SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Roobab Baraf Wata Oo Ka Da’ay Tuulooyin Kamida Awdal iyo Salal

    Posted by Sawnews.tk on February 15, 2010

    Borama(Sawnews)Wararka aanu ka helayno tuulooyin kamida Gobolada Awdal iyo Salal ,ayaa waxa ay sheegayaan in Sadexdii maal mood ee ugu  danbeeyay Roobab baraf wata oo ka Da’aayay  Deegaanada , Carawayne , Sheed dheer, Tuurka ,Gargaara Bari,Waraqa dhigta,Siimoodi, Qardhiile, oo dhamantood ka tirsan  Goboladaasi , Sida ay noo sheegeen dad goob joogayaal ahi , oo aanu kula xidhiidhnay khadka telefoonka , ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in ay Xoolo badani , ku dhinteen oo lagu qiyaasaayo 464 Adhiya ,Roobabkan ayaa lasheegayaa inay dadkii qasaare u gaysteen , kaasi oo dadka qaarkood maqaarka sare ee dhabarka uu diirka ka qaaday ,

    Maaha markii ugu horaysay ee roobab baraf wataa ay ka da’aan deegaanadan , dhacdadan ayaa waxa ay na xasuusinaysaa  horaan sanadkii  2007 ay roobab noocani oo kale ay ku habsadeen deegaanadaasi ,

    Balse dadkaasi ku waxyeeloobay roobabkaasi ayaa ilaa hada aanay gaadhin  wax gurmad ah ,

    Sikastiba ha ahaatee Roobabkan barafka wata ee ka da’aayay Goboladan , ayaa inta badan lagu tilmaamoIn ay saamayn ku leeyihiin Isbadalka cimilada Aduunka .

    Wariye :-

    Omer Albashiir

    Sawnews.tk

    Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: