SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • SHIR BALAADHAN OO AY ISKU YIMADEEN JAALIYADDA SALAL IYO AWDAL EE SWEDEN(Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on February 7, 2010

    Linköping(Sawnews)Waxaa shir balaadhan oo ay  isugu yimaadeen jaaliyadda Salal iyo Awdal ee ku dhaqan dalka Sweden uu dhacay magaalada Linköping. Shirkaas oo lagaga hadlay arima badan oo dhinacyo badan taabanaya.
     
    Shirka waxaa lagaga hadlay sidii ay jaaliyadaha labada gobol ay wax u wada qabsan lahaayeen dal iyo dibadba, sidii loo caawin lahaa dadka dagan labadaas gobol iyo sidii wax loola qaban lahaa dadka cusub ee ka imanaya labadaas gobol  ee ku cusub dalka Sweden.
     
    Waxaa kale oo amaan wayn loo soo jeediyay labada urur ee AMOUD FUNDATION iyo IQRA iyadoo lagu amaanay wax qabad ka hayaan dal iyo dibadba iyo sidii loo taageeri lahaa labadaas urur.
     
    Waxa halkaas lagu dhisay gudi hoosaadyo ka soo jeeda labada gobol  oo ka shaqaysa arimaha jaaliyada iyadoo lagu balamay in la kordhiyo shirarka iyo kulanadda dhex mara jaaliyadda.
     
    Waxaa haba yaraatee aan lagu soo hadal qaadin shirka maanta ka dhacay magaalada Linköping arimo siyaasadeed , iyadoo uu shirku ahaa oo kaliya shir dhaqameed.
     
      WARIYE :    Axmed Faarax Wabar
         
      Sawnews  

     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: