SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Beesha Maxadcase Dhallintoodii Miyay Indha Beeleen?BY Hussein A. Ege

    Posted by Sawnews.tk on January 27, 2010

    Su’aashan waxan isweydiiayay markaan galay meelaha wararka ku baahsadaan oo ay mid tahay Saylicipress, lughaya iyo kuwo kale.  Shabakadaha wararka ee kale dadka Samaroon dood dheer oo danahooga ah bay kaga hadlayaan.Waxan arkay inay dhalinta beeshani ku indha beeleen siday u daawanayeen quruxda siiraanyo iyo siduu u dalxiisayo. Waxay ka waramayaan tallaabo kasta oo qaaday intuu Europe iyo North America.  Haddana waxan is idhi dadkani hurdadan dheer goormay ka toosayaan. Waxa sheekada siiraanyo uga roon iyagoo mustaqbalkooda ka fikira intay Madaxweynihii Mustaqbalka ku riyoonayaan. Aqlidarroda intan leeg waa laysku cadaabaa waana lagu dhintaa ee garta in:

    –         in dantiinu ku jirtu danta guud ee samaroon

    –         in saddexdan xisbi ay kala leeyihiin saddex nin oo isku qabiil ah, kuma jiro xisbi Samaroon. Wax waqti lagu lumiyona maaha.

    –         In waddanka aanay dawlad la aqoonsanyahay ka dhisnayn oo axsaab ku sheegan loo samaystay in dadka lagu kala qaybiyo.

    –         In nimanka ku jira axsaabtan ay dantooda ugu jiraan oo anay cid kale ogayn.

    –         Inay siyaasiyiin ku sheeggu yihiin kuwa magaca qabiil marna soo huwanaya marna diidaya

    –         In waddanka somalidu burburay oo reer walba dhulkiisa iyo magaciisa ilaashanayo inta dawlad la helayo.

    –         In maamulkan immika jiraa yahay mid loogu talagaly meel ku gaadh

    –         In dhulkiinii maanta uu Samaroon oo dhammi ka hadlayo idinna in yar mooyee aydaan ka dex muuqan.

    Waxan idiin sheegayaa, qabaailka somalida qolo waliba woxoogaa muran ah way ka dhexeeyaan. Hase yeeshee danta guud, magacooda iyo dhulkooda way ilaashadaan. Ninna intuu kuu jiro kuuma soo dhaafo ay tidhaa somalidu. Haddaba bal waxad akhridaan labada warqadood ee hoos quran. Tan hore waxa qoray dhallin waxgarad ah oo mudan in la hambalyeeyo laguna daydo. Warqadda labaad ee ka bambaysana waxa qortay gabadh ka soo qaylinaysa Borama. Labada warqadoodba waxa sii fiican uga hadlayaan xaaladda maanta dadkii ku suganyahay iyo halkuu joogsan lahaa qofkii dhiig, dadnimo iyo damiir ay ku hadheen.

    Warqadda kowaad waa tan

    Waxan marka hore Madaxwayne Rayaalow  ku ogaysiinaynaa in dhalinyarta Jibriilyoonis ee  qaarada yurub oo mudo badan dabka iskugu ridi jirtay difaaca iyo taageeradaadu ay maanta waji gabax ka joogaan wixii tageera ahaa ee ay kuu hayeen kadib markii aad ku kacday ama aad ku guuldaraysatay inaad fuliso arimahan soo socda.

    Qodobka:  1 ) Madaxwayne waxad ku fashilantay in aad ka midha dhaliso xasuuqii iyo dhagartii lagula kacay dadkii wadaniga ahaa ee sida axmaqnimada ah ee badheedhka ah loo laayay iyaga oo dalkoodii hooyo oo ay nabad moodayeen dhex socdaalaya.Madaxweyne waxan ognahay inaad qoysaskii dadka laga laayey qoys walba odayadii u xigay u dirtay ood tidhi maanta anigaa midida daabkeeda haya,dalkana cid iiga saraysaa ma jirto inuu dagaal sokeeye dushayda ka dhaco oo dalkani maanta gacanteena ku burburo ma doonayo ee tolkayow anigaa nimankaa dhagar qabayaasha ah soo qabanaya oo waa niman qaranka dambi ka galaye ii samra,Waxad ilaa imika ka qabatayna ma jirto.

    Madaxwayne waxan kuu bayaaminaynaa dhagartaa kalabaydh ee dhiigeedii aad bi’isay hadii aad sida ugu dhaqsaha badan wax uga qaban waydo  dhalinyarta beeshu waxay u cadaynaysaa kuna dhiiri galinaysaa bulshada reer Awdal/Selel iyo eheladoodiiba in goor ay noqotaba adiga lagaala xisaabtamo.

    Qodobka: 2)Madaxwayne barahayn dambe waxad si badheedh ah u cadaysatay oo aad ku kacday falal xun oo ay kamid yihiin in aad si gaara sharafta uga qaado una cadaadiso waayeelka iyo waxgaradka gobolada Awdal/Selel.Anagoo ka jawaabayna erayadii dayl-qaafka ahaa ee dhawaan kaa soo yeedhay ee aad ku sheegtay in dawlada oo kali ah ka masuul tahay go,aankasta oo lagu iibinayo ama lagu kiraynayo dhulka shacbiga ka dhexeeya isla markaana aad sheegtay in aanay salaadiintu shuqul ku lahayn waxna laga waydiin karin aaya ka talinta dhulkooda,waxan kuu sheegaynaa in hadaladaa iyo fikirkaa,  aad kaga dhawaajisay aanay ka turjumayn xaqiiqada iyo waayaha maanta soomaaliland ay ku sugantahay.

    Waayo A- Somaliland maaha dal la aqoonsanyahay dawladeeduna maaha mid caalamka laga aqoonsanyahay oo shacbigeeda baahi walba  ka haqab tirikarta.

    B- Adigu ma tihid madaxwayne awood u leh in aad damaanad qaado nabad galyada shacbiga oo waan wada ognahay in afar wiil oo yar yar ay xukumadaadu maaro ay ku soo qabato u wayday.

    C- waxa kale oo aan wada ognahay in dawladaada maamulkeedu aanu Burco wada gaadhsiisnayn waxana taa daliil u ah lacagtii giimbaarka ahayd ee Boorama xooga lagaga ururshay ayaa burco haatan laga isticmaalaa.

    D- dawladaadu awood uma laha ay gobolada Awdal/Selel ku maal galiso ama wax ugu qabato oo taana waxa daliil u ah dhacdadii RIIGA ee hargaysa ka dhacday markii la maqlay Booramaa la gaynayaa.

    E- Shacbiga soomaliland waa beelo isku tagay cidwalbana aayaha dhulkeeda iyadaa cidwalba uga lexejeclo badan taasina waa ta kugu kalifta mar walba  in aad aaqilada reer Sool ama gobolada kaleba la socodsiiso talaabo kasta oo aad wax kaga qabanayso ama qaadayso. Markaa inaad tidhaa Awdal iyo Salal cidna wax ka waydiin maayo anigaa sidaan doono ka yeelaya cidda ka hadashayna waxba maaha waa ayaan darro kale oo aan loo dulqaadan karin.

    Qdobka: 3) Madaxwayne waxad caadaysatay in aad maamul dhaqanxun oo laga baxay wakhtigan xaadirka  loona baahnayn  kula dhaqanto shacbiga gobolada Awdal/Salal adiga oo salaadiinta iyo waayeelada iyo beelaha goboladaa ku dhaqan ee walaalaha ah ee isku dhiiga ah u adeegsanaya dantaada gaarka ah iskana horkeenaya.(Qaybi oo xukun)

    Qodobka: 4)  Madaxwayne waxa kaloo noo muuqata in aad iska dhaadhicisay in aanay jirinba cidkale oo danaha Awdal/Selel lagala xisaabtami karo ama lagala hadli karo oo aan adiga ahayni taasina waa sharaf dil kale oo aad ugaysanayo  dadka boqolaalka kun ah ee ay ku jiraan dabcan dad kaa cilmi badan kaana caqli badani.

    Qodobka : 5) Madaxwayne waxan ognahay in madaxnimadaadii lagu hungoobay oo hoos u dhac wayn ay kala kulmeen dadka aad ka dhalatay,dhulkoodana aanad waxba kusoo kordhin adigoo aaminsan hadii aad wax u qabato inaad waayeyso kalsoonida gobollo kale. Waxan ognahay waxad uqabato bulshada gobolada Awdal/Selel iskadaaye in aad carqalad ku noqotay wada jirkoodii iyo jiritaankooda iyo taariikhdoodiiba. Oo markii ay waxba adiga iyo dawladaada ku waydiisanwaayeen aad ugu timiday wixii kali ahaa ee ay ku faanayeen taas oo ah dhulkooda taariikhiga ah.

    Qodobka: 6) Madaxwayne marnaba dhalinyarta beesha iyo bulshada goboladuba kama soo horjeesanayaan  wixii wax u faa’iidaynaya dadka iyo dhulkoodaba laakiin dadku wada jaahiliin maaha oo meel dad gaara loo ooday iyo meel bulshada camal looga furayna isku muuqaal maaha. Sacadiin iyo ceebaadna hadii dadka camal looga furayo oo ay faa’iido bulshada ugu jirtana kama aad dhigteen sir, kamana horjoogsateen awqaasha iyo waayeelada dalka.

    Gaba gabadii waxan kuusoo jeedinaynaa Mudane  Madaxwayne sida aad adigu kaligaa wax u arkayso arimaha Awdal iyo Selel maaha. Taariikhdu way is bedashaa umase muuqato taariikhda aad hada wadaayi mid wanaag kuusoo jiidaysa. Aduunkuna waa maalin iyo habeen hadii ay kula dheeraato xaqdaro aad bulsho ugaysanaysaana waa mid aad mar uun ka jawaabi doonto ama aad macnayn doonto aakhiro iyo if mid ay noqotaba.

    Waxa kale oo aan ku xasuusinaynaa in bulshadii meel daganiba ay leedahay wax ay ku faanto somalilana ay tahay sida caalamka kale bulsho iyo gobolo isku yimid oo uu nin walba meel daganyahay dawladii dadkeeda ushaqaynaysana waxa la gudboon in ay la tashato dadka meesha dagan.

    Mudooyin badan waxad ku eedaysay xisbiyada macaaridka inay qabiil adeegsadaan adiga oo adigu isa saaraya fooqa qaran-nimo, laakiin hadii aan xaqiiqada ka hadalo ta aad reer Awdal kula dhaqmaysaayi eed dhiigoodii ku bi’isay eed dhulkoodana ku xaraashtay awqaashoodana sharafta kaga qaadaysaayi waa tu ku salaysan qabiil.

    Sobobtoo ah maadaaba aad Awdal ka soo jeedo umaba aragtid in ay waxba xaq kuugu leeyihiin dadka reer Awdal iyo Selel taasina waa mid ka xun qabyaalada muuqata ee qof wax kugu yeeli karo.

    Madaxwayne waxan kusoo gaba gabaynaynaa aragtidayadan in aanay madax meel kasaraysa oo la taabtaayi jirin isla markaana wixii bulshada reer Awd/Selel ay tabanayaana uu adiga dushaada yahay. Waxanan u cadaynaynaa buldhada ree Awd/Selel iyo beelaha kale ee reer soomalilanda in waxaad adigu gasho ee xad gudub ihi adiga kugu kooban yahay oo aanay beesha jibriilyiinis waxba kugula jirin maadaaba aanay jirin cid aad talo ka qaadato ama wax waydiiso oo reer Awdal/Selel ahi

    dhalinyarada Jibriir Yoonis ee qaarada Yurub.

    Warqadda labaad waa tan


    DIGIIN KU SOCOTA  DHAMMAAN WAXGARADKA SAMAROON.

    Haddan nahay ururuka  SAMOTALIS dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxan ugu horreyn salaamaynaa ummadda samaroon meelksatoo ay joogaan. gaar ahaan waxan salaan qaaliya u diraynaa salaadiinta, cuqaasha, indheergaradka iyo siyaasiyiinta daneeya wanaagga umaddooda. intaa kadib, waxa maanta ummadda samaroon haysata dhibaatooyin farobadan oo kaga imanaya ugu horreyn Rayaale iyo taliskiisa iyo ta labaad oo ah dawladda jabuuti ee an dariska nahay, waxad wada ogsoontihiin in ugaaskii ciise la doonayo in lagu caleemo saaro Saylac sannadkan an ku jirno bishiisa labaad amma tiisa seddexaad, waxa kaloo an ka wada dheregsannahay in ugaasyada ciise lagu caleemo-saari jiray waligoodba Itoobiya oo aynaan shaqo ku lahaan jirin caleemosaarkooga, maanta waxa la idinku beerlaxawsanayaa in guddi ka kooban 13 oday oo ciise ah iyo 13 oday oo samaroon ahi ay qabanqaabada ka wada qaybgali doonaan, arrintaas oo ah arrin ugub oo waligeed  an hore u dhicin, waana arrin la isku dagayo, mana aha wax la qaadan karo markaan run kuwada hadalno. sida sooyaalku dhigayana weligeed lama araga lamana maqal caleemosaar caynkan ah. Saylacna marnaba laguma caleemosaarin ugaas ciise, waxana Ciise caalamka u sheegay war been ah taaso ay leeyihiin ugaasyadayada waxa lagu caleemosaara lana soo wada mariyaa dhulka ciise. waxanan ognahay saylac inaanay ahayn dhul ciise oo samaroon laga sheegan karo maanta, waxana waftiga intaa le’eg ee ka kooban wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka waxbarashada, gudoomiyaha baarlamaanka, wasiirka dalxiiska saylac ay u yimaadeen waa arrin ka weyn caleemosaar ugaas, dalkeenaana duullaan lagu yahay waxan ka danbeeysa siyaasad jiritaanka ummdeenna khatar weyn ku ah, dalkana la inanaga saarayo loona baahanyahay in laga hortago.
    Waxa dawladda Jabuuti ay rabtaa inay inna kala jajabiso oo la inna kala xado, waxa wufuud loo kala dirayaa degmooyinkeenna oo dhan, waxa la leeyahay reer hebel way oggolaadeen oo reer hebel wey oggolaadeen arrintaas oo ah been iyo beerlaxawsi,  ee reer hebelow idinkaa naga soo horjeeda oo na diiddan ee abtiyaal dhasho iyo dhasheed baan nahee waa sidee,  waxa la rabaa in dadkeenna ka bilaa damiirka ah la innoo adeegsado oo la inagu karbaashaa anay ku danaystaan, xumaan iyo khilaafna dhexdeenna laga abuuro aan caabaqiisu weligii anu inaga hadhin taariikh madowna inna dhaxalsiiya abidkeen ummad ahaan. waa in dacaayadda rakhiiska ah ad iska garataan. waxana wanaagsan wufuuddan dalkeena dhex mushaaxaysa oo la iska qabtaa waayo waa fidno waxay wadaan iyo isku dirkeenna.
    Ummadii waa tii karamadeeda iyo sharateeda ilaalisa xumaanta lagu hayana ka damqata isna qabata dhexdeeda, haddii taa la waayana waxad ogaataan in habeen idiin dumay.
    sidoo kale waxa ku jirtay warsaxaafadeedkii salaadiintu ay bixiyeen weliba suldaan baade inay Saylac ku soo arkeen dhallinyaro samaroon ah oo jeelasha ka buuxda  jidh-dilna qaar ka mida lagu sameeyey, waxa kaloo ay caddeeyeen inay cabasho ay ka heleen dadka halkaa deggan awgeed ay u tageen, waxana dhibaatadani ay bilaabantay intii loo xilsaaray badhasaabka iyo maayarka ka dib markii maamulka caganta u geliyey Rayaale. halkaa,  ayaanad ka arki kartaan  arrinta madaxeega, waxa intaa ka badanna ilaahy baan ka magangalnay waana waxan innagu isgaadhsiinay haddaynaan hadda wax ka qaban intay goori goor tahay. Jabuutina la idiinka warrami maayo siday wax u jiraan.
    sidaa darteed, waxan salaadiinta, cuqaasha, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo ummadda samaroon meelkastoo ay joogaan an ka codsanaynaa anan uga digaynaa in arrintaa ay diidaan anay horjoogsadaan inu meeshaa caleemo saar wax la yidhaa u ka dhaco iyo inay ka qaybqaataan labadaba.
    waxanan uga digaynaa qofka arrintaa ku kacaa inu yahay nin dalkiisa iyo dadkiisaba khaayimaya axankii dhulkiisana cunaya ubadkiisana dhaxalkoodii seejinaya kana hiilinaya. reerkuu doono samaroon ha ka ahaado, mansabkuu doono ha sheegto ninka sidaa yeelaana, ha dheeraato amma ha dhawaato e waa in abaalkiisa la mariyaa, gacan birana la isaga qabtaa lana – sidaasaa kheyrku ku jiraa ilaahyna raalli inagaga noqonayaa maadaama aynaan cidna dulmayn ee innaga Jabuutina la inagu dulmey Saylacna la rabo in la inagu dulmo.
    afhayeenka Samotalis
    sahra maxamad
    Borama – Awdal

    BY Hussein A. Ege


    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: