SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Reer Garbo-Dadar Oo Si Kulul U Diidey Suldaan Reer Gabiley Ah Oo La Rabay In Lagu Caleemo Saaro Garbada

    Posted by Sawnews.tk on January 19, 2010

    garbo-dadar.JPGSawnews (Garbo-Dadar)- Dadwaynaha ku nool degmada Garbo Dadar ee gobolka Selel ayaa si kulul ugu gacansaydhey qorshe ay ku timaameen mid sharci darro ah oo lagu doonayay in

    Suldaan la sheegey inuu ka soo jeedo degmada Gabiley lagu caleemo saaro magaalada Garbo-Dadar.

    garbo-dadar.JPG
    magaalada Garbodadar ee xarunta degmada Garbodadar (sawir hore)

    Dadwaynaha ku dhaqan degmada Garbo Dadar oo sheegey iney arrintani fajac iyo yaab ku abuurtey ayaa tallaabadan ku tilmaamey dhulballaadhsi sharci darro ah.

    Haddaba kulan ballaadhan oo ay waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta reer Gabo Dadar ku yeesheen  shalay magaalada Garbo Dadar ayaa waxa ay ka soo saareen bayaankan hoos ku qoran:

    “Annaga oo ah waxgaradka, odayaasha, siyaaasiyiinta iyo dhallin yarada degmada Garbo Dadar waxaannu halkan kaga hadleynaa arrinta fajicisada iyo layaabka xanbaarsan ee filan waaga nagu noqotey, taasoo ah fal ay maamulka Gabiley rabeen iney ka fuliyaan degmada Garbo Dadar, falkaasoo ah iney soo abaabulaan qorshe tuugo ah oo ay ku dooranayaan suldaan aan u dhalan deegaansaasi lana rabey in lagu  caleemo saaro magaalada Garbo Dadar, iyada oo ayna dadka uu ka soo jeedaayi wax degaan ah ku lahayn halkaasi, Arrintaasina ay ahayd mid la rabey in khalkhal lagaga abuuro degaannadaasi nabadda ah oo ajeedadda ka danbeysaana ay tahay dhul ballaadhsi qeyr distoori ah oo aan waafaqsanayn shuruucda maamul  ee u taal dalka Somali Land.

    Sidaas darteed waxaannu u sheegaynaa cid kasta oo ay khuseyso arrintani inaanaan ogalayn islamarkaanna ananaan marnba yeeli doonin falka noocaas ah iyo ku la mid ah toona,  dawladda Somali Land-na waxaannu u sheegaynaa haddii ay arrintaasi wax ka qaban waydo  in wixii ka dhaca uu masuul  ka yahay maamulka degmada  Gabiley”.

    waxaa baaqa soo saarey:
    1. Sul. Siciid Muxumad Cali
    2. oday Yaasiin CAbdi Giire
    3. Cabdoo Ibraahim Diiriye
    4.Muuse Xuseen Ceelaabe
    5. Cariish Cismaan Aare
    6. Daahir Xuseen Cawaale
    7. Xuseen Cali Qaloonbi
    8. Ramadaan Cabdillaahi Faaarax
    9. Ismaciil Cimi Caynaan
    10. Jaaamac Axmad Suldaan
    11. Saleebaan Xasan Axmad
    12. Jaamac Nuur Dhinbiil
    13. Jaamac Siciid Samaale
    14.Adan Cali Bookh
    15. Xabiib Cilmi Suldaan
    16.Barkhad Cilmi Xirsi
    17. Maxamad Cawaale Shawaad
    18. Maxamuud Cbdi Xoosh
    19. Yuusuf Cali Cilmi
    20. Cismaan Ismaaciil Faarax
    21.Bile Hammi Diiriye
    22. Mahdi Araye Barkhadle
    23.Bayle Khayre Cige
    24. Cumar Nuur Xoosh
    25. Cabdile Xasan Araye
    26. Cabdillaahi Nuur Xasan

    Lughaya News
    Garbo Dadar

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: