SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • DIGNIIN CULUS OO KU SOCOTA DAHIR RAYALE IYO ISBAHAYSATADIISA U HANQAL TAAGAYSA INAY IIBSADAAN JASIIRADAHA SACAADADIIN IYO CEEBAAD.

    Posted by Sawnews.tk on February 5, 2010

    Waxa jirta odhaah somaaliyeed oo tidhi ‘ Laanta aragtaye laaca ma ogtahay’. Waxay ku baxday xooluhu markay geed qurux badan arkaan, iskama eegaan jarka ama godka ka hooseeya. Waxa keliya oo u muuqata laanta qurxoon inay cunaan. Taasina waxay ka qarisaa godka oo way ku dhacaan kuna dhintaan. Nimankan ay u muuqato dhulkan bilicda san ma oga taariikhda iyo qiimuhuu dadka degan uu u leeyahay, inta jeer ee  dawaladihii jiray laysaga hor yimid iyo maanta halka ay marayso cadhada dadku. Dadkuna maanta aad bay uga cadhaysanyihiin beenta, khiyaamada iyo yaraysiga. Dhulkooda oo xaq u leeyihiin inay ilaashadaan oon laga horjoogsan. Waxa xabsi lagu guray dadkii kalluumaysatadii ku noolaa jasiiradaha markay isku deyeen inay horjoogsadaan. Weliba jidhkooda ayaa la dilay intay ku jireen xabsiga ilaa maantana qaar baa xidhan. Waayeelkii waddanka ayaa aska loo fayliyay oo la yidhi dhulkoodii ma geli kartaan. Yaa waxaas oo kale ku nabad geli kara? Haddaba nimankan ha ogaadeen inaanay marna ku nabad u degenaan doonin dhul aanay lahayn.

    Shalay bay ahayd markay reer Hargeysa la hadlalyeen Daaroodkii waddankooda soo galay. Waxay ku heesayeen, ‘ Ninkii Dhoof ka Yimid bay Geeridu Dhibaysaa’. Waxay ula jeedeen inaan dhulkooda Siyaad Barre reeraha Daarood xoog ku dejin Karin. Somali waa la yaqaan oo taariikh kama faaidaysayo. Waxa kaloo ay somalidu tidhaa, ‘ Hunguri Wadkii ma Arko’. Taariikhahaa hore u dhacay ee markhaatiga laga yahay waxa nimankan ka indha tiray waa Hunguri. Abwaankii Ingiriis ee caanka ahaa, Shakespeare (King Lear), wuxuu yidhi odhaah tan Somaliga ah la mid ah, Damacu wuu indha tiraa qofka hunguriga weyn aakhirkana wuu dilaa.  Nimankani runta way ogyihiin, taariikhna way la socdaan ee waxay marayaan dariiqii Somaliyi hore ugu rogmatay ee qalloocnaa. Jidkaa ay socdaanna waan aragnaa inuu horeba u socon waayay.

    Waan ognahay maanta waddanka addunka ugu dhib badani inuu yahay waddanka somalida meel walba. Dhibtaa waxa keenay nin walba wuxuu doonayaa in qas iyo been wax aanu lahayn ku helo. Arrinta halkan laga wadaana qaskaa horeba loogu jabay bay ka mid tahay. Dameerka ina Rayale markuu afka ku ballaadhinayo dhulka dawlad baa ka talisa, been buu sheegayaa. Miyaanu garanayn inaan dawladda iyo dadku kala maarmin arrimahan oo kale. Waa dameer ciyay oo macna ku hadlayn. Mana laha qiimo waayo wuxuu ka qaawanyahay shuruucdii dawladnimo iyo tii dhaqanka labadaba. Salaadiintu, cuqaasha iyo dadweynaha hadduu ka hor yimaaddo xagguuu u socdaa?  Dawladuna waa waa dadka. Odayaal, waxgarad iyo dadweynaha oo dhanna markaad ka hortagto adigaa khaldan. Taasina, somalidu caado ayay u leedahay, dhibteediina waynagaa maanta is cunayna. Nacaskan la soo diray marna ismuu weydiin suaalahan:

    -Dawladiisa yaa aqoonsan oo goormaa adduunku aqoonsaday?

    -Dawladi ma ta albaabka danbe ee waddankeeda furtaa? Soona gelisa

    dawlado kale. Dawlado borotokol bay kula socotaa dawladaha kale

    -Dawladi ma ta waddankeeda baasaboorro ay ku socoto ku iibsataa?

    -Dawladi ma ta waayeelkeeda la tashan waydaa?

    -Dawladi ma ta dhexdeeda Butti iyo dadqalato ku nooshahayba? —–Dawladi ma ta waayeelka iyo waxgaradka ka dhuumataa?

    -Dawladi ma ta dadka yaryar ee xaqooda u hadlaya xabad ku furtaa?

    -Dawladi ma ta qaadka loogu taliyaa?

    Dadka reer Somaliland waxay dhisteen nidaam ku-meel gaadh ah. Waxay rabeen in adduunka la tuso in dadkani wada noolaan karayaan oo ay dawlad noqon karyaan. Waxay rabeein in nabadda la dhawro oo laga foogaado arrimaha xasaasiga ah ee ah gobollo been ah iyo dhul laga iibiyo dawlado kale. Mabaad xaqiijid nabadii iyo dawladnimadii loo socday ee waxa dadka iska hor keenaya ayay wadaan. Dantooday ka door bideen tii dadku ku aaminay ee laysku ogaa. Somalidu waxay tidhaa, ‘ Mabay Dhallane Dhawrtaysan Ogaa’. Markay dhalatana xaggay tani gayan?

    Hadalkii waxan ku soo koobayaa digniin aan siinaynnu isbahasatan iimaanka beeshay. Waxan leeyahay. Intaan arkaysaan tobankeed baan arkaynaa. Intaad garanaysaanna tobankeed baan garanaynaa. Aduunkana meel walba waan joogna waddankayagan waan u soo jeednaa. Tallaabadaad qaadaanna tobankeed baan qaadi doona.  Wallaahi geed kaad hadhgashaan ba waan gubi doonaa. Haddaad dhulka god ka qodataanna waa idinka soo faqaynaa. Aaakhirana idinkaga hadhi maynno. Nama horjoogsan doonaan afar askari oo gaajoonaya oo xeebahayaga la didhgaa. Aqli ma haysaane ciidamadii gaashaanna ee Siyaad Barre dad cadhooday baa eryaday. Ha illaawina odhaahdan.  Laanta aragtaye laaca ma ogtahay.

    Abdiqani Omar Hanfi

    Chicago USA

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: