SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Hawl Gal Dad Lagu Xidh-xidhay oo ay sameeyeen Ciidama CID ee Magaalada Boorama

    Posted by Sawnews.tk on February 17, 2010

     Borama(Sawnews)Bishan horaan teedii ayaa  Magaalada laascaanood ee Gobolka Sool ,ayaa  waxaa ka dhacay qarax , kaas oo la sheegay in uu ku dhintay nin argagixiso ah isagoo ku guda jira diyaarinta walxaha qarxa , kaas oo la sheegay inuu ku dhintay qarax ka dhashay aaladaasi , taasi oo aan gaadhin yoolkiisii  , ka dib raadkii ka hadhay qaraxaasi , oo la sheegay in laga helay Tellefen ay ku jireen macluumaad la tixraaci karo .

    Kadib dabagal iyo baadhitaan ay ka bilaabeen dhamaan Gobolada dalka Hay’adaha dawliga ah , ee u xilsaaran nabadgalyada ,kuwaas oo isku dayaya sidii ay xog uga heli lahaayeen arintaas , ayaa hadaba hawlgal ciidamada CID  ee Gobolka Awdal dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay ay ka fuliyeen , ayaa la sheegayaa inay dad ku soo xidh xidheen maalinimadii Isniintii ee aynu soo dhaafnay , hase ahaatee mar aan isku dayay inaan wax ka ogaado dhacdadani ,ayaa ciidamada nabadgalyadee Gobolka Awdal oo inta badan sheega mar ka arimaha nuucan oo kale yimaadaan inaanay wax wara loo igman inay baxshaan , isla markaana Boolisku uu leeyahay afhayeen u xilsaran  hawlaha ay qaranka u hayaan , ayna adagtahay sidii war looga heli lahaa .

    Sidaa darteed mar aan u kuurgalay raadin warkaasi ayaa waxaan ogaaday in hal wiil xabsiga loo taxaabay kaasoo eheladiisu ii xaqiijisay , inuu u xidhanyahay Simi-card Number ay lahayd gabadh reer Berbera ahi , kaasi oolambarkiisa  laga dhex helay Tellefankii ninkii qaraxa loo aanaynayay ee isagu ku dhintay halkaasi .

    Arintan ayaa iyadu ahayd mid ka dhalatay raadadka Tellefoonka lagahelay qaraxa ka dhacay laas caanood , wiilkan dhalinyarada ah oo kamida Xulka Ciyaartoyga Gobolka ee uga ciyaara Numberka Labaad ,wiilkan xabsiga lo taxaabay oo magaciisa layidhaah Xusseen Nuur Bilibili (Xawash) ayaa waraku waxay sheegayaan in Duhurnimadii Salaasadii loo qaaday magaalada Hargeiysa .

    Si kastiba ha ahaatee dadwaynuhu waxay  si aada  u hadal hayaan dhacdada lasoo daristay wiilkan dhalinyarada ah, oo qaarkod sheegayaan in argagixisada lafteedu anay adeegsan lambaro ay iyagu leeyihiin, oo ay kuhawl galaan kuwo dad kale , si aan loo helin raad kooda  

    Sawnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: