SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shir jaraa’id Oo ay maanta Ku Qabteen Borama Commissionka Qaranku

    Posted by Sawnews.tk on February 21, 2010

    Borama(Sawnews)Gudidii commission ka qaranka ee somaliland  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel Rays, warbixina ka bixiyey hawlahoodii shaqo ee ya ka wadeen gobalka awdal iyo Salal,

       Waxana  ay ka koobnaayeen Gudidani 4 xubnood oo kala ah Gudomiyaha Gudidani oo ah C/raxmaan Maxamed Ismaaciil, Faarax Abiib Aadan, A/fataax Ibraahim iyo  Deeqa Diiriye oo ah Human Resourse.

     Shirkoodaasi Jaraa’id o oo ay kaga war bixinayeen hawlahoodii halkay u  marayaan, waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyha gudida commissionka gobalka ku jimid hawlaha shaqo mudane C/raxmaan Maxamed Ismaaciil oo halkaasi ka hadlay  waxana uu hadalkiisii ku bilaabay , in ay ku soo dhamaadeen hawlahoodii sidii la rabay kana taageereen dadkii joogay meelihii ay soo mareen, waxaana uu  ku sheegay in ay Odayada Beeluhu si hagar la’aana ula shaqaynayeen  meelaha qaarkood iyo waliba xubnaha xisbiyada oo la ogaanayey cida u tar tamaysa in ay ka madax banana yihiin wax xisbiya ah , taasi ayaan keentay inaan si cadaalda aan ku shaqayno kuna soo saarno,

     Waxaa kaloo uu sheegay in dadkani la eegay Aqoontooda, mar wax laga waydiiyey sida ay hawsha u wadeen  , ayaa waxa uu sheegay inay ahayd si cadaalada oo aanan u eegin wax ay dadku sheegayaan , lakiin ayna  ahayd mid ku dhisan aqoontooda ,

    Mar kale oo la waydiiyey in ay jiraan dad cabanaaya oo dhaliil ka sheeganaya gudida  waxa uu yidhi wax lagu cawadaa mayaalo si wanaagsana waa loo dhameeyey hawshaasi  waxaanu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey in ay u hadhan tahay socdaalkooda gobolka Maroodi jeex ee caasimada hargaysa, kaasina ay imika u hawl gali doonaan hadii ilahay yidhaa.waxaana uu sheegay in la soo saari doono liiskii maanta hada aanu noo sheegi Karin. Waxa ay ka koobnaayeen gudidani afar xubnood oo kala ah gudomiyaha gudidani oo ah c/raxmaan maxed ismaaciil, faarax abiib aadan, a/fataax ibraahim iyo  deeqa diiriye oo ah human resourse.

    Sikastiba ha haatee xulidaa ay xuleen xubnaha commissionku , hawl wadeenadaasi Gobolka iyo degmadaba ayaa inta badan dadwaynuhu ay cabasho ka muujiyeen , iyadoo ay meesha ka maqnayn , in wax lagu qaybiyo habqabiil amaba Beeleed ,waxana ay sheegayaan ila xog ogaalihi oo lagu kalsoonyahay , in xubnahaasi loo badiyay beelo gaara taasina ay cadho wayni ka dhalatay ,

    Wariye:-

    Omer Albashiir

    Sawnews

    Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: