SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • (Kala Maan jacayl)Waa Maanso uu curiyay Abwaan Budin

    Posted by Sawnews.tk on February 15, 2010

    Borama(Sawnews)Maansadan waxaa curiyay Abwaanka Wayn  kana soo  jeeda  Gobolka Awdal  ee Maxamed Cismaan Budin . maansadani waxay ka mid tahay

    Boga maansooyinkiisa  farshaxan ee Majaajilo , waaana maanso  ujeedo badan ah oo dhinac kasti la waafajin karo ,waana maanso dhex martay

    Wiil iyo Gabadh is jecel  , oo is dhafsanaaya ereyo layaab leh  waatan maansadii oo dhani ee haka fogaan akhristoow ,waxana uu abwaanku soo wadaa kuwo badan , walina way socotaa maansadani .waxay na kamid tahay maansooyinka madadaalada ah ,

    Xidhiidh Maalmo jirayoo

    Inantii marfuuc iyo

    Ka dhex dhacay Marooraa

    Taariikhda Muujoo

    Mar ay Labada Maadood

    Kulan meel ku yeesheen

    Hees laga mabsuudaa

    Midba dhinac u jeedshoo .

    Waxay tidhi Marooroow

    Maqaskii aduunkoow

    Rah muraayad xidhanoow

    Kildhi laga mabsuudoow

    Dhankastiba  Marooroow

    Toban macawisaaloow

    Ila muuji caashaqa .

    Wuxu yidhi Marfuucooy

    Mucjisada Aduunkaay

    Maraq iyo canbuulooy

    Miciyaha dugaagaay

    Lax maqaaxi shidataay

    Adna hees imaqashii.

    Waxay Marooroow

    Mooyaha xawaashkoow

    Madfac laga wareeroow

    Meeraha Bulluutoow

    Awr moos cunayoow

    Moran iyo dagaaloow

    Mijihii digaagoow

    Ila muuji caashaqa .

    Wuxu yidhi Marfuucooy

    Mididii xawaashkaay

    Maangaabadiiyeey

    Moofada kidaarkaay

    Mahadhada aduunkaay

    Lix masaasadoodeey

    Kabo meelxunyaalaay

    Ri malkhabad jadiidiyo

    Diric lagu mariimoo

    Madbakhayga joogtaay

    Adna Hees imaqashii .

    Waxay tidhi marooroow

    Maareeye  jaanoow

    Dibi soo mirqaamoow

    Saxni meesha yaaloow

    Katabaan mashquuloow

    Haashtari mug waynoow

    Miiskii aduunkaw

    Ila muuji caashaqa .

    Wuxu yidhi marfuucooy

    Kursi iyo mafiiqeey

    Oh mulqaacadaydaay

    Dhanka bidix masaxaneey

    Midan kala qaloocdaay

    Midabkii yaxaaskiyo

    Maariin huruudaay

    Sibid meel ku yaalaay

    Ila muuji caashaqa.

    Waxay tidhi marooroow

    Maska  aabihiiyoow

    Oh madeebadkaygoow

    Diqsi maamul jeceloow

    Marna oday fulfuuloow

    Shigni Maalmo yaaloow

    Mugdi lagu kufaayoow

    Gabi wada malaasoow

    Adna hees imaqashii .

    Wuxu yidhi Marfuucooy

    Abu mooladaydaay

    Xanta macalinkeedaay

    Oh majarafadaydaay

    Missed call Bidaarlaay

    Madashii shaxaadkaay

    Mucjisada dalkeenaay

    Adna heesh imaqashii .

    Waxay tidhi Marooroow

    Caku madax fujaanloow

    Xajiimaale Muuqdoow

    Mark II xumaadoow

    Orgi maydhanaayoow

    Marfash hoos u liicoow

    Mijin iyo aqaaroow

    Mooraal dameerloow

    Ila muuji aashaqa .

    Wuxu yidhi Marfuucooy

    Masaxaad gabowdaay

    Mobile damaayaay

    Hal maraaci sidatoo

    Awr moos u karisaay

    Maqrib iyo habeeneey

    Tashti maraq ka buuxaay

    Shandadii madhnaydeey

    Marti loos xadaysaay

    Adna hees imashii .

    Lasoco qaybta labaad maalmaahan fooda inagu soo haya  

    Diyaariye

    Wariye :-

    Omer Albashiir

    Sawnews.tk

    Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: