SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • 30-Kii January 1984 Iyo Xasuustii Duqeyntii Borama

    Posted by Sawnews.tk on January 31, 2010

      

    Borama-(Sawnews)-Waxay aheyd subax isniineed 30kii january 1984 .Xilligu waa jiilaal ,dhulka oogadiisa oo dhan waxaa ku shaqlanaa dhedo iyo ciiro ay soo jiiteen buuraha dhaadheer ee ku gadaaman magaalada Boorama. Dadku nabad ayey ku waabariisteen intooda badanina waxa ay ku foofeen hawl maalmoodkoodii caadiga ahaa, sida: Ganacsatada oo irridiha u furay meheradahooda ,dadkuna ay bilaabeen wax kala iibsigii .

    Waxay aheyd goor ay bulshadii miyigu bilaabeen wax is dhaafsigii lagama maarmaanka u ahaa noloshooda iyo ta shacabka magaalada deggen, sida iibgeynta:Subagga ,Caanaha,Qoryaha ,Dhuxusha iyo noocyada kala geddisan ee Xoolaha, oo dhammaantood  ku soo beegnaa wakhtigii ay soo gaadhayeen badhtamaha suuqayada. Waxay aheyd wakhti intii safreysay iyo intii sagootineysayba ay is waydaarsanayeen… tusan iyo macasalaama…. Sidoo kale waxa xilligaa iyaguna hawl maalmeedkoodii ku guda jiray ardeyda  dugsileyda ah, macallimiintoodii iyo dhammaanba maamulkoodii. Hooyooyinkii, Aabbayaashii ayaa iyaguna soo duco ku soo sagootiyey carruurtoodii.

    Cidina may filayn wax dareen colaadeed ah oo ku soo fool leh. Hase yeeshee xilli saacaddu ay aheyd tobankii subaxnimo ayaa dadka badnkiisu ay maqleen guux dayuuradeed oo aan caadi ahayn, kaasi oo dareen weyn geliyey dadkii magaalada ,hase yeeshee samada waxba lagama arkeyn oo dhedo iyo ciiro ayaa weli ku shaqlaneyd buuraha figtooda.Guuxii waa uu soo dhawaaday dadkii oo dhammina sakati iyo werwer ayey dhagaha la taageen ,cidise ma haleelin dhaqaaq ka badan dhowr talaabo. Waxa mar keliya isha lagu dhuftay oo dadkii soo kulay raxan diyaaradaha dagaalka ah oo ka soo dhex baxay ceeryaantii kuwasoo soo laalaadiyey gantaalihii iyo bombooyinkii ay xambaarsanayeen .Magaaladii oo dhan waxa qariyey siigo,olol onkod iyo dayaan is wata oo dadkii oo dhan ku riday argagax naf iyo nololba ka quusiyey.

    Isla maalintaa Isniineed saacaddu markay aheyd 2:15 (labadii iyo rubuc ) ayaa Radio muqdisho warkiisii dhurnimo lagu sheegay in dayuuradaha dagaalka ee maamulkii Mingistu ee Ethiopia ay weerar ku soo qaadeen Magaalada Borama iyo tuulada Goraya Cawl oo ka tirsan degaanka gobolka Awdal .Weerarkaas bahalnimada ahaa waxa geystay lix dayuuradood oo ah kuwa dagaalka oo noocoodu ahaa miig 21 iyo miig 23.Isugeyntii dadkii ku dhintay weerarkaas waxa ay gaadheen 70 qof oo 37 ka mid ah ay ahaayeen ardeydii dugsiyada hoose ee degmada Borama..kuwaasoo da’adoodu U dhaxeysey 6-14 jir iyo afar macallin oo shaqo qaran ahaa.Waxa kaloo ku dhaawacmay 110 kale oo iskugu jira arday iyo shacab.iyadoo isla markaana ay burburiyeen 70 guri iyo afar dugsi oo hoose /dhexe iyo xaruuntii xanaanada caruurta (MCH)

    Intayadii warkaas dhageysatay ee xamar ku nooleyd waxan la istaagnay naxdin iyo argagax iyadoo qofwalba oo reer Awdal ahi ka fakarayey sidii war intaas ka faahfaasan loo heli lahaa . Kaddib aniga iyo saaxiibadayba waxan tagnay boostii Xamar ee Telefoonnada halkasoo reer Awdal ay saf ugu jireen .waxa noo suura gashay in aan ogaano in adeerkay oo aan guri wada daganeyn oo la yiraahdo Maxamed Cabdilaahi mixile nasiib darro ay walaashii oo sadexani ku jirtay dadka ku geeriyooday weerarka .waxay ilmaheeda ka soo kaxeysay xarunta xannaada caruurta midna dhabarka ayey ku sidday markii weerarku haleelay ,halkaas ayaa saddexdoodiiba ay ku dhinteen(allaa yarxam).Maalinnimadii Arbacadii ayaan  aniga iyo Mixile ugu baxnay socdaal, iyadoo dayaaradda aan raacnay ay saarnaayeen dad reer Awdal ah oo iyagana sidoo kale qoyskoodii geeri ku dhacday qaar ka mid ah eheladoodii.Waxan nimid Hargeysa oo aan markiiba dhaafnay si aan tacsida ugaarno .Dhamaan baabuurta Hargeysa ka baxeysay waxay sideen dad gurmad ah oo ka kala yimid gobolada dalka, una socday in ay baroorta la qaybsadaan eheladooda.

    Dadka magaalada waxa ka muuqatay jawi geeri, argagax iyo naxdinba leh ,inteeda badanna waxa magaalada qariyey teendheeyooyin laga dhisay guryaha hortooda oo lagu qabanayey tacsida. Waxase la isku guubaabinayey in samir iyo dulqaadka lagu dadaalo. Sarkaal ka tirsan bangiga Demada boorama ayaa ii sheegay in weli uu naxsanyahay waxa uu yidhi “waxa aan ku jiray baangiga mar qudha ayaa albaabadii iyo daaqadihii ay soo dheceen gantaal nagu dhacayna ma jirin”.
    Waxa magaalada yimid wufuud badan oo isugu jiray kuwo ka socda xukuumadda iyo kuwo shisheeye oo ka kala socday safaaradaha Masar ,Mareykanka ,Shiinaha,Ingiriiska ,Faransiiska iyo kiiniya kuwasoo tagay oo booqday xabaal wadereedii (mass grave) lagu aasay dadka.iyagoo weliba ubax dhigay taallo loo qoondeeyey in lagu xasuusto xasuuqaasi bahalnimada ah .waxa kaloo yimid weriyaal isugu jira soomali iyo ajnabiba.Gabadh ka tirsaneyd wariyaasha oo ka socotay tvga magaalada Henlay oo ay Borama mataano yihiin ayaa ii sheegtay “inay ilmeeysay markii ay cusbitaalka boorama ku booqatay dhaawicii oo ku jirtay gabadh yar oo sideed jir ah oo ku indho beeshay weerarkaas”
    Gudoomiyaha golaha degaanka degmada Borama Sh Cabdillaahi SH Cali Jowhar ayaa ii sheegay”in weerarkan lala beegsaday dad caruur iyo maato ah oo aan waxba geysan (soft target ) falkaasi oo ka baxsan aadaminimada, waxanu u rajeeyey in samir iyo iimaan ka siiyo dadka reer Borama intii dhimateyna ilaahay u naxariisto ”

    Odhaahda qoraha:

    Waxan qoraalkan sameeyey 24 sanadood kaddib markii uu weerrarkani dhacay waxana uu hordhac u ahaa buug aan qoray markii aan ka noqday gurmadkaas oo magaciisa la yiraahdo Awdal 1884 soona baxay 1986 .kaasoo aan si qoto dheer ugu lafo guray Awdal iyo qarnigii 19aad oo ka soo bilaabmay 1884 markii shisheeyuhu ay arimaha dhulkeenna ay faraha la soo galeen .Wakhtigaasi oo odayada Gadabuursigu  ay ingiriiska la sexeexdeen Heshiis(Anglo-Gada Treaty of 1884) inkastoo ingiriisku aanu fulin oo uu khayaameeyey ,dhulkoodiina uu bixiyey.

    Waxa dhacdadani ay xidheysaa hal qarni oo ku beegan (1884-1984) oo cadawgu baabi’iyey dawladnimadii Awdal iyo magaalo madaxdii xukuumadii Awdal (Seylac) oo soo jirtay qarniyaal badan.
    Waxan mar hore idiin soo bandhigay qoraalo dhowr ah oo ku saabsan taariikhda Awdal ee qarnigii 19aad oo ku soo baxay Warsanmag.com.iyo Somalilandeye kuwasoo qeyb ka ah buuggaasi taariikhda ah ee Awdal 1884.

    Waxan mahad U celinayaa tifa-tiraha Borama News oo sannadkii hore isku hawlay inuu xasuuqaas 30kii january soo bandhigo iyo Dhalinyarada kale ee Mukhtar brothers oo innoo soo bandhigay sawirada caruurtii ku geeriyootay weerarkaas.

    Mohamed  Dhiirane

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: