SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dhakhaatiirtii Kijaabi Oo Qaliin-quruxeed Kawada Cisbitaalka Guud Ee Boorama

    Posted by Sawnews.tk on February 23, 2010

    Borama(Sawnews)Dhakhaatiirta Cadaanaka ahayd ee ka hawl gala Cisbitaala Kijaabi ,oo uu fadhigoodu yahay dadla Keniya , ayaa  Duhurnimadii Axadii ka soo dagay Madaarka ku yaal Magalada Borama ayaa isla Subaxnimadoo Isniintii ka bilaabay hawlo Qaliin oo la xidhiidha Dadka Faruuran Cusbitaalka Boorama, Kooxdan Dhakhaatiirta ah oo ka kooban 6 iskugu jira Dhakhaatiir iyo Kalkaaliyayaal, ayaa ah Kooxda Labaad ee Dhakhaatiirta Kijabi Hospital ee Qaliinada ka sameeya Cusbitaalka Boorama, balse Kooxdani waxay kaga duwan yihiin Dhakhaatiirta kale ee Kijabi Hospital iyaga oo sameeya Qaliimo Lacag la’aan ah oo Samo-fal ah

    , Hadaba Agaasimaha Cusbitalkaas  Dr. Ismaaciil X. Muxumed Aye oo ka war bixiyay habsami socodka hawlaha Qaliinka ayaa ku tilmamay mid caadi ah  waxa kale oo uu sheegay inay u diiwaan gashan tahay 84 Qof  kuwaas oo ka kala yimiday Gobolada Somaliland iyo wadama dariska ahba  ,taasoo loo samayn doono Qaliin Quruxeed xaga faruuta iyo Dhangadhaxa kuwaaso oo ahmiyada la siin doono Dadkii hore Qaliinkan u galay, waxa kale oo uu sheegay hawlaha Qaliinka ee Dhakhaatiirta Kijabi Hospital in uu qaadan doono muddo 6 maalmood ah ,ka sokow Qaliinada ay ka wadaan Cusbiltalka maahee waxa kale oo ay dhakhaatiirtani ay Duruus ka bixiyaan Kuliyadaha Caafiimadka ee Jaamacada Camuud.

    Wariye:-

    Omer Albashiir

    Sawnews

    Borama Office

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: