SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Isboortiga Awdaloow, Ayey kugu Eegayaan

    Posted by Sawnews.tk on February 14, 2010

    Borama(Sawnews)Maansadan waxaa tiriyey Abwaan Maxamed Cisamaan Budin oo ah Abwaan reer Awdal ah

    Maansadan waxaa uu curiyey mar uu u kuur galay xaalada murugsan ee ku wajahan isboortiga Gobolka  Awdal.taasi oo maalmihii u danbeeyay uu ka dhex aloosnaa is afgaran waa .

     

     

     

    Aduunyadu waa hayaan

    Ciyaaruhu waa ilwaad

    Astaan weeyaan  midnimo

    Barbaartu adeegsadaan.

    Isboortigu waa halhays

    Amaan ku salaysanoo

    Hidiyo ilbaxnimo u dhigan

    Hadii laga aamusoo

    Indhaha laga jeediyoo

    Hunguri agabkii dhintiyo

    Amah laga raadiyana

    Umuur weeyaan mutuxan

    Mid weeyaan eedo badan 

    Balaayo afduuban iyo

    Dhibweeyaan aradka taal.

    Isboortiga awdaloow

    Markay uub kugu rideen

    Lug iyo adin kaa xidheen

    Arsaaqdaadii cuneen

    Adoo samir aaminoo

    Sanado badan aamusnaa

    Waliba aflagaado iyo

    Irbado suna kugu dureen

    Waadigan anfariirsanee

    Cidlada kali ooyayee

    Kuwii adi kuu xigaa

    Xaqaagii aasayee

    Iblays yadan kugu habsaday

    Haday umad dhaba yihiin

    Fadeexad ma iibsadeen.

    Isboortiga awdaloow

    Weheey adigoo yarbaad

    Inkays kula  meel maroo

    Adoo aqliyaysan baad

    Godkii alanbaqa gashoo

    Hadii aad iftiimi layd

     Jidhkaagu adkaan lahaa

    Barbaarna abuuri lahayd

    Dugaag kuu oomanoo

    Laftaada asiibayaa

    Weheey kugu urursanoo

    Awoodaadii dhimee

    Taariikhadan aguugsan iyo

    Sanado badan ayniyoow

    Arjiga kama muuqatide

    Aloore waxaan ku idhi

    Nimuu  ehelkii daldalay

    Cidkale ma adeegsadee

    Abkaaba haduu ku gabay

    Astaantaadii lunsaday

    Agoon waadigan noqdee

    Ayaa noqon abahaa.

    Isboortiga awdaloow

    Malaha orgobaa ku dhalay

    Aafaad baa kuu abtiya

    Inkays baad gacal tihiin

    Sidani ansax kuma tihide

    Qabyaalada aawan iyo

    Malaha eediyo dhibtana

    Ilmaadeer ayaa tihiin

    Malaha jin abaarsan iyo

    Iblays raxan raadayaad

    Habeen uur wada gasheen.

    Isboortiga awdaloow

    Haday arxan laawayaal

    Masuulnimadii agmaray

    Ilkaha kugu jiidayaan

    Kuwii udub kaaga tumay

    Haday eedaynayaan

    Ardaagaagiyo shacbiga

    Dadkaba in hagaagsanoo

    La aaminayaa jirtee

    Hadayna u jeedin eed

    Amaa alyad faafinayn

    Balaayo agaasimayn

    Ayey kugu eegayaan.

    Isboortiga awdaloow

    Aduunbaa ooyayee

    Ibtilo gaar kuguma aha

    Xil oo dhani  uu araday

    Waqtigu waa ilin doqmeed

    Umuuruhu waa si kale

    Gudbuu afakaale dagay

    Shuhuuraa urur u timid

    Ximraa ifafaale dhalay

    Baydh yaalaa aamus galay

    Cuqlaa afar tiro qabsaday

    Albaabkuu  daaxik xidhay

    Lixbay isku gayntu tahay

    Aqoon iyagoon lahayn

    Siduu arinkeedu yahay

    Maxay ibtalaynayaan

    Maxay amakaagayaan

    Maxay umad duudsiyeen

    Maxay xaqa aasayaan

    Markay ku awaajiyaan

    Maxay afdhabaandhabaan

    Qabiil ku adeegayaan

    Maxay u abtirinayaan

    Maxay talo awdayaan

    Maxay garaf duubayaan

    Maxay jin adeecayaan

    Iblays u adeegayaan

    Islaamnimo diidayaan

    Inkaaraha ay galeen

    Intay ka ogaanayaan

    Bulshooy waa aragtidaa.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: