday maalintintii dhawayd ee qofku marka u imtixaanka dhameeyo la waydiinaayay cida uu yahay , taasina waxa ay meesha ka saartay xeerkii commisionku uu lahaa amaba in cadaalada wax loo dhoorto , waxana tani bilow cusub ay u tahay in ayna xubnuhu ayna  karti sidaaya u lahayn  shaqadan loo igmaday , waxana taasi marag ka ah in ay  awoodi waayeen sidii dadka ay u kala saari lahaayeen ayna ku qaadatay maalintii oo dhan ,lagamana yaabo inay wax kala saaraan waa hadii ay timaado hawl intan ka balaadhani , waana mida lawada sugaayo oo ah doorashada madaxwayaha , commisionkan maantuna waa kuwii dalka iyo dadkba u horseeda lahaa bur-bur ku yimaada .

    liiskii xubnihii la soo doortay  ee Gobolka :

    Gobolka Awdal

    Gud/          : Rashiid Xirsi Cali

    G/x             Quman C/laahi Alaale

    Xog           : Xassan Ciise Caynaanshe

    Degmada Lughaya :

    Gud           : Yaasiin Yuusuf Hodoon

    G/xigeen   : Cabdi C/laahi  Cilmi

    Xog           : C/shakuur  Cali  cismaan

    Degmada Baki :

    Gu            : Abiib Yuusuf Jaamac

    G/xigeen   :  Abiibokor Axmed Yuusuf

    Xog           : Faarax Ismaaciil Sidci

    Degmada Boorama:

    Gud           : Xassan Nuur Maxamud

    G/xigeen   : C/laahi  Maxamed Guuleed

    Xog          : Khadra Jaamaca Muxumed

    Degmada Saylac ;

    Gud         :  Maxamuud Xaashi Axmed

    G/xigeen :  Maxamed  Cige Bahdoon  

    Sawnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: