SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • JARAA’IDADDA KA SOO BAXA HARGEYSA WAXAY NOQDEEN KUWO BALO-SHEEG AH. Qalinkii: Idiris Farah Muse

    Posted by Sawnews.tk on January 27, 2010

    Maalin kasta oo ilaahay keenoba waxaa magaalada Hargeisa ee caasimada u ah Jamhuuriyada Somaliland ka soo baxa jaraa’ido madax-banaan oo kala duwan, inta badana laga akhristo goobaha MIJILISYADA/MAFRASHYADA qaadka iyo makhaayadaha shaaha. Waxa kale oo aad arkaysaa subaxa hore ee 6:30am – 7:00 iyada oo lala taagan yahay jidadka waaweyn ee magaalada Hargeisa, xoogaa kamid ahna waxaa loo diraa gobolada dalka. Adiga oo war u haraadan haddii aad iibsato nuqul ama mid kamida jaraa’idkaasi marnaba kama dheehan kartid war muhiim ah, ama war farxadleh, ama ka sheekaynaaya waxyaabaha u qabsoomay dalka mar mar ayaa lagu arkaa bogagga qaarkood shaqooyin ay ku soo xayaysiiyaan hay’aduhu. Marka aad indhaha ciwaanka hore ku dhufataba waxaad ku arkaysaa ciwaano balo sheeg ah, dad-iscaayaaya, xisbiyada oo kala roganaaya barnaamijyo siyaasadeed oo Artificial ah (Bug ah),masuuliyiin is-caayaaya oo isku haysta danahooga siyaasadeed ee dib-u-socodka ah iwm.
    Sidaasi darteed dadweynihii waxay la qabsadeen waxyaabahaasi foosha xun ee ku qoran oo badalay quluubtii dadka ee wanaagsanayd inta badana waxaa iibsada dadka xiiseeya siyaasadaha dib-usocodka ah, waayo iyaga oo kaliya ayuu raali galinayaa. Maxaa u diiday inay qoraan nuqulada xambaarsan cilmiga iyo aqoonta diiniga ah, maxaa u diiday inay qoraan hidaha iyo dhaqanka, taariikhda, iyo inay sheegaan ama baraan khayraadka dabiiciga ah ee dalkani leeyahay. Ma la odhan karaa dadku waxay jecel yihiin inay dhegahoodu wax xun uun maqlaan mise saxaafadii ayaa noqotay mid balo-sheeg ah oo sidaas ayay ku iibsamaysaa? Waxaana hubaal ah inay maskaxda dadka saamayn iyo raad ku reebi doonto mustaqbalka. Haddii aad hoos u fiiriso saxaafada dalka waxaad arkaysaa in ayna qaangaadh ahayn wali.
    Dhinaca kale xaga fikirka ama xoriyada hadalka macnaheedu maaha inaad waxaad doonto ku hadasho-qorto ee waxaa loo baahan yahay inaad la kaashato caqliga saliimka ah ee Eebe ku siiyay waxaa loo baahan yahay inaad miisaanto oo aad eegto hadalkan aad ku hadlayso ama qorayso muxuu saamayn ku yeelanayaa bulshada, dalka, diinta iyo xeerarka dalka u yaala.
    Markaa waxaan ku soo gabo-gabaynayaa maqaalkaygan sidan:
    Saxaafada nuuckasta oo ay tahay waxaan leeyahay yayna saxaafadu noqonin saxaafad hunguri ee ha noqoto mid wax dhista, warka aad qoraysaanina ha noqdo mid xaqiiqo ah oo macno leh dadka aad waxka qoraysaana barta, kuna dara barnaamijyadiina kuwo dadka soo jiita sida barnaamijyo wacyigalineed, kuwo diini ah, suugaan IWM.
    Haddii aan si mutaxan u eegno saxaafada soomaliland gaar-ahaan jaraa’idadda, waxay ahaayeen markii la bilaabay kuwo dadku ku diirsadeen, hadase waxaad moodaa kuwo u socda dhinaca xumaanta, miyaanay aqoonta saxaafada ee dalku kordhaynba,waayo waxaan maqlaa oo jira ururo badan oo saxaafada oo la sameeyay oo marka nin suxufi ah la xidho qayladu ka dhamaato,maxay u arki laayihiin waxa ay qorayaan ee ay dadka u soo gudbinayaan.
    Guntii iyo gebo-gebadii waxaynu u baahanahay in wax laga badalo korna loo qaado aqoonta saxaafadeed ee dalka iyo hanaanka qoraalkeedaba. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa (War la helyaaba talo la hel) ha noqoto saxaafadu mid talo laga helo ee yayna noqon mid balo-sheeg ah.
    Qalinkii: Idiris Farah Muse
    Email: Tiigsi@hotmail.com

    JARAAIDADDA KA SOO BAXA HARGEYSA WAXAY NOQDEEN KUWO BALO-SHEEG AH.

    Maalin kasta oo ilaahay keenoba waxaa magaalada Hargeisa ee caasimada u ah Jamhuuriyada Somaliland ka soo baxa jaraa’ido madax-banaan oo kala duwan, inta badana laga akhristo goobaha MIJILISYADA/MAFRASHYADA qaadka iyo makhaayadaha shaaha. Waxa kale oo aad arkaysaa subaxa hore ee 6:30am – 7:00 iyada oo lala taagan yahay jidadka waaweyn ee magaalada Hargeisa, xoogaa kamid ahna waxaa loo diraa gobolada dalka. Adiga oo war u haraadan haddii aad iibsato nuqul ama mid kamida jaraa’idkaasi marnaba kama dheehan kartid war muhiim ah, ama war farxadleh, ama ka sheekaynaaya waxyaabaha u qabsoomay dalka mar mar ayaa lagu arkaa bogagga qaarkood shaqooyin ay ku soo xayaysiiyaan hay’aduhu. Marka aad indhaha ciwaanka hore ku dhufataba waxaad ku arkaysaa ciwaano balo sheeg ah, dad-iscaayaaya, xisbiyada oo kala roganaaya barnaamijyo siyaasadeed oo Artificial ah (Bug ah),masuuliyiin is-caayaaya oo isku haysta danahooga siyaasadeed ee dib-u-socodka ah iwm.
    Sidaasi darteed dadweynihii waxay la qabsadeen waxyaabahaasi foosha xun ee ku qoran oo badalay quluubtii dadka ee wanaagsanayd inta badana waxaa iibsada dadka xiiseeya siyaasadaha dib-usocodka ah, waayo iyaga oo kaliya ayuu raali galinayaa. Maxaa u diiday inay qoraan nuqulada xambaarsan cilmiga iyo aqoonta diiniga ah, maxaa u diiday inay qoraan hidaha iyo dhaqanka, taariikhda, iyo inay sheegaan ama baraan khayraadka dabiiciga ah ee dalkani leeyahay. Ma la odhan karaa dadku waxay jecel yihiin inay dhegahoodu wax xun uun maqlaan mise saxaafadii ayaa noqotay mid balo-sheeg ah oo sidaas ayay ku iibsamaysaa? Waxaana hubaal ah inay maskaxda dadka saamayn iyo raad ku reebi doonto mustaqbalka. Haddii aad hoos u fiiriso saxaafada dalka waxaad arkaysaa in ayna qaangaadh ahayn wali.
    Dhinaca kale xaga fikirka ama xoriyada hadalka macnaheedu maaha inaad waxaad doonto ku hadasho-qorto ee waxaa loo baahan yahay inaad la kaashato caqliga saliimka ah ee Eebe ku siiyay waxaa loo baahan yahay inaad miisaanto oo aad eegto hadalkan aad ku hadlayso ama qorayso muxuu saamayn ku yeelanayaa bulshada, dalka, diinta iyo xeerarka dalka u yaala.

    Markaa waxaan ku soo gabo-gabaynayaa maqaalkaygan sidan:
    Saxaafada nuuckasta oo ay tahay waxaan leeyahay yayna saxaafadu noqonin saxaafad hunguri ee ha noqoto mid wax dhista, warka aad qoraysaanina ha noqdo mid xaqiiqo ah oo macno leh dadka aad waxka qoraysaana barta, kuna dara barnaamijyadiina kuwo dadka soo jiita sida barnaamijyo wacyigalineed, kuwo diini ah, suugaan IWM.Haddii aan si mutaxan u eegno saxaafada soomaliland gaar-ahaan jaraa’idadda, waxay ahaayeen markii la bilaabay kuwo dadku ku diirsadeen, hadase waxaad moodaa kuwo u socda dhinaca xumaanta, miyaanay aqoonta saxaafada ee dalku kordhaynba,waayo waxaan maqlaa oo jira ururo badan oo saxaafada oo la sameeyay oo marka nin suxufi ah la xidho qayladu ka dhamaato,maxay u arki laayihiin waxa ay qorayaan ee ay dadka u soo gudbinayaan.Guntii iyo gebo-gebadii waxaynu u baahanahay in wax laga badalo korna loo qaado aqoonta saxaafadeed ee dalka iyo hanaanka qoraalkeedaba. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa (War la helyaaba talo la hel) ha noqoto saxaafadu mid talo laga helo ee yayna noqon mid balo-sheeg ah.

    Qalinkii: Idiris Farah Muse

    Email: Tiigsi@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: