SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Waa Qiso Iyo Yaab!!! Ila qosol

    Posted by Sawnews.tk on January 17, 2010

    Huriwaa Iyo  Hanad, ( Ila Qosol    KA…KA..  KAAAAAA)

    Huriwaa  iyo Hanad  waa laba nin oo aad looga yaqaan magaalada Burco. Garaadkoodu waa heer sare waxanay inta badan ka sheekaystaan kolba wixii jira ee warar ah. Inta badan fiidkii ayay kulmaan mararna telefoon bay ku xidhiiidhaan. Sheekadoodii maantu waxay ahayd sidan:

    Huriwaa: Dunidani malaha way rogmanaysaa. Maalin walba wax aad la yaabto uun baad

    maqlaysaa ama la kulmaysaa.  Waa yaab

    Hanad: Huuum….Maxaa maantana cusub? Anba sidoo kale ayaan  yaabanahaye bal horta

    taada ii sheeg.

    Huriwaa:  KA… KA …KAAA.  Maanta ma akhriday  Gabiley website oo sheegtay in

    Mujaahid macnaheegu yahay fulaha ama nacaska  ama tuuga ?

    Hanad: Ma kaa dhab baa? Oo siduu u badali karaa, Mujaahid macnihiisa waa la yaqaane?

    Huriwaa: Dadqalatadii ilaahay nacdalay ee fulayaasha ahaa ee jidka oo joogsaday baa

    maantana Mujaahid lagu sheegay. Taasi  yaab maaha?

    Hanad: Waa runtaa dunidan way rogmanaysaa. Hadday sidan tahay anigu mujaahid

    danbe ma sheegan karo. Waayo waxan ku faani jiray sidaan jeelkii Madheera u  jebiyay een maxaabiista ugala baxay.

    Huriwaa: ka… ka ….    Kaaa  waar kuwaasi horay innoo ceebeeyeen ee immikana ma

    waxay keeneen inay magacii dadka soo halgamay ceebeeyaan?

    Hanad: Waxani wax dad ah maaha oo waakii suldan Galaal ku tilmaamay inay yihiin dad

    Yiciis ah.

    Huriwaa: Haa waan xusuustaa markuu reer Gabilay la hadlayay odayashooda. Huuuum…

    waa maxay Yiciis? Waxan u malayn waa wax aan sida dadka ahayn …Malaha waa daayeerta oo kale, mise waa dadqalato? Ma garanayo..waa wax sidaas ah.

    Hanad:  Ninka jidka dadka u joogsaday ee weliba dilay Quraankaaba sheegay inuu yahay

    “ Qaadicu dariiq” oo Ilaahay wuu nacdaly. Waayo, waa fule doqon ah.  sidaa geesinimo iyo mujaahid laguma sheegan karo.

    Huriwaa: Haa. Ilaahay jidgooyada wuu nacdalay wuxuu ka digayaa fidnada ka iman karta oo ah ammaan darro iyo dadkoo kala goa. Intaa kuwan yiciiska ihi ma garan karaan waayo waa yiciis run ah siduu Suldaan Galaal sheegay.

    Hanad: waa runtaa. Nin geesi ihi ama mujaahid ihi jid ma joogsado safar aan

    hubaysnaynna ma qasho. Wuxuu iska celiyaa cid huabaysan oo la dagaalamaysa.

    Huriwaa: Huum. Malaha mujaahidba ma garanayaan. Maxay garan karaan waa yiciis eh. Mujaahid waa kelmed af-carbeed ah oo ka timid Jihaad. Diintaana bannaysay marka naftaada laguugu yimaaddo ee hub laguu soo qaato sidii ciidamadii faqashta oo kale.

    Hanad: war kuwan way inna ceebeeyeen Ilaahay ha ceebeeyo. Ma aragtaa dakaa jaarkoo u

    way ka xishoodeen inay sidoo kale u aargoostaan.  Waayo. Wax nacas walba u damiir lahayn ba u dhib yar inuu jid-gooyo sameeyo. Boqol jid bay joogsan karaan ayaa ilaalinaya. Damiirkoodaa ilaalina  laakiin  reer yiciis damiir ma laha!!

    Abdikarim Osman

    Sawnews.tk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: