SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • dhaqanka wanaagsan ee bulshadu waa ku dhaqanka diinta

    Posted by Sawnews.tk on February 17, 2010

    Bismillaahi Raxmaani Raxiim Allaah ayaa mahad dhamaanteed iyo maamuus dhamaanteed iskalle sharf iyo wanaagna nabi muhamed s.c.w.s.l ayaa iskalle intaa ka danbaw waxaan rabaa inaan soo gudbiyo maqaal ah dhaqanka fiican ee diinta islaamku bulshada kulla dardaarantay allaah ha iwaafajiyo aniga iyo umada muslimiinta ah rag iyo dumarba waana dhaqanka maanta ay xadeen gaaladu una qaateen kudhaqan ahaan laakiin umay qaaday mabda ahaan waadhaqan loo baahan yahay inay bulshada islaamka ahi dub ugu laabato maxaa yeelay waa dhaqan aan ku badbaadayno aakhiro iyo aduunba

    (Ha raacraacin wax aadan aqoon u lahayn “waxaasaa la yiri iyo kaasaa la yiri ha dhihin, wax aadan maqlin, wax aadan arag iyo wax aadan ahayn ha sheegan” maxaa yeelay maqalka, aragga iyo qalbiga kulligood waa wax “Alle agtiisa” la is weydiinayo) (Suurat Al-Israa’: 36).

    Anshaxa bulshada ee ahmiyadda badan, waxaa kamid ah asluubta hadalka, Qoormadan waxaynu kusoo bandhigaynaa hormo qodobbo ah oo ku saabsan asluubta hadalka, si qof kastaa naf ahaantiisa u qabatimo, una xusuusto kolka uu da’da soo koraysa iyo hoggaamiyeyaashii berrito barbaarinayo.

    – Luqad la fahmi karo iyo hadal murti leh inuu ku hadlo:

     Maxaa yeelay qofka waxa lagu qiimeeyaa hadalkiisa waxqabadkiisa intaan la gaarin, ninka quruxdiisuna quruxda hadalkiisa ayay ku jirtaa.

    – Kolka uu hadlayo in aanu hadalka boobsiin:

    Asluubta hadalka waxa kamid ah in hadluhu aanu hadalka boobsiine dadka dhegeysanayaa inay dhuuxaan dulucdana fahmaan fursad u siiyo.

     Sayida Caa’isha (RC) waxaa laga weriyay: (Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu ku hadli jiray hadal qofkii wax tiriyaa hadduu tiriyo uu tiradiisa koobi karayay)[1].

    Isla Caa’isha (RC) waxa laga weriyay: (Hadalkiisu wuxuu ahaa mid kala baxsan oo qof kastoo maqlaa fahmi karo)[2].

    – Codkarnimada iska yeelyeelka ah inu ka waantoobo:

    Asluubta hadalka waxa kamid ah qofku murtida iyo codkarnimada iska yeelyeelka ah inuu iska daayo oo uu hadal caadi ahoo cid kastaa garan karto ku hadlo.

    Ibnu Cumar (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Eebbe Caza wa-Jalla wuxuu neceb yahay ninka iska doondoonka ah: Waa kan carrabkiisa dalabta u yeela sida Sacu “marka uu daaqayo” carrabkiisa dalabta ugu yeelo[3])[4].

    Aanas ibnu Maalik (RC) waxa laga weriyay inu yiri: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) hadduu ereyga sheego saddex jeer buu ku celin jiray si looga fahmo, hadduu dad u yimaadana saddex buu salaami jiray, wuxuuna ku hadli jiray hadal aan badnayn na yarayn, wuuna necbaa daldalanka[5] iyo iska doondoonka)[6].

    – Hadalkiisu ha ku miisaannaado garaadka qofka uu la hadlayo:

    Asluubta hadalka waxaa kamid ah in qofka hadlaya qaabka uu u hadlayaa noqdo mid u dhigma aqoonta, caqliga, garaadka iyo da’da dadka uu la hadlayo. 

    Cali ibnu Abii-Dhaalib (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: (Dadka uga warrama wax ay garanayaan, ma waxaad doonaysaan in Alle iyo Rasuulkiisa la beeniyo)[7].

    – Hadal aan daba go’nayn laguna daalayn:

    Asluubta hadalka waxaa kamid ah in hadalka xaqiisa la siiyo oo aan si macnihiisii iyo ulajeeddadiisii dhimaysa loosoo gaabin, si lagu daalayana aan loo dheerayn. Waa in hadalku noqdaa miday dhegtu ku raaxaysato, qalbiguna u ruxmo.

     Jaabir ibnu Samura (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: (Waxaan la tukan jiray Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam), salaaddiisu waxay ahayd dhexdhexaad, khudbadiisuna dhexdhexaad)[8].

    – Qofka hadlaya inuu si fiican u dhegeysto:

     Asluubta hadalka waxa kaloo kamid ah in qofka hadlaya si fiican loo dhuuxo oo loo dhegeysto si waxa uu sheegayo loo fahmo. Asxaabta Suubbanaha kolka uu la hadlayo ama u sheekaynayo waxaad u malayn jirtay in mid walba uu shimbir madax ka saaran yahay oo hadduu is dhaqaajiyo ka duulayo, sida ay hadalkiisa u dhuuxayaan darteed.

    Usaama ibnu Shariik (RC) waxa laga weriyay: Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaan u imid asxaabtiisii ood mooddo in madaxa shimbir ka wada saaran yahay)[9].

    – Qofka hadlayaa inuu dadka oo dhan hadalka u jeediyo:

     Asluubta hadalka waxaa kamid ah in qofka hadlayaa uu indhihiisa iyo ereyadiisa dadka fadhiya dhammaan u jeediyo, si qof walba oo goobta fadhiyaa u dareemo inuu isaga u danleeyahay oo si gaar ah wax ugu sheegayo.

    – Inta uu hadlayo iyo keddibba inuu dhoola caddeeyo:

    Asluubta hadalka waxaa kale oo kamid ah in qofku kolka uu hadlayo iyo kolku hadalka gooyaba dhoola caddeeyo, si aanay dadku hadalkiisa uga daalin.

    Sidaas darteed buu Abuu-Dardaa’ (RC) mar kastoo uu hadal sheego wuu dhoola caddayn jiray isaga oo Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ku dayanaya

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: