SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Yusuf Indhacade oo ka Badbaaday Weeraro bambaano ah

    Posted by Sawnews.tk on February 15, 2010

    Yuusuf Maxamed Siyaad Indha’cadde, wasiiru-dowlaha Gaashandhiga ee DFKM ah ee Soomaaliya ayaa goor dhowayd ka badbaaday weerar bambaano ah oo lala beegsaday.

    Weerarkan ayaa ka dhacay jidka Makkah Al Mukaramah waxaana loo adeegsaday miinada meesha fog laga hago oo la qarxiyey xili ay halkaasi marayeen gaadiid uu la socday Yusuf Indhacade, hase yeeshee qaraxan ayaa la sheegay in waxyeeladiisa inta badan ay ku dhacday gaari dad rakaab ah siday oo isla wadada marayey.

    Warar iskhilaafsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qaraxan miino ayadoo ay mas’uuliyiin Dowlada u hadlay ay sheegeen in Wasiiruldowlaha Gashaandhiga DFKMG Yusuf Indhacade uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin weerarkan.

    Waxaa ayaguna jira warar kasoo baxay Saraakiil dowlada kamid ah oo sheegay inuu weerarkan ahaa mid ismiidaamin ah ayagoo wararkaasi ay shaaciyeen Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ah.

    Ahmed Faarax oo ka tirsan Saraakisha Booliska ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah ilaaladda khaaska ah ee Yusuf Indhacade.

    Xarakadda Al-Shabaab oo ka mid ah Xoogaga mucaaradka ee ka dagaalama koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay goor dhow sheegatay weerarka lala beegsaday Wasiiru-dowlaha Gaashandhiga ee DFKM ah Yuusuf Maxamed Siyaad Indha’cadde.

    Warsaxaafadeed ay kasoo saareen magaalada Muqdisho lana gaarsiiyey Saxaafadda kala duwan ayay ku sheegeen in qaraxa ay fuliyeen guutadda qaraxyada isla markaana uu dhacay sidii loo baahna.

    Waxaana ay sheegtay sidoo kale Xarakadda Al-Shabaab in qaraxaas ay ku gubeen gawaaridda nooca dagaalka oo lagu gelbinaayay Wasiirka ayna ku dhinteen Ciidanka ilaalinaysay,waa sida ay ku sheegeen War Saxaafadeedka.

    Mana aysan sheegin khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray qaraxaasi ka dhacay meel u dhow Hoteelka Ambassador ee KM-4.

     

     

    Kassem Daud

    Mugdisho, Somalia

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: