SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Siminaar Mudo Laba cisho Socday, Oo Ku Sahabsanaa Xirfad Nololeed , Lagu Baraayay Ardayda Dugsiyada , Oo Maanta Lasoo Gabagabeeyay(Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on February 1, 2010

    Borama(Sawnews)Siminaarkan oo lagu qabtay Hoolka Wayn ee Ururada SAYS / Moonlight ,kaasi oo socday mudo laba cisho ah , waxaana ka faa’iidaysanayay ardayda dugsiyada Sare iyo dhexe kuwaasi oo loogu tala galay in Ardayda lagu baro , waxa loo yaqaano Life Skills amaba Xirfad Nololeed ,

    Siminaarkan oo goobjoog ka haayeen xubno ka tirsan Ururka SAYS , waxana ay halkaasi ka sheegeen in loobaahanayahay in Ardayda amaba Da’yarta la wacyi galiyo , lana baro Xirfado kala duwan , laguna tabo baro sidii ay uula tacaalilahayeen Nolosha ,

    Mashruucan oo loogu talo galay 5ta  Bilood ee soo socoda  , waxaana ka faa’idaysanaya 2000 Arday , Mashruucan waxaa maal galiya Ha’ada UNICEF  , waxayna usoo marinaysaa Dalada SONYO , oo ka fulinayaan 6 Gobol ee Dalka , kaas oo ay SAYS ka fulinayso Gobolka Awdal ,

    Mar aan wax ka waydiiyay mid ka mida facilitator  Oo  la yidhaah C/laahi Xusseen Caateeye Ujeedooyinka siminaarka iyo waxa loo ga damleeyahay ayaa waxa uu iigu jawaabay , waxaa looga danleeyahay in dhalinyarta la baro Xirfado nololeed taasi oo ay ku badbaadinayaan dhibaatooyinka soo wajaha dhalinyarta , Tusaale ahaan Tahriibka iyo Tacadiyada ku dhaca Dhalinyarta , si ay waxyaabo badan isku barbar dhigaan oo ay noloshooda u qiimeeyaan ,

    Ardaydaasi waxa la baraayay waxaa ka mida

     

    1-     Assertiveness ( Hadal cadaan )

    2-     Negotiation   (Gor-gortan )

    3-     Self esteem    ( Isku hanwaynaan)

    4-     Self control     (Is xakamayn )

    5-     Decision making ( Go’aan qaadasho )

    6-     Self awareness   ( Is hubid )

    7-     Empathy              ( Naxariis )

     

    Isku soo wada duuboo Siminaarkan oo ay ka faa’idaysteen Arday badini ayaa waxaan waydiiya qaar kamida ardaydaasi maanta iyo cishadii hore waxa iska badilay ?

    Waxana ay ii sheegeen in uu faraq wayni udhaxeyi ayna ku camal fail doonaan waxaasi ay barteen Bulshadana uga faa’idayn doonaan

     

    Wariye:-

    Omer Albashiir

    Sawnews.tk

    Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: