SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Iyo Weftigiisii Oo Si Layaab Leh Loogu Soo Dhaweeyay Hargaysa

    Posted by Sawnews.tk on February 19, 2010

     Hargaysa (Sawnews) – Kumanaan dadwayne ah ayaa maanta si diiran tuulada Halleeya ee duleedka bari ee magaalada Hargaysa ku soo dhaweeyay xoghayga guud ee xisbiga UDUB mudane Jaamac Yaasiin Faarax oo isaga iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayay ay socdaal ku soo mareen gobolada dalka oo dhan.

    Boqolaal gaadiid ah oo la sudhay calanka iyo sawirada murashaxiinta xisbiga UDUB ayaa maanta ka qayb galay soo dhawaynta weftiga xoghayaga guud. Dadwaynahan oo gaadiid lagaga soo kala guray shanta degmo ee caasimadda Hargaysa ayaa ku dhawaaqayay halku-dhigyo ayay ku taageerayeen weftigaasi.

    Gaadiid aad u tiro badan oo ay saarnaayeen kumanaan dadwayne ah ayaa weftiga xoghayga u soo galbiyay ilaa xarunta xisbiga UDUB, halkaasi oo ay hore ugu sugnaayeen dadwayne tiro badan iyo madaxda ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ah ka mid ahaayeen wasiirka Hawlaha guud mudane Siciid Sulub Maxamed, Afhayeenka xisbigas UDUB Mudane Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray.

    Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo hadal u jeediyay dadwaynahii soo dhaweeyay xoghayaha guud iyo Weftigiisa waxa uu  yidhi;

    “Waxaynu halkan ku soo dhawaynaynaa haddii aynu nahay bah-waynta xisbiga UDUB, weftiga xoghayaha guud. Caado umay ahayn UDUB in marka ay madaxdu imanayso aynu sidan ballaadhan uga hor tango, laakiin xisbiyada mucaaridka ah ayaa waxay u  bedeleen soo dhawyntii madaxda xisbiyada kaanbayn ayay u bedeleen. Waxaanu tusaynaa iyaga oo laba xisbi ah ayay isa soo raaceen. Waxaanu tusaynaa anaga  oo xisbi kaliya ah oo UDUB ah ayaanu soo dhawaynaynaa.

    Xisbiyada mucaaridka ah waxaanu u sheegaynaa in aynu nahay sadex xisbi oo tartamaya, haddii aad ka quusateen in aad farihiina muujin kartaan idinka oo xisbi xisbi ah, halkaa waxaad banayseen jago. Oo saddexdii xisbi labaad ka dhigteen. Anaga nagama aha kaanbayn, waxay shacbigii geliyeen, oo gidaarada la taagan yihiin nimankan UDUB la yidhaahdaa meesha way iska fadhfadhiyaan uune beri hore ayaa laga haajiray, waxaanu leenahay way muuqdaan xisbiyada dhaxanta iyo dacdaradu haysaa.”

    Mudane Cali Guray waxa uu sheegay in ay iyaguna madaxdooda si ballaadhan oo xamaasad leh ayay u soo dhawayn doonaan, haddii xisbiyada mucaaridku aanay joojin soo dhawaynaha siyaasadaysan.

    Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Mudane Jaamac Yaasiin Faarax oo wajigiisa ay ka muuqatay sida uu ugu riyaaqay sida loo soo dhaweeyay ayaa hadal uu u jeediyay taageerayaashii xisbigiisa waxa uu u mahad naqay cid allaale iyo ciddii ka qayb qaadatay soo dhawayntii weftigiisa, waxaanu tilmaamay in uu weftigiisu ay socdaal ku soo mareen saddex iyo tobanka gobol ee dalka oo ay muddo bil iyo maalmo ah booqdeen degmo kasta oo dalka ka tirsan.

    “Socdaal dheer oo bil iyo maalmo qaatay ayaanu soo dhamays tirnay, xisbinimadayduna waxay ka muuqatay oo ay ka soo baxday dalka oo dhan,  Goboladii hore iyo kuwa danbeba.

    Xisbiga UDUB waxa uu shacbiyad wayn ku leeyahay ummada reer Somaliland oo aad u taageersan;” ayuu yidhi mudane Jaamac Yaasiin Faarax waxaanu tilmaamay in ay mar danbe saxaafadda uga warami doonaan duruufihii ay ku soo arkeen dalka oo dhan.

    “Waxaan u soo kacay in aan idiin mahad naqo, waan is hayn kari waayay, in aan ooyo in yar ayaan u jirsanayaa. Mar danbe ayaan idiinu idiin warami doonaa oo waanu diin mahad naqaynaa.” Sidaa waxa yidhi guddoomiyaha ololaha doorashada xisbiga UDUB Cismaan Cali Cigaal (Cismaan Hindi).

    Ramaasnews

       udubudubta UDUBTA

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: