SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Magaalada Borama oo sarakac xoogan laga dareemayo qiimaha Shaaha lagu cabo.

    Posted by Sawnews.tk on January 29, 2010

    Magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal ayaa qiimaha koobka shaaha ahi kor u dhaafay kunshilin oo Somaliland ah iyadoo dhinaca kalena gabdadda Sonkorta ah ee 50-ka kiiloo ahi dhaaftay 45 Doolar qiimahaasoo walaac ku abuuray guud ahaanba danyarta,korna u qaadday qiimaha maciishadda  muddo sannado ah .Shaaha oo ah  sharaabka loogu cabitaanka badanyahay guud ahaanba dalka ,ayaa isticmaalkiisu sii kordhay wakhtigan qaboobaha ah,ayaan  in muddo ah qiimhiisu dhaafin 500 oo shilinka soomaaliland ah

    Qiimaha gabdadduna aanu dhaafin in ka yar 30 doolar,kor u kaca qiimaha sonkorta oo an la garanayn wax dhaliyey ayaa nolosha qoysas badan oo debadda loogusoo diro nololmaalmeedkooda  hoos u dhigtay, iyadoo an la ogeyn sababta keentay qiimaha kor u kaca sonkorta  maadaama aanu sicirka caalamka ee sonkortu waxba iska beddelin balse laga yaabo inay la xidhiidho siyaasadda dhaqaalaha iyo ganacsiga ee xukuumadda soomaaliland oo an iyadu marnaba u danaynayn shicibka, waana markii ugu horreysay ee gabdadda sonkorta ahi gaadhay qiimahaasi,mana jiraan arrimo laga hortegeyo qiimo barar kale oo ku dhaca badeecadaha kale.

    Tan iyo markii  ay xukuumadda madaxweyne Rayaale xukunka dalka qabatay toddoba sano ku dhawaad ka hor,ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxa sii kordhaya qiimaha maciishadda ,iyadoo dhinaca kalena la tuhunsanyahay in xukuumaddu cashuuro badan saartay badeecada sonkortu ka mid tahay ,ilaa maantana ay jirin wax hoos udhac ah oo ku yimaadda qiimaha maciishadda debedda laga keeno

    Inkastoo Madaxweyne Rayaale  uu dhawaanta soo hadalqaaday kor u kaca qiimaha maciishadda ,balse marnaba ma uu keenin talo la xidhiidha sidii baayacmushtarka loogu khasbi lahaa kor kaca qiimaha maciishadda, waxanad moodda in xukuumadda iyo baayacmushtarka soomaaliland u heshiiyeen sidii shacbiga loo saari lahaa culays dhinaca nolosha ah ,iyadoo la ogyahay sida xukuumadda rayaale aay heshiiska ula tahay baayacmushtarka ,isla markaana ay dhismayaashii iyo dhulkii danta guud gacanta u gelisay baayacmushtarka 

    Si kastab ha ahaatee, xaladda dalka iyo dadka oo maanta aay saameeyeen abaaro baa’an ayaa dhinaca kale waxa sii kordhaya culayska dhinaca maciishadda ee maalinba maalinta ka dambaysa kor u sii kacaya ,gaar ahaanta sonkorta oo anay ka maarmayn ubadka yaryar ayaa laga yaabaa inay noloshooda  saamayn ku yeelato qiimaha sonkorta ee la goyn kari laayahay isla markaana anay jirin wax rajo ah ama tallaabooyin hoos loogu dhigayo oo ka yimaadda xukuumadda Rayaale iyo baayacmushtarkaba.

    Wariye:-
    Maxamed Cumar  Sh.(Hyena)
    Borama/Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: