SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Baaq Taageero Mulkiilaha Warshada Laga Furay Magaalada Borama, Ururka Wadaniga Ah Ee TIIGSI

    Posted by Sawnews.tk on February 1, 2010

    Marka hore waxaan aad usalaamaynaa shabakada Caalamiga ah ee Sawnews.tk , shaqaalaheeda kala duwan sida ay had iyo jeeraale ugu taagan yihiin baahinta horumarineed ee ka socda goboalada Awdal/Salal waxaanan leenahay waa ay ku amaanan yihiin sida wanaagsan ee ay uga waramaan dhacdooyinka quruxda leh ee ka dhacaya Degmooyinka iyo tuulooyinka gobolada Awdal, waxaan ini leenahay ku wada dhexdhexaadnimada iyo wanaaga aad tusaysaan Bulshawaynta reer Awdal/Salal ee daafaha Dunida ku nool/.

    hadaan usoo daadagno Dulucda Baaqayaga , anagu waxaan nahay urur lagu magacaabo Tiigsi kana hawl gala Gobolada Awdal/Salal,kana shaqeeya danaha iyo horumarinta Goboladan dhinac walba.

    ururkan waxa uu jiraa laba sano isaga oo lagu aasaasay ujeedo yar oo gaaban , laakiin mar qudha isku badalay Tiigsi hadaf dheer oo umadu ubaahan tahay.

     ururku markuu arkay baahiya iyo duruufaha badan ee ku gadaaman Gayigan uu ka hawl galo waxa uu go’aan ku gaadhay inuu himiladiisii ka dhigo mid fog oo waqti dheer Qaadata.

    ururkan Xubnaha ku bahoobay waxa ay dhan yihiin 21 qof oo iskugu jira rag iyo dumar iyo qurba joog iyo guda joog.

    intaas hadaan kaga gudbo warbixintii koobnayd ururkan bal aan usoo daadago arintii ugu muhiimsanayd ee aan maanta baaqayaga aan ku soo diyaarinay.

     Markii aan aragnay Shakhsiyaad badan oo u heelan wax ka qabashada baahiya Degdega iyo kuwa aan degdega ahayn, markii aan aragnay wadaniyada iyo kartida qof ahaaneed iyo bulsho ahaaneed, markii aan aragnay aqoonta iyo waaya aragnimada uu qof la yimaado, markii aan aragnay Geesinimada iyo calool adagya qof illaahay ku abuuro, markii aan aragnay damaqsiga iyo u jidhnaxa Bulshadan ,markii aan aragnay ka shaqaynta Horumarka.

    waxaas oo dhan markii aan aragnay ayaa  waxaaan  baaq taageero ah udiraynaa Halayayga sanadkan usoo baxay Goboladan AWDAL/SALAL PRO: Maxamed C/laahi Yoonis oo ku magac dheer Maxamed Talyaani inuu noqday shakhsi ku soo kordhiyay Gobolka awdal/Salal waxa la taaban karo taas oo qof walba u muuqato waxqabadkiisii u horeeyay.

    Anaguna hadaan nahay ururkan wadaniga ah ee TIIGSI GROUP WAXAAN hanbalyo kal iyo laab ah iyo taageero siinayanaa halyaygaa usoo baxay Bulsho ay ragaadisay siyaasad iyo qabiil.

    anaga oo ka duulayna ajandayaashayada siyaasadeed oo ay ka kawtahay inaan taageerno cid alla cidii horumarka wadanka ka shaqaynaya, anaga oo ka dhawrsoon qaybaalad ,siyaasad iyo wax la halmaana waxaan leenahay reer Awdal/Salal maaha oo qudha Maxamed Talyaani ee waxaan leenahay waa in la noqdaa maxamed talyaaniyo fara badan.

    Waxaan baaq udiraynaa cid alla cidii ka qayb qaadanaysaa horumarka Goboladan Dadkeedii dayacay in ay  ku cibaaro qaataan wadada ama tubta toosan ee uu jeexay Pro: Maxamed Talyaani.

    ugu danbayn waxaan halkan mar labaad taageeraynaa oo aan la garab taagan nahay Halyayga :pro: Maxamed  C/laahi Yoonis Maxmed Talyaani waxaanan leenahay noqo kii lagu daydo anaguna hadaan nahay ururkan tiigsi waxaan kuu balan qaadaynaa inaan horumarka iyo wadaniyada kugu jirta aan kula garab taagan nahay.

     

    Xubnaha Ururka TIIGSI

     

       1.      Eng: Mukhtaar Muxumad Alabari( Chair Person)
       2.      X/Ismail Cabdi Riiraash
       3.      Cumar Cismaan Kaahin
       4.      Xasan Sh/C/raxmaan(Xasan Rabiic)
       5.      Maxamed Cumar Cali(Sandheere)
       6.      Axmed  Maxamed Caateeye
       7.      Axmed   Maxamed Cadoosh
       8.      Pro: Ridwaan Maxamed Cusmaan
       9.      Maxamed Cali Cumar(Jaabir)
      10      Basra  Jirde Shiil
      11      Faa’isa  Muxumad Cilmi
      12      Rooda Ibraahim Rijaal
      13      Xaliimo Xasan Nuur
      14      Foosiya  Muuse Xuseen
      15      Rooda Jaamac Samatar
      16      Saynab  X/Axmed Miisaan
      17      Pro: Cumar Cali C/laahi
      18      Mahdi  Adam Riiraash(Suldaan Guray)
      19      C/wahaab Cigeh Ahmed
      20      C/rashiid Axmed Sumal
      21      Maxamed  Axmed Askar
     

    wabilaahi tawfiiq 

     

      

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: