SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Socdaalkii Ay ku Yimaadeen Commissionka Qaranku Gobolada Awdal iyo Salal

    Posted by Sawnews.tk on February 20, 2010

    Borama(sawnews)Todobaadkii aynu ka soo gudubnay horaantiisii ayaa Gudiga commissionka qaranaka ee  Jamhuuriyada Somaliland , ayaa waxay socdaal ugu anba baxeen Gobolada Bariga iyo Galbeedka,kuwaasi oo ujeedooyinka socdaalkooda ahaa ,in ay soo dhisaan xafiisyadii isla markaana ay soo xulaan masuuliyiinta commissionka ee heer Gobol iyo heer Degmo ee Goboladaasi , hadaba Gudiga commissionks qaranku ee iyagu socdaalka hawleed ugu soo anbabaxay Gobolada Galbeedka  oo uu horkacaayo Faarax Abiib X.aadan ,

    Kuwaas oo hawl galkoodii ka bilaabay   Degmada Lughaya , Saylac iyo  Baki , kuwas oo magacabay xubnaha commissionka ee Degmooyinkaasi ,

    Gudigan commissionka Qaranka ayaa iyagu habeenimadii Jimcihii soo gaadhay magaalada Boorama , kuwaasi oo si habsami ah uga bilaabay saaka  subaxnimadii  xafiiska  commissionka ee Goblka Awdal oo ku taal gudaha xarunta Maamulka Gobolka Awdal , halkaasi oo ay markale  gudo galeen qorsho hawloodkoodii , ku salaysnaa xulida xubnaha commissionka Gobolka Awda iyo Degmada Boorama, iyada oo jawiga hawshaasi kubilaamantay mid aad u dagan , taas oo la arkayay dadwayne aad u fara badan oo ku soo xoomay goobtaasi ay shaqadu ka socotay ,iyo gaadiid farabadan , goobtuna waxa ay ahayd mid amaankeeda aad loo adkeeyay , oo an loo ogolayn in ay ay galaan wax dadi , marka laga reebo xubnihii tartamaayay iyo qaar kamida Ha’adaha warbaahinta ,

    Iyaga oo sheegey xubnahaasi commissionku in aanay wax hadala bixin balse ay ogolaadeen in laga qaado  muuqaal amaba sawiro ku sahabsan  xog ogogaal unoqoshada hawshaasi iyo inay wax ka ogaadaan xubnaha u tartamaya ka mid noqoshada commissionka heer Gobol iyo heer Degmo iyo goob joognimada  Axsaabta siyaasadeed ee qaranku , iyagoo uga danlahaa in ay hawshaasi noqoto mid xalaal ah , isla markaana waafaqsan xeerka dooroshooyinka ,

    Sikastiba ha ahaatee hawshan ay saaka subax gudo  galeen Xubnaha commissionka doorashooyinku ayaa ahayd mid aad u daba dheeraatay isla markaana ay ku qaadatay ilaayo 6 fiidnimo , iyaga oo markaas sheegay masuuliyiinta commissionku in ay maalinta bari ah ay shaacin doonaan xubnaha ku guulaystay xulashadaasi , balse commissionkan ayaa waxa uu kaga duwanyahay kii ka horeeyay  iyada oo ay adagtahay sidii war looga heli lahaa .

    Isku soo wada duuboo wararka hordhaca  ah  qaarkood ee ka soo baxaaya ilaha looga qateen ah ayaa waxa ay tibaaxayaan natiijada ku meel gaadhka ah ,ee ilaayo hada commissionka qaranku ay ka soo fuliyeen dhamaanba Degmooyinkii ee la xidhiidha  Masuuliyiinta commissionka oo ah sida atn

    Demada Lughaya :-

    Gudoomiyaha commissionka  : Yaasiin Yuusuf Hodoon (ilkacase)

    Degmada Saylac :-

    Gudoomiyaha commissionka : Maxamed Xassan Jabane

    Degmada Baki:-

    Gudoomiyaha commissionka : Abiib Yuusuf Jaamac

    Degmada Boorama:-

    Gudoomiye commissionka: Xassan Nuur Maxamuud

    Gudoomiyaha comissinka Gobolka Awdal C/rashiid Xirsi Cali

    Wariye :-

    Omer Albashiir

    Sawnews

    Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: