SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Budhcad Badeed Somaaliya Oo Lacag Madax Furasho isku Dagaalay Magaalada Xarardheere.

    Posted by Sawnews.tk on January 19, 2010

    Magaalada Xarar dheere ee dadka Somaliya  waxaa saaka  ka taagan xiisad colaadeed

    Iyo dagaal laga baqayo inuu ka dhex qarxo kooxo Budhcad-badeeda oo halkaasi jooga shalay ayaa waxay kooxahaasi ku dirireen lacagtii malaayiinta doolar ahayd ,ee madax furashada looga qaatay markab kuwa saliida qaada ah oo shalay la siidaayay, Budhcadbadeedka dagaal koodaasi shalay, sadex nina waa iska dileen ,sadexna waa ay dhaawacmeen , hadaba sida ay sheegayaan dad halkaasi ku sugan tan iyo xalayto ,aad boo loobaqayay markii la arkay  kooxahaasi budhcad badeedka oo isku hub urursanaya

    Waxaase sakayto magaalada badhtanaheeda , dadka iskugu soo saaray  Cuqaashii iyo Culimadii ,iyo Ganacsatadii oo doonaaya bal in labaajiyo Dagaal kale  inuu magaalada xarardheere  budhcad badeeda ku dhex maro, sida ay sheegayaan dad halkaasi goob joogayaa  ee jooga magaalada xarardheere ,  Labada koxood ee budhcadbadeeda ahi ku dagaalameen qaybsiga lacagtii madax furashada , markabkaasi saliida qaada ee afduubka loo haystay tan iyo bishii November  ee sanad kii hore,

    Lacagtaasi waxaa la leeyahay waa mida madax furashada ah e  waa 5 Millyan iyo Badh doolar  laakiin se dadkaasi Xarar dheere jooga qaarkood waxay sheegeen inay ka badantahay , waa sida ay sheegeen budhcadbadeeda laftooda ay tahay lacagtaasi              7 milyan .

    Waxaa loo kala qaybsaday sadex kooxood ,oo meelo kala duwan jooga  oo xulafo ku ah hawl galada  budhcad badeeda , Magaalada Xarardhereere baqdin xoogleh ayaa xalay ka jirtay , ka hor  saaka markii ay ku baxeen oo ay shir wayn  badhtamaha magaalada ku qabteen Cuqaashii , Culimadii,  Baayacmushatarigii iyo Waalidiintuba , waxaa wakhtiga kan  7:15 am la sheegay magaalada badhtamaheeda in odoyaashu kawadaan , waan waan iyo sidii nabad look ala dhex dhigi lahaa labdaasi kooxood ee budhcadbadeed ah , ee aadka u hubaysan ,

    Haba maaha markii ugu horaysay ee ay budhcadbadeeda Soomalidu ku dagaalamaan , lacagaha ay  Baada uga qaataan Maraakiibta ay soo qafaashaan , Markabkii calanka Grice watay ee shalayto Isniintii lagu sii daayay  aaga dagmada Xarardheere , waxa uu siday saliid Qiimaheedu ku fadhiyo  150 malyuun oo Doolar,  waxa uu ushiraacday isla shalayto xaga dakada magaalada Derban ee dalka South Africa,

    Sida la sheegayana Budhcadbadeeduna lacagtoodaasi ayay qaateen , hase ahaatee qayb kamida lacagtaasi , dhaw Boqol kun ahayd waxay uqaybiyeen shaqaalihii markabkaasi

    Oo ay ku sheegeen inay lacagtaasi u siiyeen inay iskaashigoodu  wanaagsanaa ee ay shaqalaha markabku muujiyeen , Shaqaalahaasi oo iskugu jiray 16 u dhalatay wadanka  Philippine  , 9 Grice ah , 2 Ukraine  ah iyo mid Romania  udhashay  .

    Si kasta ha ahaatee mulkiil;ayaasha markabka waa ay diideen tafaasiil dheeraad ah inay

    Bishan janaayo bisheedii kal hore waa 2009 kiiye ayaa 3  Malyuun oo madax furasho ah ,

    Waxaa budhcadbadeeda laga siiyay Markab kuwa  Saliida qaada ah  oo la odhan jira  Sitris Star .

    Wixii ka danbeeyay Budhcadbadeedu waxa ay guranayeen hadba lacago baada oo kaasha

    Oo laga siinaayay Maraakiibta ay soo qafaashaan , oo waliba qaarkood ay ka keenaan meelo aad uga baxsan Biyaha Somaaliya , maraakiibtaasoo inta badan fadhida degmada Xarardheere iyo degmada Eyl ee dalka  Somaaliya , waxa dhaxda inta badan in lacagta madax furashada loogu geeyo diyaarado yar-yar oo dul taga Markabkaasi lahaysto ,

    Oo halkaasi uga rida .

    Sida ay muujinayaan tirooyinka rasmiga aan ahayn sanadkii 2009 , sanadkaasi waxa uu ahaa sanadkii ay ugu mashquulka badnaayeen ,Budhcadbadeeda Somaalidu ,marka la fiiriyo Maraakiibta ay weerareen ,iyo weeraradaasi inta ay ku guulaysteen ,waxana la leeyahay tirade maraakiibta ay qafaasheen ,waa ay sii kordheen , waxa ay qaadeen baa la leeyahay 200 oo weerar 68 kamida waa ayku guulaysteen , waxa kaloo la sheegay in lacagta madax furashada , ee la siiyay Budhcadbadeeda Soomaalidu ay kabadatay , Baadii ay hantiyeen Sanadkii 2008 , oo ahayd ilaayo 50 Malyuun oo Doolar ,

    Wali hadaba waa ay wadaan weeraradii oo sida ciidamada Maraykanka ee fadhiya wadanka Baxrayn ay sheegeen , Axadii waxaa ka badbaaday Budhcadbadeeda Somalida ah , Markab calanka JUMAICA sitay  oo marayay meel dibada ka ah  Xeebta dalka YEMEN .

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: