SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • SIDEE LOO DHISAA QOYS WANAGSAN

    Posted by Sawnews.tk on January 29, 2010

    Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allah iyo saliga Suubanaha Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaato….
    Waxaan ka akhriyay bogga www.galdogobtimes.com, maqaal ay soo qortay gabar soomaali ah oo magaceeda ku sheegtay Ismahaan, iyada oo ku tilmaantay sifa lagu garto ninka Wanaagsan, waan ku raacsanahay qodobo dhowr ah, hase yeeshee waxa iiga muuqata maqaalkaa walaashey iney inta badan ka eegtay ragga dhinaca dhaqanka aduunyo oo qura, laakiin aysan tilmaamin sida laga doonayo ninka inuu ugu diyaariyo qoyskiisa nolosha joogtada ah ee akhiro, qofkii ku guuleysta baa aduunkana ku guuleysta.

    Allah marka uu abuuray raga iyo dumarka wuxuu waajib kaga dhigay xil kala duwan, ninka iyo naagta labaduba siduu tilmaamay suubanaha Nebi Mohamed N.N. korkiisa ha ahaatee, oo uu yiri: “Kuligiin waxaad tihiin ilaaliyeyaal, ilaaliye kastana waxuu mas’uul ka yahay wixii uu ilaalada u yahay, sidaa darteed ninka iyo naagta waxey wadajir mas’uul ka yihiin reerka iyo ubadka sidii loo xafidi lahaa, mid kali ahna ma toosin karo hadii qofka kale uusan la garab gelin.

    Abuurista qowska wanaagsan wuxuu bilowdaa marka labada qof ee is guursanaya ay is dooranayaan, gabadha guurka ah hadii marka hore aysan ka fiirsan ninka ay guursaneyso waxa uu yahay, dib oo laga qowmameeyo wax tari meyso, nin xun intii ay guursan laheyd waxa loo qaataa iney iska joogto oo Allah bariso inuu siiyo nin wanaagsan oo Allah ka baqa, ninkuna sidoo kale waa inuu ka fiirsadaa naagta uu guursanayo si berito uusan shalay ugu dhicin mar talo faro ka baxday. Hadii aan la marin oo aan la qaadan dariiqii Subanaha nafaray N.N. korkiisa ha ahaate waxa la hubaa in qoyska abuurma uusan hanaqaadeyn, ninka waxa lagu doortaa in akhlaaq iyo diin uu leeyahay, naagtana waxa lagu doortaa afar oo mida ugu muhiimsan ay tahay, iney diin leedahay, hadii shardigaa la iska indhatirana waxa hubaal ah in wixii la abuuro ay khasaaro ku dambeyn, diinta oo lagu dhaqmo waxa weeye waxa dadka kala haga oo qof walba siiya xaqiisa kana dhowra in lagu xad gudbo, hadii diinta meesha laga saaro wax kale oo badbaadinaya qoyska ma jiro.

    Waxa ugu horeeya ee ninka wanaagsan laga rabo waa inuu yahay nin Salaada tukada oo ilaaliya shuruudeeda xaqeedana la yimaada, waa inuu ka fogaado wixii Allah xaaraan ka dhigay sida Sigaarka, Qaadka, iyo Khamriga, oo dhib weyn u geysta maalkiisa iyo caafimaadkiisa, waa inuu ku dadaalo in xaaska iyo caruurta uu faro salaada iyo waajibaadka kale ee Allah amray, uga digo Naarta Jahanamo sidii Allah ku tilmaamay quraanka kariimka ah oo uu ku yiri: “Kuwii Allah rumeeyayow uga diga naftiina iyo ehelkiina naar shidaal uu u yahay dadka iyo dhagxanta”. Waa midka ku barbaariya caruurtiisa iney ehelada xiriiriyaan, waalidiinta adeecaan, kula dadaala tacliinta wanaagsan ee islaamka. Waajibaadka intaa oo keli ah kuma koobna, hase yeeshee way fara badan yihiin duruus bayna u baahan yihiin si looga hadlo.

    Sidoo kale naagta wanaagsan waxa weeye mida siduu tilmaamay suubanaha nebigeena Mohamed N.N. korkiisa ha ahaato ” Waa mida tukata salaadeeda, soonta bisha Ramadan, ninkeedana adeecda oo maqasha warkiisa”, hadii ay sidaa yeeshana waxey geli Jannada. Sida muuqata waxa la faray naagta marka laga reebo salaada iyo soonka waxa ugu weyn waa iney Yeesho wixii khayr ah ee ninkeeda faro, naagtii aan la iman maqal ay maqasho wixii ninkeeda faro oo khayr ah, waxey la kulmi khasaaro dunida iyo akhiro. Wey badan yihiin axaadiista ka hadlaya sida looga doonayo naagta iney adeecdo ninkeeda oo ay ku dadaasho raali gelintiisa wixii aan ka baxsaneyn shareecada islaamka oo waajibka ah, maxaa yeelay waxa uu yiri suubanaha N.N. korkiisa ha ahaato” Ma jirto adeecid la adeeco makhluuq (Bani Adam) oo Allah dembi lagaga gelayo”, sidaa darteed hadii haweney ninkeeda yiraah Sigaar cab ama Qaad cun, ama Khamri cab, waajib kuma aha iney ka yeesho oo ay adeecdo.

    Inkastoo ay fara badan yihiin waajibaadka laga rabo ninka iyo naagta ku kulmaya qoys muslim ah, waxaan kusoo koobayaa ereyadan kooban maqaalkeyga, Allah waxuu noogu sheegay quraanka kariimka ah duco waajib ah in maalintii lagu duceysto dhowr goor oo ah: “Allow nooga yeel haweenkeena iyo caruurteena kuwo ay indhaheena ku farxaan oo ku nuursadaan, allow kuwa kaa baqana hogaan nooga yeel”.

    Allah hanaga yeelo kuwii ka baqa meelkasta oo ay joogaan, hadii ay muuqdaan iyo hadii ay dadka ka qarsoon yihiin, kuwo u roon haweenkka iyo caruurta oo kasoo baxa waajibka culus ee saaran, dalkeenana Allah ha inoogu soo cesho Nabad, kala dambeyn iyo xasilooni, maxaa yeelay dhibaatada maanta heysata qoysas badan ee dalka dibadiisa ku nool iyo dalka gudihiisa waxa door weyn ka qaatay burburka ku yimi dalkeena hooyo, hadii aan dalkeena nabad laga waayo waxa hubaal ah in dhib sii kordha mooyee aan la fileyn in wax soo hagaagaan. 
                                           By: SHEEKH MXAMUUD ISMAIL KHAYRE

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: