SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Survey Lagu Tiro Koobaayo Xoolaha Ku Nool Gobolka Awdal oo Shalay Ka Bilaamay Borama Iyo Nawaaxigeeda

    Posted by Sawnews.tk on February 14, 2010

    Servey gan shalay ka bilaamay Borama iyo nawaaxigeeda , ayaa waxaa  Mashruucan fulinaysa  Ha’da FAO , Mashruucan oo ay uga dan leedhay bal inay wax ka ogaato , xoolaha ku nool Gobolka Awdal ,iyo bal inay ogaadaan % inta ay yihiin dadka ku nool ee  Xoolo dhaqata ahi ,

    Mashruucan oo ah mid  wali laga fuliyay gobol  kaliya oo Soomaliya ah , ahna Gobolka Jubada Hoose , ayaa waxaa labeeya Gobolkan Awdal ,

    Goobahani laga wada mashruuca ayaa waxaa markii hore Sawirtay diyaarad ,kaasi oo imikana ay fulinayaan amaba ay ka shaqaynayaan  arday dhamaysay jaamacada camuud gaar ahaan Kuliyada Beeraha , waxana  ay adeegsanayaan Aalad  casri ah oo  loo yaqaano GPS ,

    Kaasi oo hagaaya ardayda , oo hadba meel u tilmaamaaya waxana uu la shaqaynayaa Satellite ka , waana aalad casriya oo aan wali loo adeegsan wax mashruuca oo laga fulinaayo Gobolka Awdal , waana midkii u horeeyaya ee nuucana ,

    Saaka mar aan buuqday Goobaha ay hawluhu ka socdaan , ayaa waxaan kula kulmay qaar kamida Ardaydaasi wada , waxana ay ii sheegeen , in uu hagaayo bahalkani , dabadeedna uu gaynaayo Aqalkii loo baahnaa ee ay diyaaradu sawirtay , ay ka buuxinayaan Form ka ay sitaan ,

    Mar aan wax kawydiiyay sida uu ushaqaynaayo amaba loo adeegsanaayo ? ayaa waxa ay ii sheegeen ardaydaasi in kaliya bahalkani u gaynaayo meeshii amaba aqalkii ay diyaaradu sawirtay ee xooluhu ay joogeen , Aaladan casriga  waxa ay kugu tilmaamaysaa falaadh hadba ku hagaysa oo kolba meel kuu duwaysa dabadeedna markaad gaadho aqalkii waxa kuu soo baxaysa calaamad amaba qoraal sheegaaya in aad joogto goobtii oo ah (Arrive destination)

    Isku soo wada duuboo Mashruucan iyo Alladaha lagu fulinaayo oo ah ,wax ku wada cusub gobolka  hadii lagu guulaysto mashruucan waxaa laga fulindoonaa dhamaanba gobolada kale ee dalka , waana mid tijaabo ah lana eegaayo balsida uu u suuuro galo

    Wariye :-

    Omer Albashiir

    Sawnews.tk

    Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: