SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shirka Aqoonyahanka Awdal & Salal waa tusmo soo dhaweyn mudan

    Posted by Sawnews.tk on February 7, 2010

     Sida uu qeexayo Xadiithkii Nabigeenna Muxammad (SCWS) ee  ahaa “ Walaalkaa u gargaar haddii u gar leeyahay iyo haddii uu gar daran yahay labadaba”; waxan walaalkay Maxamad Xasan Mataan u soo jeedinayaa inuu raaligelin ka bixiyo  maqaalkiisa ku soo baxay shabakadda Harowo ee uu ku daadifaynayo  qaban-qaabada shirka aqoon-yahanka ka soo jeeda Gobollada Awdal iyo Salal, kaas oo uu sheegay in lagu qabanayo magaalada Minnesota  ee dalka Maraykanka.

    Ma muuqato sabab looga hordhaco shir aan weli la shaacinnin ajandihiisa; mana habboona in  la mala-awaalo ujeeddooyin aan sugneyn oo dadka loogu sawirayo “Wax dumin” – xaasha! Aqoonyahanka Awdal iyo Salal ma geyaan erayada walaalkay u adeegsaday isagoo haddana ka markhaati kacaya in Aqoonyahanka Awdal uu ahaa kii dhidibbada u taagay Somaliland ee lahaa farsamadii lagu hagayey shir beeleedkii lagu dhisay Jamhuuriyadda Somaliland; isla markaana  qoray Axdi Qarameedkii  laga dheegay ama saldhigga u ahaa  Distoorka maanta Qaranka lagu hoggaamiyo.

    Sidaa awgeed, aqoonyahanka Awdal & Salal waxbay dhisaan ee wax ma dumiyaan; sidaasna waxa  cadeyn u ah:

    1-     Hormuudka Jaamacadaha Somaliland ee “ Amoud University” ee horseeday in mudanka-kheyraadka  oo ah dhalinyarada dalku aanay cidlo kaga hadhin aqoonta  iyo waxbarashada.

    2-     Cusbitaalka dhawaan lagu wareejiyey isla Jaamacadda  oo isna caafimaadka guud ee bulshada kaalin muhiim ah ka gali doona insha Allah. Ilaahay haka abaalmariyo intii abaabulkiisa laheyd ee Ilaahayna u suurageliyey.

    3-     Biyaha Awdal, gaar ahaan magaalada Borama ee ka tilmaaman magaalooyinka dalka.

    4-     Warshadaha qaarna la furay, kuwo kalena ku dabajiraan .

    5-     ARDAA, IQRA  & kuwa kale (the non-profit organizations) ee loo abuuray guud ahaan horumarinta arrimaha bulshada  siiba ka faa’iideysiga kheyraadka dhulkooda oo iyaguna wada hawlgal ah.

    Arimaha siyaasadda  ama ololaha ku saabsan doorashada  Madaxtooyada Somaliland  shirkan aqoonyahanka reer Awdal  & Salal inuu waxtar u yeesho mooyaane wax uu ka ridayaa ma jirto; gaar ahaan Madaxweynaha hadda talada haya oo ka soo jeeda Awdal& Salal. Waxa haddaba ka-hadal iyo tilmaan u baahan:-

    1-     Golayaasha sharci dajinta sida Guurtida & Wakiillada oo waqtigoodii dhammaaday ama gabogabo yahay ee  immika uun “Kaam Dhugad” iyo jabhadeyntu ka dhex oogsatay.

    2-     Xisbiyada mucaaradka  een qabyaaladda la gabbanaynin ee weliba la wada arkayo abaabulka iyo heesaha lagu dagaal galayo, sida markii Siilaanyo la soo dhaweynayey Usbuucii tagey ee lagu heesayey…..DHULKA SOW ANIGU MA LIHI.

    3-     Xukuumadda haleelba loo diiday ee lagu hor qalay muwaadiniin aan waxba galabsan; isla markaana horteeda lagu burburiyey agabkii diiwaangelinta  ee iyadu gacanta ku haysay.

    Waxan ku soo gabagabeynayaa, shirka Aqoonyahanka Awdal iyo Salal ma wuxu ka xanuun batay shirarka qabiilka ee dalka gudihiisa iyo dibaddaba lagu qabto ee wEliba lagu faanayo – jawaabtu waa maya oo way caddahay.

    Sidaa darteed,waxan ugu baaqayaa bulshada Awdal & Salal inay shirka soo dhaweeyaan, cid kasta oo u damqaneysaa haka dambeyso, waxa suuragal ah inuu faa’iido keeno ee idinkoon shareysannin ka gungaadha ujeeddada shirka loogu baaqay; kadibna  qaata wixii waxtar leh ee ka soo baxa, taas ayey danta deegaanka iyo dariskuba ku jirtaaye.

    Ilaahay ha inna waafajiyo wanaagga Aamiin! Aamiin! Aamiin!.

    Maxamd Cabdullahi Xaaji Obsiiyeh

    Riyadh – Saudi Arabia

    Email:   mao.obsiyeh@live.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: