SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Kulan ay Yeesheen Xubno Ka Mida Ururka MADBAKH Oo Xaruntiisu Tahay Wadanka Canada Iyo Dhakhaatiirta Gobolka Oo Ay Wahelinayeen Qaar Kamida Ururada Haweenku (Sawiro iyo Dhagaysi)

    Posted by Sawnews.tk on February 8, 2010

     Borama (Sawnews)Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo galabta ka dhacday Hotel RAYS  , oo ay ka soo qayb galeen Hormuudka kuliyada Caafimaadka ee jaamacada camuud  Dr :Siciid Axmed  Walhad , Dr : Ibraahim Siciid (Qaws) Dr : Ismaaciil Aye , Xubin kamida Ururka MADBAKH  ee fadhigiisu yahay  wadanka Canada oo lagu magacaabo Xaliimo Xassan Sacad , Xoghayaha Badhesaabka Goboka Awdal , Qaar kamida Ururada Haweenka , iyo waliba Bulshada rayidka ah

     

    Kulankan oo ay qaban qaabadiisa lahayd  Xubin kamida Ururka Madbakh , oo ay leeyihiin Haweenka  Qurba jooga Gobolada Salal iyo Awdal gaar ahaan kuwa ku   nool wadanaka Canada , waxaana lagu falanqeeyay arimo badan .

     

    Waxaana halkaasi  ugu horayn ka hadlay Dr : Siciid Axmed Walhad  waxana uu hadalkiisii ku bilaabay sida tan Bili’aadamku sidiisaba wuxuu qabsado uunbuu helaa nin walba beertuu beerto midhaheega uunbuu helaa , noloshaba sideedaba hadii aad unoolaato manta uun ha noolaatid oo aad ka fikiri waydo bari maxaad qabsataa waa dhib .

     

    Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Dr: Ibraahim Siciid (Qaws) oo ku dheeraaday hadalkiisa waxna uu yidhi Cisbitaalka FISTULADU waa cisbitaalk in badan Media ka sheegno, gaar ahaan dumarku ay waxbadan ka ogyihiin waxan uu sheegay in uu cisbitaalkani uu yahay mid lagu daweeyo Dumarka dhalmada wax ku noqda ee ay had iyo jeer Kaadida iyo saxaradu socoto ,iyada oo ay inala joogaan dumar xanuunkaasi ka bogsaday ,kalmadoodana iyagau sheegi doona , anigu igama dhaadhici karo , iyagaad dhagaysan doontaan , fistulada waxaa lagu daeeyaa dumarka ay dhibtaasi gaadhay ,

    Waxaa kale oo Dr : Qaws halkaasi ka sheegay gabadh kula nool cisbitaalka , oo nerfiska dhibaato badanka qabta , aanan waxna loo qaban Karin gudaha dalka , waxana uu sheegay in ay  Xaliimo sigaara uga codsanaynaa in kayskeeda  in si especially loogu ololeeyo .

     

    Waxaa iyaduna halkaasi ka hadahsay gabadh lagu magacaabo Hibo Nuur Sigal oo ku nool Gobolka Awdal , hada waxa joogtaa Cisbitaalka fistula ,waxaa ay sheegtay in  I keentay dhibaato , waxana ay tidhi dhibaatada waan ku dhashay ee iguma dhicin ,intaa aan noolaana way ila nooshahay , waxana ay sheegtay Hibo in Bulshada lala dhaqmi Karin , amaba uu qof walaalkaa ah oo ku jecel ku soo dhawaysanaayo ,adigaa iska dheeraynaaya umana soo dhawaan kartid ,waxaanan galay 4 qaliin waxna waa layga qaban kari waayay , waxaanan ka codanayaa dadwaynaha halkaa iskugu yimid in lay gargaaro ,

     

    Hadaladii oo dhana halkan ka dhagayso

      Dr Siciid Axmed walhad

    Dr Ibraahim Siciid Qaws
     
    Xaliimo Xassan Sacad
    Xaliimo-Xassan-Sacad.mp3
    Dr Aye_DR Ismaaciil Aye 1_1
    Dr.DR-Ismaaciil-Aye-

    Wariye :

    Omer Albashiir
    Sawnews.tk
    Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: