SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Soo dhawayntii ugu Diiranayd oo Shacbiga Burco Ku Qaabilay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB

    Posted by Sawnews.tk on February 13, 2010

    xoghayaha-udub-iyo-burco-small1 Burco (Sawnews) – Xoghayaha Guud ee Xisbigga  UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, iyo wafdigii uu hogaaminayay ee mudooyinkii u danbeeyay socdaalka ku marayay gobolada bari ee Somaliland ayaa maalintii shalay soo gaadhay Magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco halkaas oo si aad u diiran loogu soo dhaweeyay. Xoghayaha oo socdaalkiisa shalay ay ku wehelinayeen Gudoomiyaha Kambaynka Ololaha Doorashooyinka Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), Xubno Wasiiro ah iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa markii ay soo gaadheen Magaalda Burco waxa halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay boqolaal gaadiid iyo dadweynaha reer Burco ah oo intooda badani wadooyinka dhinacooda la taagnaayeen caleemo qoyan iyo ubax.

    Tuuladda Yaroowe oo magaalada Burco afartan km u jirta waxa xoghayaha iyo wafdigiisa kaga hortagay, madaxda G/Togdheer, Dadwayne aad u tira badan. iyo Hawl’wadeenadda, masuuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbigga UDUB.

    Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer Md.  Ayaanle Cismaan Ibraahim, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay si qalbi furan ah u soo dhawaynayaan gudoomiyaha “Qalbifuran, Kalgacal,adiga iyo Madaxda kugu wehelisa socdaalkan hadaanu nahay reer Togdheer,iyagoo Daad iyo Mooshin balaadhan ah baanu kugu soo dhawaynaynaa.”

    Waxaa isna ka hadlay soo dhawaynta xoghayaha Barasaabka G/Togdheer, Md. C/llaahi Jaamac Biin, waxaana hadalkii badhasaabka ka mid ahaa “Xoghaye waxaanu adiga iyo wafdigaaga kugu soo dhawaynaynaa, salaanta Islaamka,waxaan aad u salaamayaa wafdiga balaadhan ee uu wato Xoghaya Xisbigga UDUB iyo Gudoomiyaha Ololaha Doorashooyinka,oo isna galbeed inooga yimi waxaan idiinku soo dhawaynaynaa dhamaantiin kalgacalka, iyo Jaceylka reer Burco ay UDUB u qabaan ayaa idiinku soo dhawaynaynaa.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha gobolka Togdheer.

    Waxaa kaloo isna ka hadlay Gudoomiyaha Kambaynka xisbiga UDUB Md. Cismaan C/laahi Cigaal, waxaana hadalkiisi koobnaa ka mid ahaa “Sidaad og-tihiin waxa weeyaan xisbiga UDUB umuusan soo bixin hana u qaadanina Ololedoorasho laakiin waxaa uu u soo baxay inuu kormeer ku sameeyo Xafiisyadiisa ilaa heer Gobol,degmo,iyo Tuulo,sidaa daraadeed ayaanu laba wafdi ugu kala baxnay Galbeed iyo Barri,si aanu howshaa u dhibyareeno oo wadanka sida ugu deg’dega badan u soo koobno wafdigii Galbeed u kacay oo anigu hogaaminayay waxaa ila socda hogaanka sarre Xisbigga oo ay kamid yihiin Gudoomiyayaashii Xisbigga ee abaabulka iyo wacyigalinta arimaha bulshadda iyo dhaqaalaha maanta waxaanu halkan la joognaa oo namideeyay labadayada wafdi Xoghayaha Guud ee Xisbigga UDUB magaciisu ha jiree.” Ayuu yidhi Cismaan Hindi

    xoghayaha-udub-iyo-burco-3

    Xoghayaha Guud ee Xisbigga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo isna halkaa ka jeediyay hadalo mahadnaq u badan ayaa waxa hadaladiisi ka mid ahaa “Dhamaan Shicibka Reer Burco Kiisa yar iyo kiisa weyn, lab iyo dhidig, ee sida quruxda iyo sharafta ee xamaasada badan ka muuqato nagu soo dhawayseen waan idiin mahad celinayaa waxaa muujiseen shucuur aad iyo aad u xamaasadaysan iyo mid wadanimo, midnimo waana idiin hanbalyaynayaa Burco, noqonmayso mid laba u kala qaybsan ogolaana mayno in beel’beel lagu dhufto.” Ayuu yidhi xoghayuhu

    Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “UDUB waa udub dhaxaadkii Umadda Soomaliland, waana Xisbi Qaran, himiladiisa waxa weeye nabadgalyo iyo midnimo, ka shaqaynmayno kala qaybsanaan, cadaawad inta doonaysa inay afkii doonfaarka dib inagu celiso ka yeeli mayno magackasta ha sitee hadaba umaynaan iman olole doorasho ee waxaanu u nimi kormeer Barri iyo Galbeedba waanu ku kala bixinay intii u badnayd wadanka inta inoo hadhay waanu dhamaysiraynaa si xaqiiqda dhabta ah ee shacabku uu joogo iyo adeega Dowladu halka ay marayso si indha buuxda iyo dhagahayaga uga dhamaysano waxaynu ognahay in cidhiidhi dhaqaale ee ina haysta weynu ognahay waxaa la yidhi ninka xeero maran gacanta kuugu ridaa ta buuxdana sidaas oo kale ayuunbuu kaa yeeli doonaa.”

    Isagoo xoghayuhu hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Waxaanu laynahay itaalkayaga daacadbaa idinku nahay dhamaashiyo illaah uunbaa laga helaa waanu dadaalaynaa daacadnimo ayaanu ku shaqaynaynaa iskaa wax uqabso iyo wixii kale ee awoodayadu tahay waxba lahari mayno sidii bulshadda adeeg wanaagsan looguhelayo wax garadka bulshadda waynu iswaraysan doonaa xogta taala,ugu danbaytii wuxuu tacsi u diray sargaalkii shilka lamafilaanka ah ku geeriyooday caaciladii uu ka dhashay iyo dhamaan reer Burco,iyo Ciidanka Qaranka, isna Janadii fardoows haka waraabiyo Amiin….Aamiin.” ayuu ku soo gaba gabeeyay xoghayuhu hadalkiisa.

    Soo dhawaynta xoghayaha guud ee xisbiga UDUB ee magaalada Burco ayaa ahayd mid u dhacday si ka wayn intii la filayay waxaanay shacbiga Burco iyagoo isku dhan xoghayaha iyo wafdigiisa u qaabileen si aad u heer saray.

    xoghayaha-udub-iyo-burco-1

    xoghayaha-udub-iyo-burco-2

    xoghayaha-udub-iyo-burco-4

    xoghayaha-udub-iyo-burco-5

    Source Harowo

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: