SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wafti ka Socda Hay’ada Somaliland ka Hawlgala +Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on February 16, 2010

    Warsaxafadeed

    Hargaysa(Sawnews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxaa uu Maanta Xarunta Madaxtooyadda kulan kula yeeshay Wafti balaadhan oo ka socda Hay’addaha Caalamiga ah ee ka hawl gala Mashaariicda Horumarinta Somaliland.

    Waftigaasi oo uu hogaaminaayo wakiilka laanta Qaramadda Midoobay u qaabilsan Mashaaricda Horumarinta ee Marka la soo gaabiyo loo yaqaano “UNDP” Mr. Mark Bowden, isla Markaana ay ka mid ahaayeen Wakiilo ka socda Baanka Aduunka,  Ururka Isbaahaysiga Reer Yurub iyo laama kale oo ka tirsan Hay’addaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, waxaa mudo dhoor Maalmooda ah kulan Aqoon is waydaarsi ah ay ku lahaayeen Hutel-ka Ambasadoor.

    Kulankaas oo lagu lafa guraayey looguna kuur galayey Mashaariicda Hay’addahaasi ay ka fuliyeen Somaliland iyo kuwa u qorshaysan inay ka hirgeliyaan Mustaqbalka dhaw, waxa ka soo qayb galay Aqoon iswaydaarsigaasi Dadbadan oo ku dhaw 100-qof kana socda Wasiiro, Golayaasha Qaranka Somaliland, Axsaabta Qaranka iyo Hay’addaha kale ee qaabilsan horumarka Bulshada.

    Madaxweynuhu hadal kooban oo uu waftigaasi u jeediyey markii uu la kulmay Waxaa marka hore uu ugu mahad naqay kaalmooyinka Hay’addaha Caalamiga ah ay ka hirgeliyaan Somaliland iyo kuwa kale ee u qorshaysanba heer kasta oo ay yihiin”.

    Waxaa u  Madaxweynuhu ka dhawaajiyey in ay lagama Maar-maantahay in ay Hay’addahaas Caalamiga ay ahmiyad gaar ah ay  siiyaan baahida dag-dega ah ee Shacbiga Somaliland, gaar ahaan Mashaariic Shaqooyin loogu abuuraayo Dhalinyarada, horumarinta Biyaha, Caafimaadka, Tacliinta, iyo meelaha kale ee ay ka jirto baahida dagdaga ah iyada oo ay dalka ka dhaceen Abaarro meelo badan saameeyey .

    Madaxweynuhu waxaa iyana soo qaaday in ayna u qalmin Somaliland in had iyo jeer lagu qiimeeyo waxyaabaha ka dhacaaya Somaliya iyada oo Aduunku u ka war hayo waxay qabsatay Somaliland 18-kii sanadood ee u danbeeyey gaar ahaan dhinaca Nabad gelyada, Xasiloonida iyo Geedi socodka Dimuqraadiyadda

    Kulankaa maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda waxa kaloo goob joog ka ahaa Wasiirka Qorshanta Somaliland Mudane Cali Ibraahim(Cali Sanyare)  oo isna si guud uga hadlay Shirkii Aqoon is waydarsiga ee Waftigu ay ku qabsadeen Somaliland iyo Mashaaricda ay damacsan yihiin in ay ka hirgeliyaan Dhawrka Sano ee soo socda”.

    Alla Mahad Leh

    Siciid Cadaani Mooge

    Afhayeenka Madaxtooyada JSL

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: